TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Tuesday 29 November 2011

Sperm yarida

Waa maxay oligospermia? waxaa
loo yaqaanaa noolayaasha shahwada ragga ku jira oo tiradooda yar tahay (low sperm count) waxayna ka mid
tahay asbaabaha ku keena ragga
dhalmo la aanta.
Waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu qabaa sperm yari markii 1ml oo shahwadiisa ah laga helo in ka yar 20 million oo sperm ah (sperms).
Waxaa badanaa la isku qaldaa sperm yari (Low sperm) iyo shahwo yari (Low semen). shahwo yari waa biyaha ragga oo yar sperm yarina waa unugyada abuurka ragga oo u qaabilsan bacriminta ugxanta oo yar. Shahwo yarida wuu ogaan karaa qofka laakiin in sperm yari jirto ma ogaan karo qofka
ilaa inta laga baarayo oo sheybaar la
geeyo shahwada ka dibna la xisaabo 1 kii mililitar oo shahwo ah tirada noolayaasha ku jira . Maxaa keeno sperm yarida?
Sperm yarida waxaa keeno dhawr
xaaladood oo ay ka mid tahay, cudurro,
daawooyinka qaar oo la isticmaalo, hormoonnada iyo
vitaminnada qaar oo yaraado. Waxyaabaha keeno sperm yarida waxaa
ugu horreeya
1:Dhibaatooyin la xiriira samaysanka
sperms ka, tani waxey ku dhacdaa dadka ku dhasha dhibaato (hidda socod).
2: Xaniinyaha oo dhaawac gaaro waxay keeni kartaa sperm yari ama sperm la'aan.
3: Nafaqo darrida waxay keentaa sperm
yari waliba markuu jirka ku yaraado
curiya yaasha (Zinc, Selenium, Vitamin C.4: Kuleel siyaado ah oo gaara xaniinyaha
sida Saunas ka lagu qubeysto ama biyo
aad u kulul oo ku istijooto.
5: Sigaar cabidda waxay keentaa sperm
yari.
6: Daroogada sida Cocaine ta
waxay yareeysaa sperms ka 50%.
7: Khamriga sidoo kale wuxuu dilaa
Sperms ka marka dadka aad ka u cabo
waxay u keentaa sperm yari.
8: Waxaa jiro daawooyin badan oo keena sperm yari sidaa darteed daawo ha isticmaalin adigoon kala tashan dhaqaatiirta.
9: Sunta iyo shucaaca qalabka qaarkii ee loo isticmaalo baaritaanad waxay aad u
yareeyaan sperms ka.
10: sperm yarida waxay ku badan tahay oo kale ragga cayilan. 11: Welwelka iyo fikirka badan wuxuu keenaa sperm yari. 12: cudurka xididada xiniinyaha spermatic cord ka loo yaqaano oo barara (Varicocele) waxuu keenaa sperm yari iyo dhalmo la aan.
13: Waxaa kaloo sperm yarida laga qaadaa in qofka gacantiisa shahwada isaga keeni jiray muddo badan taas oo loo yaqaanno (Siigeysi).
Sidoo kale waxaa keena ama sababa sperm yarida cudurro aad u badan iyo xaalado aad u badan waxaa jiraan dadka qaar oo shahwadooda la soo saara jirka kala soo saara wax loo yaqaano ( anti sperm) waa xaalad qofka spermkiisu lid ku yahay sidoo kale waxaa iyadana xaaladaa oo kale soo saari karta haweenta iyadoona yeelan karta waxa loo yaqaano anti sperm oo ah iney soo saarto haweenta wax liddi ku ah shahwada ninkeeda.
Sperm yari macnaheedu waxaa weeye noolayaasha ku jira shahwada ninka ragga oo tiradooda aad u yar tahay ama halkii mili litar ee shahwo ah noolayaasha ku jira iney ka yaraadaan 20 million oo noole.
Haddii shahwada ninka halkii mili litar laga waayo in ku dhow 20 million oo noolayaasha shahwada ku jira taa macnaheedu waxaa weeye in ninkaa soo wajahdey xaalad dhalmo la aan waa hadii alle qadaree sidaa awgeed noolayaasha shahwada ku jira ayaa ah furaha dhalmada ninka ragga yaraanta noolayaasha shahwada ku jira iyo gaabin ku timaada xawaaraha dhaq dhaqaaqa noolayaasha shahwada iyo in jirka shahwada ka imaaneyso yahay jir caafimaad qaba waxey si toos ah ugu lug yeelaneysaa rajada in ninka ragga ah wax dhalo. Sidaa awgeed haddii noolayaasha shahwadaada ku jira yar yihiin ama ay ku heysato dhibaatooyin la xiriira xagga dhalmada ama dhibaatadaani heysato qof ka mida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadeysa inshaa allaah daaweyn caawimaad dhan kasta ah talo iyo tusaaleyn badan inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo mahad sanidiin.

Saturday 19 November 2011

Dhalmo la aanta

Qaybtii 1-aad Iyadoo la og’yahay in
RABBI uu
qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in
dhalmo la’aanta ay tahay hibo uu isagu
bixiyo, uuna si gaar ah u sheegay RABBI
in ruuxii uu doono uu siinayo wiilal oo qura, ruuxii uu doonana uu siinayo
gabdho qura, kii uu doonana uu isugu
dhafayo Wiilal iyo Gabdho ayaa haddana
waxaa xusid mudan inay jiraan
waxyaabo badan oo sababi kara dhalmo
la’aanta la soo darista qoysaska qaar. Dhalmo la aanta waxaa loo yaqaan
marka
labo ruux oo is guursada aysan helin wax
carruur ah in muddo ah ama abidkood,
iyadoo aan og-nahay in labada qof ee
isguursada sida caadiga ah ay ilmo ku helaan 17-ka bilood ee ugu horreysa
guurkooda Waa haddii uu RABBI doonee.
daraasado caafimaad oo xagga qoyska
ah dhawaana la sameeyay ayaa waxaa
lagu ogaaday
daraasooyinkaasi in 22% dadka isguursaday
ay uurka ugu horreeya ku helaan
sannadka ugu horeeya ee guurkooda,
sidoo kale 29% dadka isguursada ay
iyagana ku helaan uurka ugu horreeya
laba sano, halka 20% ay ku helaan uurka ugu horreeya muddo saddex sano ah,
halka 29%-kalena lagu tilmaamo inay
yihiin Madhalayaal. dhalmo la aanta;
waxaa loo yaqaan
ilmo la’aan ku habsata qoysas muddo
dheer wada joogay ama guurka aan ku kala tagin in muddo ah, in ruuxu uu dhalo
marka uu guurka cusub yahay hal cunug
dabadeena ay ka istaagto dhashii iyo
sidoo kale in ruuxu uu goor dambe oo
horay loo batay uu helo hal cunug.
dhalmo la aanta waxaa sababa wax yaabo fara badan oo ay ka mid
yihiin: Dadka isguursanaya oo aan si
dhab ah u aqoon qaabka la isugu
galmoodo, mid ka mid ah labada ruux oo
aan si wanaagsan u qaabilin ruuxa kale
marka lagu jiro gogosha ama xaaladda isku taggu ay socoto, ninka oo aan si
wanaagsan isaga saarin minada,
haweeneyda oo iska kacda marka ay
dhamaato galmada, iyo iyadoo intaa ay
raacsan tahay in ay sababaan dhalmo
la’aanta cuddurro inta badan ku dhaca ilmo galeenka ama minada ragga oo aan
wax noole ah lahayn ama aanay ku jirin.
Inta badan waxaan maqalnaa hebel iyo
heblaayo ayaa muddo dheer ku jiray
baaris caafimaad si ay u ogaadaan waxa
sababay dhalmo la’aantooda, markii ay kala tagaan oo mid walbaahi goonidiisa
u guursadana uu ILLAAHAY labadoodiiba
ku arsuqay Awlaad, tan oo kale looma
nisbayn karo sabab dhalmo la aan balse
waxaa loo nisbeeyaa in labada ruux
dheecaannadoodu ay yihiin kuwo aan falgal sameyn karin xagga xajmiga iyo
tababrta marka laga eego. Waxaa la
yiraahdaa guurka dhex mara
labada ruux ee kala jinsiga ah sida:
Japanese-ka iyo American-ka, Eskimos-
ka iyo Arabian-ka, Indian-ka iyo British- ka iyo wixi la halmaala inay
sababaan dhalmo la’aan soo wajahdo
qoysaskooda, iyadoo warbixintaani ay
sheegtay in labada ruux ee
kala jinsiga ah ay sababi karto dhalmo
la’aantaas, loomana hayo arrintaan daliil intaas dhaafsiisan.
Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqaa in
dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska
ay mas’uuliyaddooda inta badan
leeyihiin haweenka, balse arrintaasi waa
mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana lagu ogaaday daraasad lagu
sameeyay rag iyo dumar in Raggu ay
yihiin kuwa inta badan ay xaggooda ka
timaado dhalmo la’aanta la soo darista
qoysaska isku cusub iyadoo la sheegay in
40% illaa 45% ay raggu garwadeen u yihiin dhalmo la’aanta qoysaska. Waxaa
la og-yahay in qoysas badan oo
aan ku kala faaruqin guurkooda uu RABBI
siiyay carruur muddo ka badan 15-sano
illaa 20-sano iyagoo jooga xaalad
quusasho ah, waxaana taas lagu micneeyaa inay kaalin weyn ku leedahay
dhalmo la aanta, iyadoo loo
daliishanayo inta sano ee ay isla joogeen
labadaas ruux iyagoo aan wax carruur ah
isku dhalin. Dhanka kale; xaaladdaha
dhalmo la’aaneed waxay ku keenaan qoysas fara
badan oo dunida ku dhaqan inay ka
quustaan ilmo inay helaan, iyadoo
mararka qaarna keenta in labada ruux ee
sida wanaagga ah isku soo guursaday ay
ku kala tagaan ilmo la’aan awgeed, taasoo laga yaabo inay sababaan
waxyaabihii aan kor ku soo sheegnay oo
ay ugu weyn tahay aqoon darrida xagga
galmada ah.
Qaybtii 2-aad Ninka ragga ah haddii laga
helo saddex arrimood waxaa suuro-gal ah in uu ilmo
dhalo ama ka badbaado dhalmo la aanta
saddexdaas arrimoodna waxaan u soo
qaadanaynaa mid mid waana kuwan:
1:In laga helo tiro badan oo noolayaal ah
shahwadiisa . waana inuu sida caadada ah ninku ku dabooli karo shahwo
minadiisa in ku dhow 3-5 Cm oo ka mid
ah dhuumaha qaada
minada ama Shawada ee gudaha
haweeneyda, waana in laga helaa
midanadaas tiro noolayaal ah oo dhan 300-500-Miyal, iyadoo la doonayo in laga
helo 1-Cm oo ka mid ah dhuuntaas in ku
dhow 15-20-Malyuun oo noole, inta
badan minada wadata noolayaasha aan
ku soo sheegnay kor waxay ku noolaan
karaan goobta ay ku jiraan muddo dhan 3-5-saacadood oo xiriir ah, halka 50% ay
ku noolaan karaan muddo 24-saac
gudahood ah, iyadoo qaddar lagu
sheegay 20% oo ah minda aan wadan
noolayaal ay iska dhex-jiifi karaan
riximka muddo dheer. . 2: Waa in ninku yahay mid aanay minadu
kaga daadan dibadda Xubinta taranka ee
Haweeneyda ama inta aanu u galmoon
haweeneydiisa ay ka quban shahwadii,
taasina waa si aanay dibadda ugu
daadan noolayaasha ugu horreeya oo ah kuwa ugu muhisan minada oo iyagu
marka horeba soo booda.
3:Waa in ninku yahay mid awood u leh in
minadiisa (Shahwada) uu si
dhameystiran ugu shubaa ama uu u
gaarsiiyaa gudaha Farjiga haweeneydiisa, waana tan midda sida
weyn loogu boorriyo ragga marka la
siinayo taloooyin dhinaca dhalmo laant
ah.
Haddaba, waxaa is weydiin mudan
maxaa sababa dhalmo la’aanta Ragga!?. Firfircooni daro la soo gud boonaata
noolayaasha ku jira minada ragga ayaa
ugu horreyn ba loo aanayn karaa dhalmo
la’aan la soo gud boonaata ragga, waayo
sida qaalibka ah awoodda minada ee
ragga waxay billaaba taa sannadaha ugu horreeya ee qaan-gaarnimadiisa,
waxayna billaabaan inay hoos u dhacaan
wixii ka dambeeya 30-sano, waxay
markaa billaabaan naaqus kale marka ay
gaaraan 40-sano, waxayna darajooyinka
u hooseeya gaaraan sannadaha 55-60-ka sano, wixii intaas ka dambeeyana waxaa
laga yaabaa in ruuxaasi kari waayo inuu
ilmo dhalo ama minadiisa laga helo
noolayaal waxaana wax aan la inkiri
karin ah in ruuxu haddii uu dhalo
muddadaa ilmo inay tahay waxyaabaha la yaabka leh ee aan aragno mararka
qaar. Waxyaabaha kale ee sida weyn
loogu
aaneeyo inay ragga ku keenaan
dhalmo la aan waxaa ka mid ah:
2:In qanjirrada tuura minada ay noqdaan kuwo aan sidii la rabay u shaqeyn,
waxaana sababi karaan Cudurada
Isfiilitada (Waraabowga). TB-da iyo
dhamaan cudurrada ku dhaca
sambabada Waxyaabahaan oo dhanna
waxay ragga dhaxalsiiyaan dhalmo la aan, waxaana
jira cudurro kale oo ragga ka dhiga
madhalayaal, waxaana ka mid ah
cudurka Jabtada oo ay dunidu si weyn
haatan ula dirirayso. Dhanka kale,
cabidda sigaarka, qamriga, Alcoholada iyo cunidda qaadka ayaa ah
kuwo qayb weyn ka qaata in raggu
aanay wax dhalin, waayo ruuxa caba
ama cuna waxyaaba haas aan kor ku soo
sheegnay
waxay u keenaan in minadiisu aysan yeelan noolayaal la falgali kara ugxanta
dumarka, waxaa kaloo ka mid ah inay
raggu wax dhalin inaysan haweenkooda
ugu raaxay sida ugu sarreysa; waayo
raaxo la’aanta waxay keeni kartaa in
niyadda haweeneydiisu aysan noqon mid maqsuud ah.
Qaybta 3-aad dhalmo la aanta dumarka
Waxaa marag-madoonto ah in majaalka
dhalma la’aaneed ee dumarka uu ka
ahmiyad iyo xiiso badan yahay kan
ragga, waxaana taasi macnaheedu yahay in inta badan lagu eedeeyo dumarka inay
dhalmo la’aanta xaggooda u badan tahay,
marka qoys ahaanta laga hadlaayo,
waxayna arrintani dhalmo la’aanta inta
badan ay laabta ka qabatay guud ahaan
haweenka ku dhaqan adduunka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan waddamada
islaamka ah, waayo haddii ay
guursadaan oo ay wax dhali waayaan
waxaa laga yaabaa in raggoodu ay
guursadaan haween kale si ay ilmo u
raadsadaan. Haweenka in badan way ka jecel yihiin ragga iney ilmo dhalaan,
waayo way kaga dareen badan tahay
aabbaha xagga carruurta, waxaana la
yiraahdaa dareenka dumarka ee waalid
nimada waxa uu ka awood iyo mohasho
badan yahay kan raggu u qabaan dhallaankooda, waana taas midda
keentay inay haweenku ka jeclaadaan
ragga dhalmada ama ilmaha.
Iminka waxaan gudo galaynaa
waxyaabaha sababa dhalmo la aanta
dumarka, waxaana ka bixin doonnaa faah-faahin dheeraad ah, waxaana
daboolka si toos ah uga qaadayaa
shaqooyinka guud iyo kuwa gaarka ah
ee xubinta tartanka ee haweenka.
Dumarku waxa uu tarankooda ku xiran
yahay ugxan yaryar oo u eg sida liin dhalatay, kuna teedsan dhanka midig iyo
kan bidix ee dhuunta sida tooska ah u
gasha ilmo galeenka ee qaadda minada
(Shahwada) ragga, waxayna ukumahan
ama ugxantani ka soo daataan dhuunta
ay suran yihiin bishii ba mar, waana kuwa inta badan noqda dhiigga Xaydka
(Caadada) markay waayaan mino ay la
fal-galaan ama ay ka soo daahaan xilligii
ay la falgeli lahaayeen minada,
ukumahani waxay kaloo riximka u
diyaariyaan dahaar yar oo ay ku soo dhacdo minada ragga markay ka timaado
xubinta taranka ee ragga.
Riximka haweeneyda waxaan u kala
qaadaynaa saddex qaybood oo kala ah:
Mid sare, mid qotoma iyo mid hooseeya,
midka hooseeya ayaa wuxuu u sameysan yahay si foorar ah waxa uuna ku
dhammaadaa meesha ugu horreysa ee
Farjiga haweenka qaybtani waa
qayb ta ugu muhimsan ee inta badan u
sahasha noolayaasha ku jira minada
ragga inay si nabad ah ku tagaan halkii ay ku socdeen ee riximka ahayd si ay fal-
gal ula sameeyaan ugxanta Dumarka.
Haddaba, mararka qaar waxaa dhacda in
xubintaas aan soo sheegnay aanay ahayn
mid si toos ah u shaqeyneysa aanay
suuro gal ahayn inay minada raggu gaadho halkii loogu talo galay, halkaasna
ay ku noqoto
haweeneydii mid ma dhasho ah.
Waxyaabaha kale ee sababa dhalmo
la’aanta haweenka waxaa ka mid ah:-
laciifnimo ku timaadda xubnaheeda taran, sida inay tabar beelaan qanjirrada
tuura ugxanta iyo kuwa xafida minada
ragga markay soo gaarto gudaha
xubnaha taranka dumarka, sida la og-
yahay waxey ku qaan gaaraan dumarka
15-jirka, muddadaas wixii ka dambeeya waxaa hoos u dhac uu ku yimaadaa
ugxanta iyo tarankooda illaa
laga gaarayo sannadka 30-aad
sanadkaan wixii ka dambeeyana waxaa
si xowli leh ku soconaya hoos u dhaca
taranka dumarka illaa laga gaarayo sannadka 45-aad ee haweeneyda, wixii
intaa ka dambeeya haweenka xamliga
qaada way yar yihiin. Caadiyan dumarka
inta badan markii ay gaaraan sannadaha
afartameeyada waxay ka quustaan
dhalmo waxaanan oran karnaa 12.5% dumarku markii ay gaaraan sannadaha u
dhexeeya 30-40 waxay ka quustaan
dhalmada, sidoo kale 25% waxay ka
quustaan dhalmada markay gaaraan
sannadaha u dhexeeya 40-45-ka, halka
50% ay dumarku ka quustaan dhalmada markay gaaraan 45-50-sano, sidoo kale
12.5% waxay ku xisaabtamaan sannadka
50-aad ee cimrigooda. Inta badan
cudurrada ku dhaca xubinta
taranka Haweenka iyo qanjirrada kale ee
howsha xamliga iyo dhalmada kala dhexeyso ayaa la dhihi karaa waa
sababta ugu weyn ee u keenta
haweenka inay noqdaan madhaleysyaal,
sidoo kale waxaa jirta waxyaabo kale oo
loo aaneeyo dhalmo la aanta haweenka,
waxaana waxyaaba haas kamid ah. 1:Tabardarrada la soo darista
haweeneyda.
2. Cudurka Kaadi sokorowga.
3. Kilyo xanuunka muddada dheer soo
jiitamayay.
4: burooyinka makaanka ka soo baxa 5: cudurka baabasiirka oo ah cudurka ugu
badan ee haweenka ku keena dhalmo la
aanta iyo hakad ku yimaada dhalmada
dumarka.
6: cudurada dhaliya infakshanada xun
xun sida jabatada iyo guud ahaan infakshanada ku dhaca xubnaha taranka
dumarka.
7: qaar kamida tuboooyinka riximka oo
xirma fallopian tubes.
8: kansanka aan xumeyn ee ku dhaca
riximka loona yaqaan endometriosis oo ah marka unug yada riximka ee gudaha
ay bilaabaan iney ku koraan ilmo
galeenka dibadiisa.
9: kansarka ku dhaca riximka
10:barar ku yimaada ilmo galeenka
dumarka. 11: makaanka oo gedisma tani waxey
keentaa dhalmo la aan joogta ah.
12:qalliimada riximka lagu sameeyo
iyaguna waxey sababaan dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 13: shayaadiinta oo
gasha jirka dumarka ama raad ku yeelata sida sixirka jinka
isha iyguna waxey sababaan dhalmo la
aan ku timaada dumarka.
14: khal khal ku yimaada maadooyinka
kiimikaad ee jirka gaar ahaan kuwa sida
tooska ah ugu shaqada leh riximka oo iguna sabab u noqda dhalmo la aanta
dumarka.
15: daawooyinka uurka la isaga celiyo
ayaa iyaguna keeni kara dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 16: dhaawac ama
jug xoog leh oo gaarta riximka ayaa iyaduna sababi kartaa
dhalmo la aanta dumarka.
17: nusqaan ku yimaada vitamins yada
jirku aanu ka maar min ee aasaasiga ah
ayaa iyaduna lug ku yeelata dhalmo la
aanta dumarka. 18: nafaqo dari guud oo ku dhacda
dumarka ayaa iyaduna sababi karta
dhalmo la aanta dumarka.
Inta badan asbaabaha aan kor ku soo
xusnay ayaa iyaguna sababi karaan
dhalmo la aan ku timaada ragga. Dhalmo la aan waxaa jirta ragga u gaar
ah kuna keenta inuu san waxbo dhalin oo
ninku dhamaan isagoo leh buuxinaya
shuruudaha ninka u suura gelisa inuu
wax dhalo ee aan kor ku soo xusnay
haddana aan awoodi karin inuu dhalo sababta ayaana ah iyada oo minadiisa
shahwadiisa ku jirto ( saliid ) saliidaa
ayaana ka joojineysa iney noola yaasha
ku jira shahwada si toos ugu safraan
gudaha riximka haweentiisa. Waxaa
kaloo jirta dhalmo la aan ku timaada qoysaska qaar oo sababtuna
tahay xubinta taranka haweenta farjiga
oo soo saaraya dheecaan acid badan ah
kaasoo sababa in noola yaasha ku jira
shahwada deg deg u dhintaan iyagoona
gaarin gudaha riximka. Sidoo kale waxaa jirta dhalmo la aan ka
timaada haweenta oo xasaasiyad ku ah
shahwada ninkeeda.
Hadii aad ka cabaneyso dhibaato xagga
dhalmada ah ama hakad ku timid
dhalmadaada ama uu jiro xanuun aad tuhmeyso inuu dhalmada kaa joojiey
ama aad isku aragto calaamdaha dhalmo
la aanta ama in badan aad baadi goob
ugu jirtay inaad hesho awlaad ama uu ka
cabanaayo qof kamida ehelkaada
asxaabtaada qaraaba daada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta
waxey kuu diyaariyeen daaweyn
dhamaan xanuunada keeni kara dhalmo
la aanta kordhinta tayada tirada awooda
shahwada iyo raganni mada nadiifinta
dib u howl gelinta soo celinta hanaanka shaqo ee xubnaha taranka ragga iyo
dumarka ba soo wac dhaqaatiirta si aad
u hesho daawo wax tarkeeda la hubo
talo
iyo tusaaleyn caawimaad toos ah mahad
sanidiin.

Cudurka baabasiirka

Cudurka baaba siirka waa cudur aad uga
dhex jira bulshadena. Cudurkani waa
cudur si fudud ku faafa islama markaana
dhibaatoyin badan ku keena dadka uu
haleelo. Cudurkani wuxuu sababi karaa
xanuuno badan wuxuna awood u leyahay inuu burburiyo difaaca jirka. Cudurkana
waa cudur muddo gaaban wada
saameyn kara jirka qofka uu haleelo oo
dhan. Sababta ayaa ah in cudurkani dago
marka hore ba xubnaha aasaaska u ah
banii aadamka. Sida xubnaha taranka dheef shiidka nervious system ka iyo
waliba isago marka dambena saameeya
neef mareenka. Sidoo kale wuxuu
cudurkani saameeyaa kilyaha iyo kaadi
mareenka. Calaamadaha lagu garto
cudurkaan ayaa ah sida tan. 1. Daal fara badan
2.madax xanuun
3.caajis fara badan
4.dhabar xanuun
5.gaas joogta ah
6.infection 7.aragtida indhaha oo yaraato.
8. Wareer
9.dhalmada oo hakad ku yimaado dumar
iyo ragba respectively.
10.caado wareer dumarka
11.tabar yarida raganimada. 12. Xanuun kaa haleela dhinac ama bar
bar dhan oo is wata. Sida lug sinta wad
ilaa madaxa la gaaro.
13.Muruq aan bixin oo joogta ah.
Marka xanuunkan waa xanuunka ugu
sameynta badan xanuunada gurguurta ee qofka la socon kara muddo dheer.
Daaweyn la hubo wax tarkeeda ayaa
jirta oo cudurkani lagu daaweeyo inshaa
allaah caafimaad deg deg ahna aad ka
heli doonto. La soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website ka daawada hadii aad dareento xanuun kan si wax badan
lagaga caawiyo.
walaal waxaan halkaan idiin kugu soo
gudbineynaa warbixin ku saabsan
cudurka baabasiirka. Cudurka
baabasiirka waa cudur jira soona jiri jirey waqtiyo aad u fog. Cudurka
baabasiirka waa cudur gur guurta isla
markaana aheyn cudurka qabatinkiisa
ama waxyeela diisa deg deg tahay
laakiin waa cudur halis ah isla markaana
qatar gelin kara hab nololeedka qofka qaba cudurkani. Calaamadaha lagu garto
cudurkani waxaa ka mida 1: daal fara
badan: daal la dareemayo
marka qofka ku dhex jiro shaqadiisa ama
socodka iyo guud ahaan daal fara badan.
2: caajis badan: caajis saameeya qofka inta badan noloshiisa gaar ahaan
waqtiyada qofka hurdada ka toosayo. 3:
madax xanuun: madaxa oo ku xanuuna
sida maskaxda oo kale mar mar ama si
joogta ah ba.
4: dareenka jinsiga oo hoos u dhac ku yimaado: ragga iyo dumarka ba waa ay
saameysaa arrintani ragga ayaa se sii
daran.
5: muruq joogta ah ama mar mar ah.
Muruq 2 da garbood kaaga taagan ilaa
qoorta xabadka oo xanuun laga dareemo. 6: xubnaha taranka ragga sida xiniinyaha
iyo xubinka taranka oo yaraada ama 1
xiniin ama 2 da ba oo yaraada.
7: miskaha iyo wareega dhabarka
kilyaha oo xanuuna.
8:gaas oo inta badan kula dersa ama aad dareento mararka qaarkood.
9: hoos u dhac guud ahaan jirka ah adiga
oo maleynaya in hoos laguu jiqayo.
10: murqo xanuun: murqaha jirka oo ku
xanuuna inta badan ama mar mar ah.
11:calool fadhi: caloosha oo aan socod laheyn oo aadan suuliga tageynin inta
badan calooshaada oo aan waxbo ka
imaanin.
12: hilmaan fara badan oo aadan lahaan
jirin: adigoo si fudud wax kastaa ku
hilmaamaya. 13:wahsi badan.
14: ragga oo iyagu durba biya baxa marka
isku tagga ragga iyo dumarka.
15: dulqaad yari.
16: cun cun salka hoose.
17: aragtida indhaha oo yaraata indhaha oo caad fuulo aakhirka na gaara ilaa heer
indho fiiq. 18:infection. Infection mar
mar joogta ah
sida dhanka kaadi mareenka.
19: hamiga damaca jinsiga oo yaraada
ama meeshaba ka baxa mararka qaarkood.
20: dhalmo la aan. Dhalmada oo hakad ku
yimaada ama la waayaba dumar iyo
ragba.
21: saxrada oo dhiig la socda mararka
qaarkood dhiig yar oo saxarada dhinac ka heysta.
Marka yuu ku dhici karaa cudurkaan
saameyntiisu badan tahay?
Qofkasta ayuu ku dhici karaa cudurkaan
rag iyo dumar qof weyn iyo qof yar ba.
Saameynta cudurkaan waxey qaadataa mudo dheer oo gaareysa sanado in uu
fahmo qofka cudurkani marka laga reebo
astaamo dhowr ah oo qofka ku fahmi
karo si dhaqsa ah in cudurkani la dersay.
Waxaana ka mida.
1: calool fadhi. Caloosha oo aan ku socon ama xaaladeedii wax iska bedelaan
dhanka saxarada. 2: tabar yari xagga
raganimada ah
3: daal fara badan.
4: caajis badan.
5:cun cun salka ah ama kuus kuus yar yar ah oo salka hoose meesha saxarada ka
soo baxa 6: saxarada ooo dhiig la socdo.
Calaamadahaan iyo kuwo kaloo ka badan
waxaa leh cudurka baabasiirka.
Cudurkani mala kala qaadaa?
Haa cudurkani waa la kala qaadaa waana cudur la iska dhaxlo oo hadii 2
daada waalid ama midkood qabey waa
kugu dhalayaan.
Cudurkaani ma sababi karaa cuduro kale?
Haa cudurkaani wuxuu sababi karaa
cuduro badan waxaana ka mida 1: cudurka dhiig karka 2:cudurada ku
dhaca dheefshiidka.
3:sanboorka
4: gaas
5:dhagax yada kilyaha ku sameysma
6: dhiig la aan ama aneemiya. Cudurkaani daawo maleeyahay? Haa
cudurkaani daawo waa leeyahay
inshaa allaahu tacaalaa cudurkaan
daawadiisa waxaa la qaataa muddo 2
bilood ah dawooyin afka laga qaato
kaliya ayaa na wax ka tari karo oo baa bi in kara. daawooyiin la hubo wax tarkooda
iyo talo iyo tusaaleyn badan
kala soo xiriir dhaqaatiirta page kan ka
howl gasha. Inshaa allaah dhaqaatiirta
ayaa kaa saacidi doontaa habka ugu
haboon iyo qaabka ugu wanaagsan ee aad daawooyinka ku isticmaaleyso iyo
sida ugu wanaagsan ee daawooyinka
laguugu soo gaarsiinayo. Dal iyo dibad ba
waxaad nagala soo xiirii kartaan
telfoonada iyo cinwaanada kor ku xusan.
Dadka ku sugan dibada ka baxsan kenya daawooyinka waxaan ku gaarsiinaa
qaabka postada loo yaqaano. Inshaa
allaah ku soo dhawaaada amaano iyo
adeeg nadiif ah. Mahad sanidiin.

Thursday 17 November 2011

Qeybaha xanuunada afka

Xanuunada afka ku dhaca waxaa loo kala
saaraa 3 qaybood oo kala ah:
1. Xannuunada ku dhaca qaybaha adag ee
afka sida Ilkaha iyo Lafaha Afka kuwaas
oo loo yaqaan (Hard-tissue Pathology),
waxayna kala yihiin: A- Disorders of development of teeth and
related tissue.
B_Dental Caries.
C- Pulpitisapical periodontitis.
D- Gingivitis and periodontitis.
E- Major infections of the mouth, jaws and perioral tissue.
2. Xannuunada ku dhaca Qaybaha Jilicsan
ee Afka. (Soft -tissue Disease)
A-Diseases of the oral mucosa : Infective
stomatitis.
B-Diseases of the oral mucosa: Non infective stomatitis.
C-Tongue disorders.
D-Benign chronic white mucosal lesions.
E-Oral premalignancy.
F-Oral Cancer.
3. Xannuunada ka yimaada hoos u dhaca Difaaca Jidhka qofka.
The Medically-Compromised Patient.
A-Anaemias and Lukaemias.
B-Haemorrhagic disease.
C-Immunodeficiecy diseases and the
acquired immune deaficiecy syndrome. D-Endocrine disorders and pregnancy.
Dhamaan xanuunadan iyo cuduradaan
waxey isugu jiraan kuwo afka kaliya ku
dhaca, iyo kuwo xubno kale ee jirka iyo
afka ka ku wada dhaca, iyo kuwo afka iyo
jirka oo dhan ku dhaca. Sidoo kale waxaa jirta in xanuuno badan
oo afka ku dhaca sida yiridka, umulowga,
dumarka ku dhaca af qurmuunka, iyo
suuska u gudbi karaan isla markaana wax
yeeleyn karaan xubno badan oo muhiim
ah sida quumanka tuubada dheer ee hunguriga dhuunta ama cunaha caloosha
beerka iyadoona infectionada ka dhasha
cudurada afka u gudbi karaan wareega
dhiiga markaa oo ay imaaneyso xaalad
caafimaad oo ka xoog badan mida afka.
Xiliga dumarka uurka leeyihiin waxaa dhici karta in afka kala soo darsaan
dhibaatooyin sida bukashada afka marka
vitamin c ga jirka ku jira yaraado kaa soo
keena in dumarka uurka leh carabka iyo
bishimaha bukadaan taana waxaa ugu
wacan dumarka oo inta badan wallaca oo aan si wanaagsan u qaadan cuntada iyo
isbedelo xagga hormoonada ah oo ku
dhaca dumarka marka ay uur yeeshaan.
asbaabaha uurka ee cilladaha afka la soo
darsa ma aha kuwo wax yeeladooda
badan tahay waxaana suuragal ah in hadii haweeneyda is nafaqeyso waqtiga
uurka iyo dhalmada kadib ba iska suulaan
cilladaha afka ee uu ku keenay uurka.
Sidoo kale wax yaabaha afka ilkaha iyo
ciridka dhamaan bur buriya si xuna u
baabi iya ka sokow cudurada afka ku dhaca waxaa kamida isticmaalka
mukhaadaraadka sida sigaarka qaadka /
jaadka aalkolada xashiishka iyo dhamaan
daroogada qeybaheeda kala duwan.
Sidoo kale nadaafad xumida afka sida
inaan la cadeysanin in lagu rumeysto dhuxul dambas iyo wax yaabaha kale ee
alkaliga ah sida oomada cusbada iyo
wixii la mida waxey sababaan wax yeelo
soo gaarta guud ahaan afka gaar ahaana
ilkaha iyo ciridka.
Sidoo kale in la is raaciyo cabitaan qabow ah iyo shaah kuleyl ah tusaale inaad cabto
galaas cabitaan ama biyo qabow ah
kadibna aad raaciso ka dabo cabto koob
shaah oo kuleyl ayaa iyaduna ah wax
yeeleyn toos ah oo afka ku dhaceyso
waxaana ka dhalan karta arrintaani xanuuno adag oo afka la soo dersa.
Ruugitaanka iyo jejebinta ice ka ama
barafka ayaa iyaduna dhaawacda
gowsaha iyo ilkaha iyo guud ahaan afka
ba iyadoo ay dheer tahay u isticmaalida
barafka si xad dhaaf ah in ay keento xanuunada wadnaha sida wadno istaag
wadnaha oo shaqada joojiya qofkiina
halkaa ku dhinto.
haddaba hadii aad ka cabaneyso xanuun
la xiriira afka ilkaha ciridka carabka iyo
dhamaan cilladaha afka la soo darsa ha noqoto mid culus ama mid fudud ama uu
hayo xanuun afka la xiriira qof ka mida
ehelkaada asxaab taada la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisey daaweyn rasmi ah
oo'ku'aadan dhamaan xanuunada afka inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si
aad u ogaato dhamaan cilladaha
caafimaad ee kula darsay una hesho
daaweyn rasmi ah inshaa allaah
dhaqaatiirta waxey kuu ballan qaadeysaa
inaad hesho daaweyn iyo caawimaad buuxda inshaa allaah mahad sanidiin.

Tuesday 15 November 2011

Habka cudurada u faafaan

Guud ahaan cudurada waxaa loo
qeybiyaa laba qeybood oo waa
weyn oo kala ah.
1-cudurada faafa (infectious
diseases ama (communicable diseases)
2-cudurada aan faafin (non-
infectious diseases (non- communicable diseases)
Cudurada Faafa Waa cudurada la isqaadsiiyo ee ka faafa qof buka una gudba qof kale oo caafimaad qaba ama ka faafa xayawaan jirran una gudba
dadka ,cudurada waxa ay ku
faafaan dhowr hab waxaana loo yaqaanaa wadada faafida (route of
transmission). Cudurada waxaa keena ama sababa noola yaal yar-yar oo loo
yaqaan (organisms) sida
Bacteria, Virus, Fungus, Protozoa, Iyo parasites, Sidaa daraadeed dadka qaba
cudurada faafa waa in laga
fogeeyaa dadka caafimad ka qaba. Habka cudurada u faafaan (The Route of transmission) Cudurada faafa waxaa la isku qaad siiyaa had ba sida eey u
faafaan,intii isku si u faafta waa
la israac siiyaa waana isku koox
tusaale ahaan (example)
1-Taabasho oo ah (direct contact)
sida galamda,tabashada maqaarka. cudurada habkan ku faafa waxaa kamid ah jabtada, waraabowga, aidska
isnadaamiska,cambaarta iyo wixii lamid ah.(labada dambe waxaa ay ku faa faan tabasho).
2-Neef qaadashada (air borne disease) cudurada habkaan ku faafa waxaa kamid ah qaaxada ,jadeecada, xiiq dheerta, hargabka, Gowracatada IWM.
3-Dhiig ku shubis (blood transfusion) cudurada habkaan u faafa weey farabadan yihiin waana cudur kasta oo dhiiga ku dhaca ama kujira.
4-Habka saxarada. Saxarada oo afka gasho (Faecal Route ) habkani waa cuntada iyo cabitaanka jeerimiska saxarada qof buka ku jira oo afka u gud ba.
5-Cudurada noole soo xambaara (vectors borne disease) sida cudurka duumada. Tusaale kaneecada waxey soo xambaar taa cudurka malaria da.
6-habka mandheer gudbinta transplacental transmission)
habkani waa habka hooyo jiran ay
ugu gudbiso jeermiska ilmaha
uurka ku jira.
7-Habka xayawaan gudbinta
(zoonosis) Habkani waa habka
xayawaan ka ugud biyo jeermiska
waxaana ka mid ah xayawaanada rabaayada ah sida kuwa dadku dhaqdo ee lagu intifaaco iyo kuwa kale sida mukulaasha iyo eeyaha.
Wadooyinkani waa wadiiqooyinka cudurada la isugu gudbiyo cudurada waxey leeyihiin qeybo faafa oo la isu gudbiyo sida qof cudur qaba inuu kuu soo gudbiyo cudurkii hayey ama xayawaan jirran inuu kaaga soo gudbo cudur oo markaa kugu dhaco.
Waxaa kaloo jirta in xayawaanada kaaga soo gudbi karo cuduro xataa iyagoo caafimaad qaba. Xayawaanada aan halkan kaga hadleyno waxaa waaye bahaa imta sida kuwa la dhaqdo ee geela looda ariga kuwa dad la dhaqadka ah sida dameeraha bisadaha eeyga iyo kuwo kaloo badan. sida badan xayawaanada la cuno hilibkooda ayaa haddii aadan si fiican isaga bisleyn waxaa dhici karta in uu cudur dhaliye kaaga soo gudbo sida gooryaanada iyo bacteria da.
Sidoo kale waxaa jiraan cuduro badan oo ku dhaca xubno gaar ah balse bukuhu gaarsiin karo qeybo badan oo xubno jirkiisa ka mida.
Sidoo kale waxaa iyaguna jira cuduro kale oo aan iyagu faafin kuna faafeynin qaababkii aan kor kaga soo hadalnay ee ay ku faafaan cudurada faafa ama la is qabad siiyo iyaguna mar ayaan si gaara uga hadli doonaa inshaa allaah.
Sidoo kale waxaa jira cuduro iyaguna aan faafin balse la kala dhaxlo oo waalidku ku dhalo caruurtooda cuduradaana waa kuwo badan waxaana ka mida cudurka kaadi macaanka.
Sidoo kale waxaa jirta astaamo iyo ficillo ilmuhu waalidkoooda ka dhaxli karaan tusaale ahaan waxaa ka mida dhalmada oo waalidkaaga hadii uu dhaley caruur badan inaad yeelato astaantaa ayaa dhici karta ama hadii waalidku dhaley ilmaha mataanaha ah adiguna waad dhali kartaa iyadoo ay meesha ku jirto in aad yeelan karto astaamo uu san waalidkaa lahaan jirin sida inaad awoodi kari weyso inaad wax dhasho waalidkaagana dhaley caruur badan hadana waalidka qofka wuxuu ku yeelan karaa saameyn badan.
sidaa awgeed waxaan aad u rajeynayaa in aad wax badan ka fahamteen qaabka xanuunada u gudbaan kuwooda faafa inshaa allaah waxaan ku dhameystiri doonaa maqaal kale si aad wax badan uga ogaataan cudurada iyo sidii aad isaga ilaalin laheydeen cudurada faafa intii la awoodi karo.
Balse hadii aad leedahay cudur kula dersay xal fiicana aad u weysay si laguu caawiyo una hesho daryeel iyo daawaba inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadeysa daaweyn rasmi ah muddo kooban iyo in daawada laguugu soo gaarsiiyo meesha aad ku nooshahay inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo inshaa allaah mahad sanidiin.

Sunday 13 November 2011

dareen la aanta dumarka

Maxaa sababa tabardarida xaga
galmada (kacsiga) ee soo wajahda
dumarka?
Tabardarida soo wajahda dumarka
xiliga galmada ee afka qalaadna lagu
magacaabo (sexual dysfunction) ayaa
waxaa lagu qeexaa dhibaato soo
wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo
alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan kadhalata isu taga. Tusaale ahaan culimada amaba
dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey
sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu
taga jinsiga kuwaas oo kala ah,
1:dareemid raaxo marka hore,
2: u bislaasho galmo,
3: kacsi,
4: iyo weliba raali ahaansho imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu
taga taas oo qof walba 2da lamaane ay
dareemayaan in ay gareen meel ay u
wada hanqal taagayeen oo ah in mid
walba uu qanciyay midka kale. Cilmi baaris lasameeyay ayaa waxey soo
jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in
ay so wajahaan culeys yo kaheysta
xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid
inta badan dadka ay nacebyihiin in laga
hadlo lakiin nasiib wanaag kiisaska inta badan ee cuduradaan ayaa ah mid
si fudud loo daaweyn karo sidaas
darteed ayaa waxaa muhim ah in aad
la sameysid wada tashi dhaqaatiirta. Hadaba maxaa sababa dhibaatooyinkaan?
Asbaabaha sababa cudurkaan ayaa
waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin
laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah
wal wal laxiriira saykoloji
(psychological causes). asbaabaha fisikaalka ah ( physical
causes) ayaa ah mid laxiriirta cafimaadka iyadoo ay jiraan
cuduro si toos ah loo la xiriiriyo in ay
sabab u yihiin in haweyneydu uu
kudhaco cudurkaan tabardarida xagga
galmada iyadoo cuduradaasna ay
yihiin sida cudurka kaadi macaanka amaba sokorowga (diabetes) cudurada
kudhaca wadnaha ( heart diseases),
cudurada kudhaca neerfaha
(neurological diseases), isu dheelitir
la’aanta hormoonada (hormonal
imbalances),cudurada karoonikada ah sida cudurka fashilka kilyaha (kidney
failure), iyo cudurka kale ee fashilka
beerka ( liver failure ), cabida xad
dhaafka ah ee alkolada amaba
khamriga, isticmaalka daroogooyinka
iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida
(antidepressant drugs) kuwaas oo loo
isticmaalo daweynta dadka qaba
walaaca ama shooga, dhammaan
asbabahaan ayaa waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga galmada. asbaabaha saykolojiga amaba laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo laxiriira daalka amaba istareeska walaac ( anxiety), walaac ay kaqabto haweneydu galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof , welwelka xad dhaafka ah , dareen ah in haweyneydu dareento eednaan, amaba welwel kudhacay haweeneyda isu tag galma hore oo ay cabsina kaqabto galmada.
Yuu kudhaca dhibaatooyinka tabardarida galma? Guud ahaan rag iyo dumarba wuu kudhici karaa wuxuuna kudhacaa dhamman labada jinsiba da’ kasta badanaana wuxuu kudhacaa dadka qaan gaarka ah ee cafimaad ahaana aan aheyn kuwo aad u cafimaad qaba oo nafaqo ahaana aan aad u nafaqysneen. Sidee u sameeysa tabardarida galmada dumarka?
Dhibaatooyinka ugu caansan ee ilaa
hadda la ogyahay ee laxiriira
tabardarada galmada dumarka ayaa ah. awood la’aanta xagga rabida galmada
(inability to sexual desire) arimahaan
ayaa iyagu waxaa lala xiriiriyaa dareen la’aanta in haweneydu rabitaankeeda xagga galmada uu hoseeyo oo aysana wax han ah u heynin galmada waxaana la’aminsanyahay in cunsuro badan ay
taa ugu wacanyihiin sida isbedelka
hormoonada, xaaladaha caafimaadka
iyo daweyn laga soo daweeyay cudurka
kansarka iyadoo doweyntaasna loo
maray kiimiko (chemotherapy), sidoo kale welwelka kaheysta haweeneyda
ficiladeeda ayaa iyana qeyb kaqaata
waxaa kale oo iyana door kuleh habka
isku xiga galmada iyo wareegyada
galmada (sexual routines) tani ayaa
iyana waxaa la’aminsanyahay in ay kaqeyb qaadato rabitaan la’aanta
galmada , iyo ugu danbeynta qaabka
nolosha haweneyda. awood la’aanta in ay si wanaagsan u dareento amaba u kacsato (inability to become aroused), dareemid la’aanta haweneyda xiliga galmada ayaa aalaaba waxaa lala xiriiriyaa yarida qoyaanka xubinta tarenkeeda ( vaginal lubrications) sidoo kale waxaa si toos ah loola xiririya walaaca iyo weliba in aysan haweneyda aysan u istimtaacin si kufilan, baarayaasha cudurada galmada
ayaa waxaa kale oo ay ku howlan yihiin
sidii ay u ogaan lahayeen sameynta uu kuleeyahay qulqulka dhiiga xubinta
taranka dumarka iyo kintirka (clitoris)
iyo sida uu uga qeyb qaato
dhibaatooyinka kaheysta haweenka
kacsiga. xanuun ka qabsada xubinta taranka haweenka xiliga galmad (painful during intercourse) xanuunadaan dhaca xiliga galmada ayaa waxaa sababa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid yihiin infakshanka xubinta taranka haweenka, cufnaanta amaba mugga berkada xubinta taranka
haweenka ( pelvic mass), cudurada lagu
kala qaado galmada (STD) iyo xaalad
lagu magacaabo (viginismus) taas oo ah
xanuun iyo xafaf kasoo wajaha haweenka murqaha kuxeeran afaafka
hore ee ilinka amaba albaabka hore ee
xubinta taranka haweenka wuxuuna
kudhacaa haweenka badana kabaqda
is liska 2 da xubnood ee taranka
dumarka iyo ragga. Side loo baara tabardarida galmada
dumarka? Si loo baaro taabardarida galmada dumarka ayaa dhaqtarku wuxuu bilaaba ugu horeynba in u sameeyo baritaan dhanka jirka ah ( physical exam) isaga oo qimeynaya astaamaha uu leeyahay cudurkaan ayaa dhaqtarku wuxuu sidoo kale sameeya baarida berkeda xubinta taranka ( pelvic exam) si uu u qimeeyo faya qabida xubnaha taranka isagoo welina sameeya baritaan dheer oo lagu magacaabo (Pap Smear) kaas oo ah in labaaro unugyo laga soo qaaday dhuunta hore ee minka amaba riximka si looga baaro in haweeneydu qabto cudurka kansarka ee dhuunta riximka (cervical cancer),baritaanka noocaan oo kale ahna waxaa lagu ogaadaa xaaladaha kahoreeya kansarka kudhaco dhuunta riximka (precancerous conditions) hadaba baritaankaan ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaadaa isbedelka unugyada dhuunta riximka , alaaba baritaankaan wuxuu kasaacidaa dhaqtarka in uu u sameeyo bukaanka
daawada ugu haboon si loo daaweeyo
mushkiladaha ay dhaliyaan cudurada
kudhaco taranka haweenka. Side loo daweeyaa tabardarida galmada
dumarka? Sida ugu haboon ee loo daweeyo tabardarida galmada dumarka ayaa ah dadaal wadareed ay sameeyaan hawaneyda qabta cudurka, dhaqtarka,iyo qof u tababaran daweynta dadka qaba cudurkan badanaana noocyada cudurkaan kuwa ladaweyn karo sida kuwa laxiriira dhibaatooyinka xagga dhimarka (psychological problems) ayaa si fudud loo daweeya kadib marka la daweeyo ugu horeynba dhibaatada xaga dhimirka ah taas oo ah mida ku sababtay dhibanaha in uu helo
cudurkaan tabardarida galmada sida
welwelka (anxiety) shooga iyo wixii
lamid ah. Istiraatijooyinka kale ee lagu daweeyo cudurkaan ayaa ah sida soo socota:- Qofka oo lasiiyo aqoon kufilan ee xagga isu taga jinsiga (providing
education) aqoontaas oo ah sida ay u
sameysan yihiin xubnaha jirka banii
aadamka gaar ahaan kuwa laxiriira
jinsiga, sida galmadu u shaqeyso iyo isbedelka caadiga ah ee laxiriira
hor umarida cimriga aadanaha iyo sida
uu ugu leeyahay saameyn dhaqanka
galmada intaa waxaa si dheer
bukaanka oo loo sheego in uu wax
kabedelo dhaqanka galmadiisa isagoo lagula taliyo haddi dhibaatooyin
dhimirka ahna heystaan in uu aado
dhaqtar sameeya tashiga xaga
dhimirka (consuling) si uu uga samata
baxo dhibaatooyinkaas. Dar dar galinta istimtaaca (enhancing
stimulation). Yareynta xanuunka xiliga galmada
(minimizing penetration pain during
intercourse) tan ayaa iyana ah mid kale
oo ah wax tar si loo daweeyo
xanuunkaan waana in looga tagaa
haweneyda xiliga galmada meel qeyb ahaan yareyn karta xanuunka kasoo
wajaha isliska xubnaha taranka xiliga
ay socoto galmada, waxaa kale oo lagu
taliya si loo yareeyo xanuunka isliska in
la’isticmaalo waxyaabo lagu qooyi karo
xubinta taranka haweneyda sida qooyaha canbarka ee afka qalaadna
loogu yeero ( vaginal lubricant) kaas oo
ah waxyaabo sibix ah oo la mariyo
xubinta taranka kahor galmada si uu u
yareeyo suurta galnimada xanuun
kadhasha isliska, sidoo kale waxaa lasheega in kuqubeysashada
haweneydu ay ku qubeysato biyo kulul
kahor wax yar galmada uu kasaacidi
karo in wa xoogaa qoyaan ah ay kasoo
bixi karaan xubinteeda taranka xiliga
galmada. Mala daaweyn kara tabardarida galmada dumarka? Daaweynta guusha kudhmaata ee
tabardarida galmada dumarka ayaa uun
waxey kuxirantahay marka hore
asbaabaha sababay tusaale ahaan
muqaalka kore ee daaweynta fudud
ayaa ah kuwa sida fudud loo daweyn karo ee badanaana laxiriira arimaha
dhanka saykolojiyada ee uu dhaliyo
walaaca shooga iyo daalka laga qaado
shaqada ( work stress). Sidee saameyn ugu leeyihiin hormooanda tabardarida galmada dumarka?
Hormoonada ayaa waxaala’aminsanyahay in ay door kuleyihiin qaabeynta shaqada galmada dumarka iyadoo sidoo kalena lasheego in hoos u dhaca hoormoonka lagu magacaabo estrogen ee isaga doorka kaciyaara qaabeynta howsha galmada dumarka uu leeyahay dhibaato fara badan hormoonkaan ayaa waxaa si toos ah yaraanshiyahiisa loola xiriiriya
horumarka da’da amaba cimriga
haweneyda iyadoo xiliga ay kusii dhawaneyso quusta (menopause) uu sii
yaraado, inta badanna dumarka waxey
usoo joogaan isbedalo dhanka galmada
marka uu cimrigoodu horay u maro
isbedaladaas oo isugu jira in qoyaanka
xubinta taranka yaraado, iyo dareenka afka canbarka oo yaraada. Daraasado dheraad ah oo lasameeyay
dhawanahaana waxey soo jeediyeen in
hoos u dhaca kuyimaado hormoonka
ragga ee dhinaca galmada uu isagu
xitaa door kuleyahay kana qeyb qaato
yaraanshiyaha damaca galmada dumarka, dhaqaatiirta cafimaadka ayaa
weli waxey baritaan kuhayaan
faa’iidada hormoonada iyo qaar
katirsan dawooyinka loo isticmaalo tabaryarida galmada dumarka. Saameyn ceynkee ah ayuu ku leeyahay
qaliinka lagu magacaabo
(Hysterectomy) tabardarida galmada
dumarka?
Haddaba in badan oo katirsan dumarka
ayaa waxaa soo wajaha dhibatooyinka
tabardarida galmada marka lagu
sameeyo qaliinka afka qalaad lagu
magacaabo (Hystrerectomy) kaas oo ah
in lagu sameeyo haweyneyda qaliin amaba jaraaxo lagaga saarayo riximka,
dhibatooyinkaan ayaa waxey isugu
jiraan in ay ku dhacdo haweneyda
damac la’aan amaba Rabitaan xagga galmada iyo in ay hoos u
dhacaan qoyaanada kasoo baxa xubinta taranka, waxaa kale oo
kudhaca xafaf iyo xanuun badan oo
kasoo wajaha xubinta taranka,
waxaana dhaqaatiirta cudurada jinsiga
ay aaminsan yihiin in ay taa ugu
wacan tahay isbedelka xagga hormoonada ee kudhacaya haweenka
marka laga saaro riximka tiiyo ay sii
dheertahay waxyeelada gareysa
neerfaha xubinta taranka qalinka
dartiis ay yareyn karaan dareenka
illaah u siiyay xubinta taranka dumarka in ay dareento jinsiga kasoo horjeeda
(ragga). Sidee saameyn ugu leedahay quusta (Menopause) tabardarida galmada dumarka? Haweenka ayaa marka ay garaan xiliga quusta amaba marka ay joojiso in ay ku dhacdo caadada waxaa hoos u dhaca
homoonka lagu magacaabo Estrogen
kaas oo qeyb ahaan qabta shaqada
laxiriirta dhaqanka galmada sidoo kale dareenka ah in haweneydu ay kusii
dhawaaneyso quusta ayaa wuxuu ku
leeyahay saameeyn in wa xooga
haweenka uu yaraado dareenkeeda
xagga galmada dabadeedna ay
adkaato in ay si wax ku ool ah ay u dareento galmada, waxaana jira
xaalado mar mar dhaca oo ah in
haweenka qaar uu dareenkooda xagga
galmada uu saa’ido xiliga ay kusii
dhawaneyso quusta taas oo badana lala
xiriiriyo haweenka aan horay wax u dhalin kuwaas oo is leh kahor quusta
aad wax dhashid. Gormee ayaad u bahantahay in aad dhaqtar kala xiriirto dhibaatooyinka tabardarida galmada? Inta badan haweenka wey las oo darsaan dhibaatoyinkan tabardarida galmada waqti uun katirsan noloshooda, si kasta oo ay ahaataba marka ay si joogta ah u Cabato ayaa waxey ku sababi karaan haweneyda iyo lamanaheeda dhibaatooyin xagga qoyska ah kuwaas oo ku yeelan kara saameyn aan wanaagsaneyn xiriirka qoyskooda, haddaba haddii aad si joogta uga cabato dhibaatooyinkan lasoo xiriir dhaqaatiirta webkani si loo qimeeyo dhibaatada ku heysata kadibna laguu daweeyo inshaa allaah.
Waxaa jiraan cuduro iyo xanuuno badan oo sababi kara tabar yarida dumarka iyo ragguba kala soo derista hamiga galmada.
Haddaba haddii aad aad ka cabaneyso dhibaatooyin kaala soo gudboonaada dareemaha jinsiga rag iyo dumar ba la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirtu waxey kuu ballan qaadeysaa in si fudud iyo waqti kooban lagaaga daaweeyo dhamaan cilladaha jinsiga ah iyo dhamaan xanuunada ku dhaca xubnaha taranka rag iyo dumarba inshaa allaah. Nala soo xiriir si aan d u hesho caawimaad inshaa allaah. Mahad sanidiin.

Ukumaha dumarka ee fiixda leh

Ugxansidaha fiixda leh waa xaalad
caafimaad oo loo yaqaanno (Polycystic
Ovary Syndrome) loona soo gaabiyo
(PCOS)
Waa xaalad ku dhacda haweenka taa soo keenaysa dhowr dhibaato oo ay ka mid tahay:
1: In ay saameyso caadada dumarka
2: in la waayo in ay soo daahdo
3:. in muddo ah in ay iska socoto.
4: Isku dheellitir naan hormoonnada jirka
5: Dhibaatooyin wadnaha iyo xididada dhiigga
6: Madhalaysnimo.
7: Iyo muuqaalka qofka (Qofka oo aad u
cayilo ama qof bararan u ekaado)
8: Fiixyo tiro badan oo ku samaysma
dhinacyada ugxan sidayaasha. immisa dumar ah ayaa Qabto Cudurkaan?
20 kii dumar ba oo ilmo dhalo waxaa
laga helaa hal qof oo qaba cudurkaan
inkastoo u badantahay haweenka
dhalmada gaaray laakiin way dhacdaa in
gabdhaha da'da yar ay ku dhacdo wixii ka billawdo 11 jir.
Maxaa Keeno Cudurkaan?
Sababta keento cudurkaan lama
garanayo laakiin dadka aqoonta u leh
cudurrada ku dhaca hormoonnada waxay
aaminsan yihiin in waxyaabo badan oo isku tag tagay ay ka dhasheen taa soo ay
ka mid yihin:
1: Hiddo wade qofka jirkiisa oo uu ku
dhashay ama uu ka soo jeedo qoys
cudurkaan lagu yaqaanno.
2. Isku dheellitirnaan hormoonnada taasoo hormoonnada haweenka ay
yaraadaan ama hormoonnada ragga ay
haweenka ku bataan taasoo keento in
caadadii wareerto,
3. Finan wajiga ka soo baxa sida fin
doobka 4: xaad badan oo haweentu
yeelato.
Waxaa kaloo la arkay in haweenka qabo
cudurkaan uu ku badan yahay
hormoonka Insulinka kaasoo keena inuu
sii badiyo hormoonka ragga ee loo yaqaanno "Androgen".
Waa Maxay Calaamadaha Cudurkaan?
1:Dhalmo la'aan (haweentii oo aan uur
qaadaynin maxaa yeelay ugxan sidihii
ugxan soo saari maayo, cudurkani waa
cudurka ugu badan oo haweenka u keeno madhalaysnimada).
2: Caadadii oo wareersan
3: Xaad badan "Hirsutism" taasoo ka soo
baxdo wajiga, xabadka, caloosha iyo
suulasha dhabarkooda.
4: Fiixyo badan oo ugxan sidaha ka soo yaaco
5: Fin doob iyo agool badan oo madaxa
ku samaysmo.
6: Shuluqnimo (Miisaanka oo kordho una
badan dhinacyada caloosha) Tinta oo
meelaha qaar madaxa ka daadato ama yaraato.
7: Baro baro ku samaysma jirka sida
qoorta, gacmaha, naasaha iyo canjirrada
taasoo
midabkeedu yahay huruud ama madow.
8: Misko xanuun 9: Walwal iyo murugo
10: Naqaska-hurdada (Neefsashada oo
istaagto waqti kooban xilliga hurdada)
Sidee Cudurkaan u keenaa
dhalmo la aanta?
Ugxan-sidaha waa meesha dumarka ugxantooda laga soo saaro, ugxantaas
waxay gashaa Gal si ay ugu korto oo
markii ay gaarto heerkii la bacrmin karay
ayaa laga soo sii daayaa taasoo soo
aaddo dhinaca minka si loo bacrimiyo
iyadoo soo marayso tubooyinka. Haddii haweentu ay qabto cudurkaan, ugxan-
sidaha awood uma lahan inuu kobciyo
ama koriyo ugxanta maadaama
hormoonnadii ka qeyb qaadan lahaa
howshaan aysanba jirin. Marka Galkii
ugxanta lagu kobcin lahaa ayaa waxaa ka buuxsamo biyo taasoo
keensato cudurkaan.
Cudurkaan Ma Is badalaa xilliga
dhalmo ka baxa?
waxaa dhici karta inuu is bedelo iyo
inaanu is bedelin. Cudurkaan wuxuu saameeyaa hab dhisyo
badan oo jirka ah sidaa awgeed
calaamado badan way sii jirayaan
inkastoo ugxantii ay hawlgabtay heerkii
hormoonadane ay is badaleen.
Waxaa sii jiri doona in xaaddii iyo timahii ka soo yaacay haweentii
ay sii badato, iyadoo dhanka kale na
timahii madaxa sii baaba ayaan
iyadoona ay dhici karto in haweentu
yeelato (bidaar)
Waxaana halis weyn kaga imaan kartaa haweenta, wadna xanuun iyo kaadi-
macaan.
Haddaba waxaa is weydiin mudan ma
jiraan cuduro sababi kara in ugxan sidaha
dumarka fiix yeelato?
Haa waxaa jira 3 cudur oo dumarka ku keena fiixda ugxamaha kuwaa soo inta
badan ah xanuuno la iska la socdo oo
dadku u heysan xanuuno qatar ah.
Si kastaba ha ahaatee hadii aad ka
cabaneyso dhibaatooyin la xiriira ugxan
sidaha fiixda iyo guud ahaan xanuunada ku dhaca xubnaha taranka dumarka iyo
ragga ba ama heysto dhibaatadaasi qof
kamida ehelkaada asxaab taada la soo
xiriir dhaqaatiirta webkani dhaqaatiirta
waxey kuu diyaariyeen daaweyn rasmi
ah oo ku wajahan dhamaan xanuunada la sooo dersa xubnaha taranka gaar ahaan
xanuunka aan ka hadleynay ee ukxan
sidaha fiixda leh la soo xiriir dhaqaatiirta
si wax badan lagaa caawiyo mahad
sanidiin.

Saturday 12 November 2011

Burooyinka naasaha dumarka

Burada ku beeranta Naaska dumarka,
waa kansarka ugu badan ee ku dhaca
dumarka, sida ay sheegeen
tirakoob yada, la sameeyay, hadii laga
qaado baaritaanka loo yaqaano Biopsy, 5 ilaa 10 dumar inta u dhexeysa mid ka mid ah waxa laga helaa kansarka
naaska. Sheegashada ugu badan ee
dumarka ula xiriiraan takhaatiirta waxa
weeye xanuun ay ka dareemaan naaska
ama dhacaan aan caadi aheyn oo ka
yimaada Ibta naaska. Guud ahaan burada ku beeranta naaska
dumarka waxa loo qeybiyaa kuwo aan
halis aheyn oo dhib badan ka iman, inta
badan ku kooban meesha ay kaga
beeranto naaska, waxana loo yaqaan
(Benign), iyo nooc kale oo halis ah dhib badan ama ugu dambeyn tana dhimasho
keena, waxaana loo yaqaanaa
(malignant) noocan dambe waxey
weerar ku qaadaan marka hore naaska
inta burada ku hareersan, kadib waxey u
gudubtaa qanjirada loo yaqaan (Lymph Nodes). Kuwa hore ee aan halista aheyn
waxa ka mid ah FIBROCYSTIC BREAST
CANCER, Calaamadaha ugu badan ee lagu arko bukaanka waxa ka mid ah xanuun naaska laga dareemo usbuuc ka hor inta aan caadada iman ilaa caadadu ka dhamaato, xanuunka waxa inta badan laga dareemaa labada naas, waxa kaloo lagu arkaa barar iyo dhacaan cagaar xigeen ah oo ka yimaada ibta naaska, waxa ugu badan oo sababa, waa dhacaanada loo yaqaan Hormones oo is bedel ku yimaado, waxa lagu arkaa bukaanka naaska oo buux ay ka dareemaan, iyo Xanuun marka caadada usoo dhowdahay, waxa dhici karta in naaska Ibtiisa dhacaan ka yimaado dumar qaarkood, waxa lagu hubiyaa in waxa haya bukaanka uu yahay cudurka noocan ah, marka Cirbad lagu mudo burada oo laga soo dhuuqo
dhacaan iyada oo la kaashanayo
(Ultrasound) iyo (Mammography). Waxaa lagu daweeyaa buradan, iskujir labo dawo oo kala ah (Estrogen) tayo yar, iyo (Progesteron) Tayo badan sida
(Medroxyprogesterone Acetate) 5 ilaa 10
mg maalintii laga bilaabo maalinta
15naad ilaa maalinta 25naad ee bisha,
waxa kaloo marar qaarkood la isticmaalaa marka xanuunka naaska aad u daran yahay, dawo loo yaqaan
(Danazol) 100 ilaa 400 mg maalintii 3dex ilaa 6 bilood, waa dawo waxyeelo
dadban (Side Effect) leh isla markaana
qaali ah, waxa kaloo la isticmaalaa dawada loo yaqaan (Tamoxifen) 10 mg
laba goor maalintii 3dex ilaa 6 bilood.
Nooca kale waa FIBROADENOMA, waa
kuwa ugu badan ee loo yaqaan (Solid
Benign Breast Tumors), wuxuu inta badan ku dhacaa haweenka da'doodu ka yartahay 25 sano, waa nooca ugu badan
ee ku dhaca naaska dumarka kuwa aan
halista aheyn, waa buro aan laheyn
xanuun, aad u kooban, si fudud
dhaqdhaqaaq u sameysa, waxa lagu
daweeyaa (Biopsy). Noocyada halista ah waxa ugu badan ee laga helo naaska dumarkaa waa midka lagu magcaabo (Infiltrating Ductal Carcinoma) oo la mid ah 70 ilaa 80 boqolkiiba, dhamaan kansarka ku dhaca naaska, arimaha sahla ama u gogol xaara waxa ka mid ah:
1)- Dumarka ka tirsan qowmiyadaha
midabkoodu cadaanka yahay (White
Race).
2)- Dumarka da'doodu ka sareyso 50
sano. 3)- Hadii cudurku horay ugu dhacay qof ka mid ah reerkeeda (Hooyo ama gabar Walaal la ah), weliba hadii kansarka naaska uu saameeyay labada Naas ama ku dhacay haweeneyda ay qaraabada la tahay iyada oo da'deedu aysan gaarin 45 sano.
4)- Hadii horay taaarikh cudur uu u jiray
sida (Kansar ku dhacay ilmo galeenka,
ama kansaro nooc kale ah oo naaska ku
dhacay, iyo hadii horay naaska kale
kansar kaga dhacay). 5)- Hadii caadadu ku dhacday 12 sano inteysan gaarin
(Early Menarche).
6)- Hadii uurkii ugu horeeyay ay ku
qaaday 35 sano ama ka badan.
Kansarada noocan ah waxa lagu
daweeyaa Qaliin la raacsho Radiation ama Chemotherapy oo ah in la siiyo
bukaanka dawada unugyada kansarka
lagu dilo, midaa oo si gaar ah loogu
daweeyo haweenka laga helo qanjiro uu
saameeyay kansarka, buraduna ka
yartahay 4 cm balaca. Waxa kaloo jira kansaro kale oo ay ka
mid yihiin: Introductal Papilloma, waa
buro xajmi yar oo jilicsan inta badan ka
beeranta hoosta ibta, sida badana
dhacaan dhiig ah kasoo dareero ibta
naaska, waxa lagu daweeyaa qaliin iyada oo la adeegsado Mammogram ama Ductogram baritaanada loo yaqaan. dhamaan nooc yada burooyinka ee naasaha dumarka ku dhaca waxaa
intooda badan u sabab ah dhibaato kala
soo derista dumarka habka uu shaqeeeyo hormoonada jirka iyo in mudooyin badan lala socdo xanuunada qaarkooda oo iyagu sababa carqalado ku yimaada habka shaqo ee hormoonada jirka.
Waxaana ka mida xanuunada sababi kara cudurka baabasiirka cudurka sonkorowga dhibaatooyinka dumarka
kala soo dersa caadada sida caadada oo
wareer ku dhaco caadada oo la waayo
caadada oo yaraata ama badata
arrintaan ah dhibaatada ku timaada
xagga caadada ayaana asbaabaha ugu weyn ee ku keena dumarka burooyinka
ka soo baxa naasaha.
Waxaan jeclahay inaan wax yar ka dhaho daawooyinka aan kor ku soo sheegnay waa lagu daaweeyaa burooyinka naasaha balse daawooyinkaani waxey leeyihiin waxyeelo aad u fara badan
waxaana kamida iney aad u fududahay
iney keenaan cudurka kansarka.
Sidaa aawgeed waxaa haboon in
isticmaalkooda laga la tashado
dhaqaatiirta. waxaana haboon in dumarku aad ula
socdaan is bedelada ku dhacaayo
naasahooda taas oo qeyb weyn ka
qaadaneyso in hore loo ogaado hadii
naasuhu cuduro la soo darsaan waxeyna
fududeyn doontaa dib uga soo kabashada iyo in cudurka si dhaqsa ah looga bogsoodo inshaa allaah waayo la socodka isbedelada ku dhacaya naasaha waxey qeyb libaax leh ka qaadataa in waqti hore la ogaado burooyinka inta aaney ku faafin qeybaha kale ee jirka si fududna loo daaweeyo.
Haddaba hadii aad dareemeyso isbedel
ku yimid naasaha ama burooyin ka soo
baxeen naasaha ama ibta naasaha
dheecaan ka soo baxo ama uu ku xanuunayo midka mida naasaha ama 2
doodaba ama caada daada sax aheyn
La soo xiriir dhaqaatiirta website kan
dhaqaatiirta waxey kuu diyaariyeen
daaweyn rasmi ah oo ku saabsan
dhamaan xanuunada ku dhaco naasaha dumarka iyo raggaba iyo xubnaha ay bah
wadaagta yihiin. Nala soo xiriir si aan
wax badan kaaga caawinno inshaa
allaah mahadsanidiin.

Friday 11 November 2011

Cudurka qabsin soo boodka.

Cudurada ku dhaca waaxda Hunguri-
mareenka Aadamiga aad iyo aad bay u
fara badan yihiin una kala duwan yihiin,
waxaa loo qeybiyaa kuwo raaga (Chronic)
iyo kuwo soobood leh (Acute), qeybtan
dambe waxa ka mid ah cudurka Qabsinka loo yaqaan oo ay Takhaatiirta ugu magac dareen “Isu Ekeeyaha Weyn” , sharaftan iyo qadarintan weyn wuxuu cudurkan ku mutay, inuu isu ekeysiiyo cuduro badan oo qaarkood halis yihiin hadaan si deg-deg ah wax looga qaban ama dhimasho iyo dhaawac daran sabab u noqda. Asbaabo badan baa keeni kara cudurkan oo ay ka mid tahay: Shey la laqay (Foreign Body) oo gufa ama xira afka Appendix-Ka, Gooryaanka nooca loo yaqaan (Pinwarms), Saxaro Adag oo xirta afka appendix-ka (Fecaliths), Cudurada ay ka mid yihiin Carcinoids, Kansarka, Villous Adenomas, Diverticula, Ulcerative colitis, Ileocolitis of Chron’s disease. Si loo garto oo loo ogaado cudurkan waa in marka hore takhtarku ku fekero oo madaxa ku hayo had iyo goor, hadii takhtarku uusan ka fekerin jiritaanka cudurka waxa dhici karta iney ka hoos baxdo oo loo qaato wax kale maadaama dadka da’da weyn, dhalaanka iyo caruurta da’doodu yartahay aysan kasoo shaac bixin calaamadaha u gaarka ah ee
lagu yaqaan cudurkan, sidoo kale
haweenka Uurka leh laguma arko
tilmaanta u gaarka ah ee lagu yaqaan
Qabsinka kuwaa oo lagu arko bukaanka
wax ka yar 50 boqolkiiba. Calaamadaha iyo astaanta lagu garto
cudurkan waxa ka mid ah: Calool xanuun
ku aadan bartamaha Uur ku’jirta iyo
agagaarka Xudunta oo marka bilowga ah aan sidaa u darneyn, kadib xanuunka
caloosha wuxuu u dhaadhacaa dhanka midigta ah qeybta hoose ee calooshaa
(RLQ), intaa waxa weheliya Lalabo iyo
Hunqaaco, cunada oo uu diido bukaanka
(Anorexia), qandho aan sidaa u darneyn,
waxa dhici karta marar badan in
(Appendix-ka) Allah ku abuuray dhanka dambe ee Xiidmaha balaaran sidaa
darteed bukaanka waxa lagu arkaa
calaamado kale oo ay ka mid yihiin:
xanuun aan darneyn oo ku baahsan
caloosha, bukaanku uusan garaneyn inuu tilmaamo barta xanuunka ku aadan, Lalabo iyo Hunqaaco aan darneyn, Shuban aan badneyn, Kaadi fara badan oo joogta ah, iyo dhiig soo raaca kaadida. Si loo garto cudurka waxey adeegsadaan takhaatiirta sheybarka ay ka mid yihiin: CBC ama sawirka dhiiga oo lagu arko in Unugyada Cad-Cad ee dhiiga ay gaaraan ilaa 15000/mm3 oo boqolkiiba 75% ay
yihiin nooca loo yaqaan Neutrophils, baaritaan Kaadida, saddex sawir X-ray
oo caloosha laga qaado, Ultrasound, iyo
CT Scan. Marka la xaqiijiyo in bukaanka
waxa haya ay tahay Qabsin soo bood ah,
si deg-deg ah waa in qalitaan loo
sameeyo si looga gooyo bukaanka Appendix-ka hurgunku galay inta aysan
ku dilaacin oo dhib fara badan aysan uga dhalan, marka qalitaanka la sameeyo isla marka xanuunku bilowdo dhaawaca iyo dhimashada ka iman kara cudurkan aad iyo aad bay u yartahay, sida badan marka ay ku bilaabato bukaanka xanuunka iyo marka ay qaraxdo Appendix-ka uma dhexeyso wakhti badan qiyaas ahaan wax ka yar 24 saac gudohood, dhibaatada ka dhalan karta markaan si dhakhsi ah loo garan ama wax looga qaban cudurkan waxa ka mid ah: Boogta oo hurgun galo (Wound infection), Muruqa kala qeybsha Wax-ku- jirka Feeraha iyo Uur-kujirta dhanka midig oo Malax ay gasho (Subphrenic Abscess), Uur-ku-jirka oo Malax yeelato (Pelvic Abscess), midaa oo ay ka dhalan karto Xiidmaha oo isku dhega (Adhesions) iyo dumarka oo dhalmada gaba (Infertility), Appendix-ka oo Malax yeelata. Waxa had iyo goor loo baahan yahay in madaxa uu ku hayo takhtarka in cuduro kale ay noqon karaan sababta calaamadaha lagu arko bukaanka kuwaa oo ay ka mid yihiin: Boogta caloosha oo
qaraxday ama dilaacday (Perforated Peptic Ulcer), Hurgunka Xameetida ee
ba’an (Acute gangrenous Cholecystitis),
Xiidmaha oo Xirma (Intestinal Obstruction), gaar ahaan dumarka waa in laga baaro Burada Ovariga (Ovarian Cyst), waa burada ka soo baxda ukamaha dumarka. Hurgun mareenka Ukunta (Salpingitis), iyo ilmaha oo ku beerma meel ka duwan
booskoodii caadiga ahaa (Ectopic
Pregnancy), waa uurka ku beerma meel aan aheyn gudaha ilmo galeenka.
si gaar ah waa in loo baaro marka qalitaan la sameenayo wax ku dhow
2 mitir xiidmaha yar (Small intestine)
inuusan jirin cudurada loo yaqaan Meckel’s Diverticulum, Ileitis iyo Yersenia enteritis oo dhamaantood ku hoos dhuuman kara cudurka Qabsinka soo booda. Marar aan badneyn waxa dhici kara in hurgunku ku fido agagaarka Appendix-ka sidaa darteed waxa loo baahdaa in laga gooyo bukaanka inta ku hareersan appendixka ee dhaawucu ku fiday (Appendix Plus Messentery iyo Rt Colon), si looga hortago dhibaato kale oo ka dhalata. Qaliinka marka la go’aansho waxa la
adeegsan karaa labo farsamo oo kala
duwan kuwaa oo kala ah: Laparoscopy iyo Laparatomy, mida hore oo beryahan adeegsideeda aad uusoo kordhayo taa oo ay sabab u tahay iney uga waxyeelo
yartahay bukaanka nooca dambe oo
horay aad loo adeegsan jiray, farsamada
qaliinka oo sanadahaan dambe qalabka la adeegsado ay sahashay in bukaanka laga dhowro in calooshiisa qaliin weyn lagu sameeyo hadii laga maarmi karo.
Haddaba inta aan kor ku soo sheegnay waa marka cudurka qabsin sooboodku gaaro heerka qatarta ah laguna baraarugo xanuunka daran ee uu leeyahay iyo marka laga baqayo halis ah in appendix ku qarxo.
Balse maxaa sabab u noqon kara cudurka qabsin sooboodka. Waxaa sababi karaan cuduro dhowr ah kadib marka aan si rasmi ah la isaga daaweyn.
Muddo dheerna la la socdo. Waxaana ka mida cudurka baabasiirka cudurka gaaska gooryaanada cudurada keena dheef shiid xumida iyo xaalado kale oo aad u badan.
Haddaba hadii aad dareemayso wax kamida calaama daha cudurka qabsin sooboodka ama aad leedahay xanuun la xiriira hunguri mareenka ama uu hayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo kaa baajineysa qaliinka cudurka qabsin soo boodka inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo inshaa allaah mahad sanidiin.

Wadno gariir

Wadno gariir waxaa loo yaqaanaa (Atrial
Fibrillation ama A-fib ama atrial fib).
Kani waa wadno garaac aan caadi ahayn.
Garaaca wadnaha waxaa suga isla markaana koontaroola signallo
koronto ah oo wadnuhu leeyahay.
Guntinta Dalqada wadnaha ku taalla ayaa u dirta signallo koronto ah inta kale ee wadnaha (SA Node). Signalladaasi waa
kuwa sameeya in wadnuhu isku noqdo oo kala baxo haddana si uu dhiigga usoo
tuuro. Sida caadiga ah wadnuhu isaga
ayaa marna kala baxa marna isku noqda si uu u habeeyo inta loo baahan yahay ee dhiig ah ee jirka kale la gaarsiinayo.
Wadno gariirku markuu yimaaddo
guntinta dalqada wadnaha ku talla-ayaan bilaabin inay dirto signals ka, sidaa darteed signallada ayaa kasoo bilaabma qaybaha sare midig ama bidix. Taasina waxay keentaa in wadnuhu u garaacmo si qayrul caadi ah, oo mararka qaarkood uu aad u gariiro. Calaamadaha wadne-gariirka (Atrial Fib) waxaa ka mida.
1: Wadnaha oo si aan caadi ahayn u
garaacma.
2: Dareen garaac xoog ah oo laabta
gudeheeda laga dareemo.
3: Hawada neefsiga oo kugu yaraata.
4: In aad si fudud ugu daasho
dhaqdhaqaaqa .
5: inaad dareento itaal darro.
6: (wareer),
Hadii aad u baahan tahay baaritaano Waxaa la sameyn karaa mid ka mid ah
baaritaanadan:
1: Electrocardiogram (ECG or EKG)
2:in la duubo garaaca dhaq dhaqaaqa korontada ee wadnahaaga.
3: Fiirsashada Holter-in la duubo heerka
garaaca wadnahaaga ee 24-48
saacadood Baaritaanno kale oo xanuunka wadnaha
la xiriira ayaa iyaguna jira.
Waxaa kaloo jira xanuuno iyo asbaabo badan oo iyaguna keena wadno gariirka
Waxaana kamida cabista sigaarka iyo cunista qaadka cabida aalkolada iyo dhamaan mukhaadaraad ka.
Cudurada keeni kara wadno gariirka iyo wadno xanuunka waxaa ugu weyn cudurka baabasiirka sidoo kale wadno gariirka waxaa iyaduna sababi karto cudurka malaria da buurnida zaaidka ayaa iyaduna sababi kartaa wadno gariirka iyo wadno xanuunka ba.
Waxaa jira xanuuno badan oo iyagu carqaladeeya hanaanka shaqo iyo caafimaad ee wadnaha.
Hadii aad isku aragto ama aad qabto wadno gariir ama garaaca wadnaha oo zaaid kugu ah ama wadno xanuun ba ama uu ka cabanaayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta waxey kuu diyaarisay daawo guud ahaan baabi isa dhamaan xanuunada ku dhaca wadnaha lana isticmaalayo mudo kooban inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo mahad sanidiin.

Cabeebka / umuloowga

Candida ama cabeeb waa infakshan guud waxaana keena khamiirka loo yaqaan Candida albicans. Waxay jeceshahay inay ku korto meelaha diiran oo qoyan sida afka (oral candida), waxayna ku dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa
meela cad cad oo guduud ku jiro.
Badanaa wareega camanka ayey wax yeelaysaa , laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama carabka. Candida wuxuu ku dhacaa badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan bawdiyaha ama barida meelaha ka fog maqaarka kaas oo ay wax yeeshay candida. Midkaani caam ayuu ku yahay meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo qoyan isla markaana diiran. Meelaha infakshanku ku dhashay waxay
yeeshaan guduud waxaana dhici kara in
wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban
yahay. Maxaa dhaliya? Candida waxaa qaba 20% dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaalado gaara, sida isticmaalida antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaanada macaan
ama caano, inay qayb ka qaadato
koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha
diiran (meelaha laabma ee maqaarka)
khaasatan meelaha jirada maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida
infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan
afka qalaad lagu yiraahdo candida ku
dhaco meelaha laabma isticmaalida
kareemka cortisone iyadoo aan lala
isticmaalayn daawada lagu daaweeyo, waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii
xumaado.
Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada rasmiga ah ee candida lagu
daweeyo waxaa ku jira kareem la
mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo daawo si toos ah afka looga qaato. Haddii hooyadu ku yeellato candida ama cabeeb cambarka ama ibta naasaha
waxay u baahnaan doontaa daawen rasmi ah. Cabiraada guud oo inaka caawimaysa in laga hortago cudurkaan waxaa weeye in
la ogaado waxay jeceshahay waana: Joojinta antibaayootikiska sida ugu
dhaqsaha badan Si taxadaran u qalajinta meelaha
maqaarku ka laabmo qubayska ka dib Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato waxaa waajib ah in si rasmi ah loo daaweeyo hadii maqaarka jirrado
ee uu yeesho furuuraca naabigu keenay.
Sidoo kale cabeebka wuxuu ku dhici karaa hooyada dhashay iyadoo uuna kaga dhici karo afka carabka iyo farjiga ba sidoo kale waxaa jirta in cabeebku isu bedeli karo xanuuno adag hadii aan si dhaqsa ah la isaga daaweyn waxaana ka mida wax yaabaha uu sababi karo marka cabeebku afka aad ugu koro inuu infakshanka candida raaco tuubada hunguriga isla markaana wax yeeleeyo beerka iyo caloosha wuxuuna keeni karaa nabro gaas ah oo caloosha ku sameysma.
Hadiise cabeebku aad ugu koro gudaha farjiga iyaduna waxey sababi kartaa in xanuun badan laga la kulmo galmada caadada iyo dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin.
Cudurada sababi kara in candida ku badato meelaha qoyan ee laabma waxaa ka mida cudurka baabasiirka oo isagu hoos u dhiga difaaci jirka ama baabi iyaba.
Sidoo kale dadka isticmaala qaadka iyo sigaarka ayaana iyaguna ku kori karaa cabeebka. Umulow waxa ey u taqaano soomaalida oo inta badan dumarka ka sheegtaan iyo xanuunkan aan hadda ka hadleyno ee cabeebka ama candida waa isku mid.
Hadii aad isku aragto xanuunkan ama uu dhibaato kugu hayo ama uu ku hayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo mudo 1 bil ah la qaato dhamaana kaa sifeyn doonta xanuunka cabeebka umulowga ama candida hadba sida aad u taqaano inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Sunday 6 November 2011

Cudurka sanboorka

Saaxiibada qaaliga ahow maanta waxaan wax ka tilmaameynaa cudurka sanboorka. Cudurka sanboorka ayaa noqday beryahan mid aad u badan waxaana u sababa kororka cudurkaan ee bulshada dhexdeeda dhow arrimood waxaana ka mida isticmaalka wax yaabaha kiimikaal ka laga farsameeyo ee aan dabiiciga aheyn oo aad u kordhay iyo dadka intiisa badan gaar ahaan soomaalida oo ka hayaantey dhulkoodii hooyo isbedelkaa xagga hawada iyo jawiga ba waxey ka qeyb qaadan karaan kororka cudurka sanboorka.
sanboorka calaamadihiisa waxaa ka
mid ah -
1: Diif badan oo aan caadi aheen
2: Indhaha oo ku cuncuna
3:Cabur fara badan.
4: hindhiso fara badan
5: hargab kugu dhaca marka sanboorku ku qabto.
6: xanuun xabadka mar mar
7: xasaasiyad aad ka dareento neef mareenada.
8: madax xanuun mar mar ah.
9: indhaha oo ku guduuta
Waxaan oo dhan inta badan waxay
yimaadaan xiliyo gaar ah ama haddii
qofku uu la kulmo waxa uu jirkiisa diidayo.
Sanboorku caafimaad ahaan macnihiisa
waxaa weeye jirkaaga ayaa la kulmay
wax uusan dooneen.
Maadaama inta badan sanka laga
neefsado, jirka waxuu kala kulmaa waxyaabo badan oo uusan jirku dooneen sanka. marka diifka iyo waxyaabaha la
midka ah waxaa keenaya jirka oo la
dagaala maya waxii uusan jirka rabin.
sidoo kale caburka iyo hindhisada iyo dhamaan xaaladaha uu keenayo sanboorka marka uu ku kaco qofka ayaa waxey ka dhigan tahay jirkaaga oo la dagaalamaya wax uusan rabin sida busta kiimiko aad u dhawaatey daawa aad cuntey ama cunno aad cuntayba haku jiraane.
Sidoo kale waxaa jirta cuduro iyo asbaabo badan oo keenaya in qofka ku dhaco sanboor waxaana ka mida.
Isticmaalka mukhaadaraadka sida sigaarka qaadka iyo waxyaabaha kaa sii weyn ee dadka qaarkii isticmaalaan waxey sahli karaan in uu sanboor kugu dhaco si dhaqsa ah.
Sidoo kale waxyaabaha sababa in sanboor kugu dhaco waxaa kamida inaad ka shaqeyso meelaha kiimikooyinka yaalaan ama lagu farsameeyo sida warshadaha oo kale.
Cudurada keena sanboorka waxaa ugu weyn cudurka baabasiirka sidoo kale cudurada ku dhaca neef mareenka sida pneumonia yada burunkiitada tb da sanbabada ku dhacda iyo cudurka macaanka oo isaguna sababi kara xanuuno badan oo sanboorku ka mid yahay.
sanboorka hadii aan la iska daaweyn wuxuu dhaxal siin karaa qofka qaba xasaasiyad ku weynaata gudaha sanbabada iyadoona wadiiqo sahasha u noqon karta iney kugu dhacdo neef.
ka hortagga cudurka sanboorka waa mid u baahan dadaal dheeri ah.
Iska ilaali wax yaabaha qatarta ku ah caafimaadkaada guud ahaan gaar ahaan wax yaabaha aan kor ku soo sheegnay.
Hadii uu dhib kugu hayo ama aad qabto cudurka sanboorka ama uu dhib ku hayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta website kani.dhaqaatiirta waxey hubin doonaan waxa sababey sanboorka. daawada sanboorka waxaa la qaataa muddo 1 bil ah inshaa allaah daawo kaa cirib tirta cudurka sanboorka soo weeydii dhaqaatiirta website kan si aan wax badan kaaga caawinno la soo xiriir dhaqaatiirta inshaa allaah waxaan diyaar u nahay inaan wax badan ku caawinno mahad sanidiin

Saturday 5 November 2011

Kilyo xanuunka

Kilyo xanuunku waa xaalad caafimaad darro oo la derista banii aadamka qaarkii isla markaana ku keena qofka xaalad xanuun iyo jiro iyadoo marka dambena dhici karaan xanuuno kale oo ka dhalan kara kilya xanuunka.
Killi xanuunku badanaa wuxuu bilowdaa kadib marka uu ku dhaco caabuq infakshan ah kilyaha iyo kaadi mareenka infakshan kaasoo sababi kara in dhaawac uu gaaro xuubka ku dahaaran kilyaha.
Sidoo kale waxaa jira in kilyaha dhexdooda ku sameysmaan dhagxaan yar yar ama waaweyn kuwaa soo keeni kara xanuun kilyeed waxaa kaloo dhagax yadaasi sababi karaan in qofka ku dhaco cudurka dhiig karka.
Kilyo xanuunku waxaa kaloo sababi karaa xanuunada galmada lagu kala qaado sida jabtada, chlamydia, iyo xanuunka kale ee loo yaqaano pelvic inflammatory disease ( PID ) dumarka ayuuna ku dhacaa. Wax yaabaha keena kili xanuunka waxaa ka mida dhibaatooyinka dumarka kala soo dersa xagga caadada.
Wax yaabaha sababi kara kili xanuunka waxaa kamida cabitaanka biyaha oo qofka aad ugu yaraada sidoo kale kilyo xanuunka waxaa keeni kara isticmaalka maandooriya yaasha sida jaadka sigaarka iyo wixii kaba sii weyn waxaa sidoo kale sababi kara kili xanuunka isticmaalka daawooyinka qaar daawooyinka qallajinta oo aad loo isticmaalo waxey sababi kartaa xanuun kilyeed.
Dhibaatooyinka dumarka ka la soo dersa xagga makaanka dhibaatooyin kala dersa xilliga dhalmada sidoo kale kilyo xanuunka waxaa sababi karaa qalliinada qaarkood ee lagu sameeyo xubnaha kilyaha kaadi mareenka iyo xubnaha taranka rag iyo dumarba wax yaabaha dumarka kilyo xanuunka ka dhaxli karaan waxaa ka mida gudniinka fircooniga ah.
Sidoo kale galmada badan waxaa laga dhaxlaa xanuuno kilyeed oo dhib badan.
Cudurada si rasmi ah u keena kilya xanuunka waxaa kamida.
1: cudurka baabasiirka
2: cudurka sonkorowga
3: cudurka dhiig karka
4: gooryaanada
5:kansarka ku dhaca guud ahaan Kilyaha iyo kaadi mareenka.
Haddaba dadkeena soomaalida rag iyo dumar ba waxaa ku badan kilyo xanuunka markii aan wax badan eegnay bukaano badan oo ka cabanaya kilyo xanuunka waxaan ogaaney in asbaabta ugu weyn ee bukaanada soomaalida ee qaba kilya xanuunka iney tahay cudurka baabasiirka cudurkaan oo ah cudurka ugu xoogga badan cudurada keena kilya xanuunka kilyaha oo ku dhashaan dhagxyo iyo cudurka dhiig kar ka ba.
Hadii aad ka cabaneyso kilya xanuun ama uu ka cabanaayo qof kamida ehel kaada asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta si aad u qoto dheer ayey u baarayaan cilladaha keenaya kilya xanuunka kadib dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarineysa daawada ugu haboon uguna safe san ee aad u qaadaneyso kilya xanuunka.
Daawada kilya xanuunka waxaaa la qaataa muddo 1 bil ah oo xiriirta.
La soo xiriir dhaqaatiirta si wax badan lagaaga caawiyo mahad sanidiin.