TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Saturday 31 December 2011

dhibaatooyinka ay leeyihiin daawooyinka qaar kood oo ay ganacsatadu dalka keenaan.

Daawooyinka la soo geliyo dalkeenu waxay ka mid yihiin dhibaatooyin ka ugu waaweyn ee ina haysta sida dagaalada qabyaalada mukhaadaraadka I.W.M .Waxaan halkan ku fiirinaynaa dhibaatada daawooyinka aan cidi
kontaroolin isla markaana
ay soo dejiyaan dad ganacsato ah oo aan aqoon u lahayn ganacsiga daawada oo ka gedisan kan raashinka iyo dharka qof kastaa ka ganacsan karo.
Ganacsiga daawadu waxuu u baahan yahay qof leh aqoon daawo iyo xirfad ganacsi labada ba, ama ganacsato ku tiirsan gudi caafimaad oo isku
dubaridda daawooyinka wadanka looga baahan yahay sida caalamka oo kale. Daawo waxa lagu qeexaa
walax (shay) kiimiko,bayoolaji, ama qayb noole ka mid ah oo loo
isticmaalo noole kale si loogu dabiibo . Hadaba marka laga hadlayo
daawooyinka waxa hoos imaanaya kuwa dadka, xayawaanka, dhirta
iyo deegaanka. Waxaa mudan in la xuso in daawo (medical agent) iyo sun (toxic agent)ay isa soo galaan oo markaa qaarkood ay adag tahay in la kala sooco sooh dinta u dhaxaysa. Taa macna heedu waa shay daawo ah ayaa sun (toxic) ah iyadoo ku xidhan
hadba xadiga (dose), sida loo isticmaalo (administration) iwm. Tusaale waxa ka
ah daawooyin ka loo isticmaalo xinjirowga dhiiga (coumarinic) waxa loo
isticmaala sunta jiirka (dooliga) ama xayawaanka yar yar si loogu dilo , laakiin ku fulin in ay disho ilmo yar
hadii xadiga (dose) kor loo qaado qof kasta na waa dili kartaa. Si loo kala sooco daawa nimada (pharmacological effect) iyo sun nimada (toxicological
effect) ee daawo waxa lagu cabiraa halbeega la la dhaho tilmaamaha
dabiibka / daawaynta (therapeutic
index – TI). Halbeegan waxa
lagu qeexaa sida ugu fudud (simplicity) faraqa u dhexeeya xadiga ugu yar (min.dose) ee daawo oo wax dabiibi karta iyo xadiga ugu yar (min.dose) ee lagu
sumoobayo. Daawooyin ka leh TI aad u
yar waxay leeyihiin khatar aad ah in lagu sumoobo, sida daawooyinka gariirka wadnaha (anti-arrythmic ), kuwa suuxinta, iyo kuwa xinjirowga (warfarin) iwm,
isticmaalka iyo ka ganacsi gooduna waxuu u baahan yahay dad aqoon
fiican u leh ama gudi caafimaad oo
kontaroosha. Tusaale hadii ay nu soo
qaadano waxa ka mid ah daawada amiodarone 200mg (anti-arrythmic), oo
aad looga helo suuqyada aduunka , laakiin maadaama uu yar yahay
TI- geedu waxa mamnuuc ah in daawada kale ee la midka ah ee shirkada (generic) aan lagu bedeli Karin (substitution), iyagoo isku mid ah, ilaa la helo cadaymo iyo ogolaansho ka soo
baxda gudiga caafimaad ee
dalka in labadan daawo ay si kasta
isugu dhig maan . Si taasi loo hubiyo waxaa xadiga (dose) loo qoraa si
aad u sugan (precision), tusaale ahaan amiodarone 200.00 mg halkii la qori
lahaa 200mg . Wax yar oo is bedel ah oo
xadiga (dose) wuu dili karaa qof..Laba
daawo oo isku mid ah, isku xadi ah(dose), isku nooc ah laakiin ay soo saareen laba shirkadood oo kala duwan ayaa kala duwanaan kara. Si la isu barbar dhigo daawooyin ka raad kooda
(effect), waxaa la isticmaalaa halbeega isu dhigan ka bayoolaji yeed (bioequivalence-BI). Daawooyin ka leh TI yar (narrow therapeutic index)
waa in aan la isku bedelin hadii aanay isku BI-ahayn. Waxa dhacda in laba daawo ay si kasta isugu mid yihiin (quality /quantity) ba laakiin ay kala BI-yihiin waayo laba shirkadood oo kala duwan ayaa soo kala saara (Drug formulation) Waxa kale oo jira daawo u jirta dhawr nooc (formulation), laakiin
ku kala gedisan inta jeer ee la qaadanayo (posology ) iyo sida loo qaadanayo. Daawooyin kan waxa
ka mid ah nooca loogu tala galay in ay iyagu jidhka dhexdiisa isku fur furaan si qorshaysan (programmed release
forms). Tusaale ahaan daawada
Tacrolimus 1mg, waxay u
jirtaa laba nooc advagraf iyo prograft. Advagraf waxaa la qaataa hal jeer maalintii halka prograft la qaato laba jeer. Labada daawo waa isku mid, waa isku xadi (dose) laakiin waxay ku kala gedisan yihiin samaysan kooda
(formulation) waana isku tayo. Hadii qofka Advagraf uu laba ka qaato ( isagoo is leh waa isku molecule, waa isku xadi) wuu ku sumoobayaa.
Insulin –ta macaanku waxay u jirtaa noocyo kala farsamo duwan ,laakiin isku
mid ah qaadis teeduna (transport) waxay u baahantay sida daawooyin kale oo badan in qaboojiye lagu qaado. Dhamaan waxa kor ku xusani waxay ku tusaysaa sida ay laga ma maarmaan ka u tahay in daawooyinka wadan lagu
isticmaalaa ay u baahan tahay in nidaam wadankaasi uu dhistay uu
isha ku hayo sida soo saaristeeda, dejin teeda, isticmaal keeda, iibkeeda
iwm. Arintani waxay u baahantahay in
nidaamka dawliga ah, shacabka oo ay
ganacsatada daawooyin ku (importers, pharmacy) iyo dadka aqoonta caafimaad
ka leh ugu horeeyaan.Waxa la sameeyaa
gudi caafimaad oo ka kooban noocyada
shaqaalaha caafimaad ka, gudidaas ayaa ka ganacsiga daawooyinka loo xil saaraa. Waxaa fiican in mar walba
laga fikiro caafimaadka dadwaynaha marka ganacsiga daawooyinka laga hadlayo, ee aan laga fikirin oo keliya macaash waayo waa nolosheenii. DAAWOOYIN ISTICMAALKOODU KHATAR YAHAY. Waxa jira daawooyin badan
oo isticmaal koodu khatar yahay oo ku kooban xaalado gaar ah oo nafta qofka halis ku haysa oo keliya ,meelaha
qaarkood na waa laga joojiyay isticmaal
kooda khatartooda darteed.Daawooyinkan waxa ka mid ah antibiotic yada la ladhaho gentomycin ,
stretptomycin chloramphenicol iyo
daawada xoolaha ee la yidhaa Diazinon iwm. Hadii aan daawooyinkan qaarkood eegno waxa ka mid ah: STREPTOMYCIN: Waa nooc antibiotiga ka mid ah oo loo
isticmaalo guud ahaan cudurka qaaxada iyo mararka qaarkood xanuuno kale oo
halis oo ay keento nooca bacteriyada loo
yaqaano gram(-) . xanuunadan
waxaa ka mid ah infection ku dhaca wadnaha (endocardial infection). Daawadani waxay sababtaa
dhib ka badan waxtar keeda (side effect) oo keentay in la joojiyo ama lagu koobo isticmaal keeda xaalado gaar ah oo aan xal kale jirin, waxa lagu kaydiyaa
xarumo gaar ah sida cusbitaalada iwm,
isticmaal keeduna wuxuu u baahan yahay xirfad iyo in markasta la cabiro maqalka iyo shaqada kilyaha ee qofka. Khatar teeda waxa kamid ah : 1- Qofka oo ay dhega la’aan ku keento
2- Kilyaha oo ay bur buriso 3- Wax yeelo xun oo ay u geysato habdhiska dareenka (neurotoxic).
GENTOMYCIN: Waa antibiotic la bah ah kan kor aan ku sheegnay , waxa loo
isticmaalaa xaalado gaar oo si fiican qofka loo la socdo maqalkiisa iyo kilyihiisa sida streptomycin ka .Waxaa
loo isticmaalaa sida infectionka ku dhaca neef mareenka iyo dheef shiidka
(respiratory /gastro- intsestinal infection) hadii aan xal kale jirin. Khatar tiisa waxa ka mid ah sida streptomycin ka mid ka xun: 1- Dhego la’aan joogto ah 2- Kilyaha oo ay bur buriso.
CHLORAMPHENICOL: Waa antibiotic loo isticmaalo cudurka typhoid ka ,laakiin
khatartiisa darteed waxa a lagu koobaa isticmaalkiisa xaalado gaar ah sida qoor gooyaha ( mengitis) oo u
baahan la socosho gaar ah sida cabirka dhiiga qofka. Khatartiisu waxa ka mid ah: 1- Bur burinta iyo baabi inta unug yada dhiiga. 2- Bur burinta dhuuxa soo
saara unug yada dhiiga. Dhamaan
daawooyinkan waxa bedelay kuwo ka
sahlan , ka dhib yar oo ka faa’ido badan, sabab wadankeena loogu istimaalo ama looga ganacsado ma jirto aan ahayn aqoon daro arintan la xidhiidha
isticmaalkeeda iyo gancsatada soo dejisa. DIAZINON: Waa sun loo isticmaalo cayayaanka guriga sida baran barada iwm, kuwa degaanka ama
dhirta iyo cayayaan ka ku nool xoolaha sida shilinta iwm .Suntan waxa laga
mamnuucay wadamo badan oo dunida ka mid ah, ka ganacsigeeda iyo
isticmaal keedu na wuxuu u baahan yahay qof leh xirfad ama aqoon u khaas ah (professional pest control ) .Suntani waxay khatar u tahay dadka, xoolaha iyo xayawaan ka kale iyo degaanka (restricted use pesticide) , isticmaal keedu waa ka mamnuuc goobaha la degan yahay (residence), meelaha
caruurtu ku ciyaaraan iyo dugsiyada . Xayawaanka loo isticmaalo waa in aan loo dhawaan hilibkiisa iyo caanahiisu mudo todobaadyo ama bil ah iyadoo ku xidhan hadba xadiga la isticmaalay. Waxaa la yaab leh in suntan iyo daawooyin ka aan kor ku soo sheegnay iyo qaar ka khatar badani ay dhulkeena
sida raashinka u soo galaan
cidina aan la socon . Daawooyinka khatarta ah waxa laga iibsan karaa
farmasiyada oo iyagu ka iibiya qofkii waydiista hadii uu yahay ilmo yar, hooyo uur leh, mid naas nuujisa iyo qof waayeel ah, markii ay doonaan dadka ku muda (injection) oo ah khatar kale . Waxa kale oo xusid mudan in aanay ka jirin Somalia kantarool daawooyin ka narcotics - ka.
Sidaa aawgeed maadaama dalku aaney ka jirin dowlad dhexe oo kontaroosha soo dajinta iyo ka ganacsiga daawooyinka isla markaana aanu dalka ka jirin guddi caafimaad oo xilka saaran yahay la socod ka daawooyinka ay ganacsata dalaka keenaan waxaan bulshada ugu baaqeynaa iney taxadar weyn ka yeeshaan isticmaalka daawooyinka ganacsatada macaash doonka dalka u soo geliyaan sida raashinka iyo dharka oo kale.
Haddaba haddii aad ka cabaneyso xanuun ama uu jiro cudur kula darsay ama uu cudurka hayo qof ka mida ehel kaada asxaabtaada meel kastoo aad dunida ka joogto la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa gacan buuxda kaa siin doonta sidii aad ku heli laheyd daawo rasmi ah iyo xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

Wednesday 7 December 2011

cudurada ay daweyso xarunta

Xarunta daaweynta dadweynaha oo aad
uga barateen daaweynta cudurrada guud
iyo daawooyin casri ah amaano iyo adeeg
nadiif ah ayaad ka heli doontaan haddii
alle idmo macluumaad caafimaadka ku
saabsan isla markaana wax tar u leh bulshada qeyba heeda kala duwan sidoo
kale xarunta taqasusiga ah ee
caafimaadka waxaad ka helaysaa
daaweynta cudurrada soo socda inshaa
allaah waxaana kuu ballan qaadeynaa
inaan daawooyinka kugu soo gaarsiino halka aad dunida kaga nooshahay inshaa
allaah.
Cudurrada xarunta caafimaadka bulshada
daaweyso waxaa ka mida.
1: cudurka baabasiirka
2: dhalmo la aanta rag iyo dumarba 3: sonkorowga
4: biya baxa deg dega ah
5: gaaska
6: caado wareerka caada yarida
xanuunada caadada dumarka la socda
7: infection nada guud ahaan nooc kasta 8: af qurunka
9: burooyinka guud ahaan
10: dareen la aanta rag iyo dumarba
11: tabar yarida xagga raganimada
12: cudurada galmada lagu kala qaado
sida isfiilatada jabtada 13: cudurada ku dhaca maqaarka
14: cudurka sanboorka
15: neefta
16: cudurka yiridka
17: cudurada ku dhaca dheef shiidka
18: qal qalka hormoonada jirka iyo isu dheeli tir la aanta hormoonada
19: tubooyinka makaanka dumarka oo
xirma
20: kordhinta iyo kobxinta noolayaasha
shahwada ku jira
21: cudurka hepatitis ka noocyadiisa sida A, B, C,
22: xanuunada ku dhaca neef mareenka
23: gooryaanada
24: cudurka dhiig karka
25: xarunta caafimaadka taqasusiga ah
waxey si qaas ah idiin kaga daweynaysaa inshaa allaah dhamaan xanuunada ku
dhaca xubnaha taranka rag iyo dumarba
sida caada wareerka caado yarida
caadada oo soo daahda ama la waayo
xanuunka caadada caadada oo badata
dhalmo la aanta dhalmada oo hakad ku yimaado rag iyo dumarba sidoo kale
xarunta waxey idiinka daweynaysaa
inshaa allaah dhamaan cilladaha jinsiga
sida tabar yarida raganimada tabar
tarida dareenka dumarka iyo ragga
xanuunada la dareemo xilliga galmada Sidoo kale xarunta waxaad ka heli
doontaan macluumaad wax tar leh oo ku
saab san qaabka ugu wanaagsan ee la
isugu galmoodo iyadoo la og yahay
wanaajinta qaabka la isugu galmoodo ay
qeyb weyn ka qaadato in 2 da is qabaa ay ubad helaan si dhaqsaha ah waa haddii
alle u qadaree.
Sidoo kale xarunta waxaad ka heli
doontaan daryeel caafimaad oo dhinac
kasta leh annagoo kuu ballan qaadeyna
inaan dawooyinka kugu soo gaarsiino muddo 3 beri ah meel kasta oo aad
dunida kaga nooshahay inshaa allaah
Soo weydii xarunta talooyin caafimaad
hadii aad dareemayso cillad ama ay jirto
caafimaad darro kula soo daristay.
haddaba haddii aad dareemayso xanuun ama ay jiraan cillado caafimaad darri ah
ama caafimaad kaaga wax iska bedeleen
ama aad leedahay cudur wax yeelana kuu
geystay ama dhibaato caafimaad darri ay
heysato qof ka mida ehelkaada asxaab
taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
Dhaqaatiirta ayaa kaa daweynaysa
dhamaan xanuunada ku hayya waxey na
dhaqaatiirta diyaar u tahay iney kaa
caawiso kaana daweyso dhamaan
xanuunada ku la xiriira la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u ogaato wax badan
si aad u hesho daaweyn rasmi ah si aad u
hesho talooyin caafimaad ka ku saab san
inshaa allaah mahad sanidiin.

Sunday 4 December 2011

Cudurka kansarka

Waa maxay kanasarka? Kansarku waa cudur saameeya dad aad u fara badan. Dad badan ayaa marka ay
maqlaan cudurkan waxaa gasha baqdin.
Cabsi daas ayaa mar marka qaarkood
dadka ku dhiiri gelisa iney wax ka
ogaadaan cudurkaan waxeyna isku dayaan iney wax ka bedelaan caafimaad kooda si ay uga hor tagaan in uu ku dhaco. In aad wax badan ka barato kansarka ayaa ah wado kuu sahleysa in cabsida kansarku kaa yaraato. Kansarku wuxuu ka mid yahay koox
badan oo cuduro ah, waxaana lagu gartaa in unug yada jirka ka tirsan ay u
shaqeeyaan si aan caadi ahayn. Jirka
dadku wuxuu ka kooban yahay balaayiin
unugyo yar yar. Unuga ayaa abuura qeyb kasta oo jirka ka tirsan, sida
maqaarka, lafaha, wadnaha, sambabada, iyo xubno kaleba. Caadi ahaan unugyada ayaa iskood u tarma si ay u kaalmeeyaan koriimada iyo qeybaha kale ee jirka. Marka unugu bilaabo inuu u tarmo ama u kala qaybsamo si aan caadi ahayn,
waxaa taa loo yaqaan buro (tumor).
Buradu waxay noqon kartaa buro aan
kansar aheyn ama aan kansareysneen iyo buro kansar ah oo kansareysan.
Burada aan kansareysneyn waa ay kortaa laakiin kuma fido qaybaha kale ee jirka. Waxay keeni kartaa dhibaatooyin la taaban karo, sida is-hortaag ama waxay u ekaan kartaa wax aan caadi ahayn, laakiin badanaa waa la daaweeyaa ama waa la qalaa, dibna uma soo baxdo. Laakiin Burada kansareysan waa kansar Buradaasi kansareysan ayaa ku qaada weerar ama duulimaad qeybaha kale ee jirka. Waxayna ku fidi kartaa qeybaha kale ee jirka, iyadoo abuureysa burooyin cusub (burada noocan ah ayaa la
yiraah daa metastasis). Marka buradu kansareysan tahay, unugyada ayaa u
korayya si aan la xadidi karin. Mar marka
qaarkood, hadii xataa buradii ugu
horeysay qaliin lagu jaro, cudurka ayaa
weli ku sii kori kara meeshii uu ka
bilawday ama qaybo kale oo jirka ka tirsan waa hadii burooyin kansar ah ay
horey ba ugu faafeen qeybaha kale ee jirka.
Maxaa keena kansarka?
Kansarku wuxuu sameysmaa marka
isbedel uu ku dhaco qeybta unugga ee
maamusha dib u taranka unug yada cusub ama kala qeybinta unug yada kale ee jirka. Isbedeladaan waxay abuuri karaan cudurro kale, sida Cagaar shawga B ee ku dhaca beerka, ama cudurada laga qaado cabidda sigaarka. Culumada Sayniska ayaa isku raacday in dadka uu ku dhaco kansarka qaarkii marka ay si is daba joog ah ama ba muddo badan la kulmaan mid ama dhawr ka mid ah wax yaabaha la
yiraahdo (kansar keene). Kansar-
keenayaasha ayaa unug yada jirka u
oggolaada inay u koraan si aan caadi aheyn. Tusaalooyin ka kansar-
keenayaasha waxaa ka mid ah sunta
cayayaanka lagu buufiyo, raajada, sunta
kiimikada, iyo daamurka ku jira sigaar ka.
Waxaa kaloo sii dheer taas cabidda
badan ee sigaar ka ayaa kuu keeni karta inuu ku gu dhaco kansarka sambabada, dhuunta ama kaadi-haysta. Kansarka qaarkiisa sida kan mindhicirka, kan qanjirada kan xiniinyaha, kan naasaha iyo kan maskaxda illaa iyo hadda ma cadda lamana garanayo sababaha keena. Sidoo kale lama garanayo sababta dadka qaarkii ay u qaadaan nooc yadaas kansarka ah halka dadka qaarkiina uusan ku dhicin. In la iska
Daaweeyo cudurka cagaarshawga ee
beerka ku dhaca (hepatitis), iska ilaalinta qoraxda jirka gubta ama joojinta cabidda sigaarka ayaa kaa yareyn doonta fursadda ah inuu san kansar kugu dhacin. Baarid waqti
hore (screening) oo lagu raadinayo kansarka (marka kansarku uu yar yahay,
uusan ku fidin jirka qeybahiisa kale) ayaa keeni karta in la bilaabo daweynta kansarka taasoo kaa bogsiin doonta kansarka, kaana joojin doonta
dhimashada kansarka ka timaada. Wax yaabaha keena kansarka qaarkii ayaa la is qaadsiin karaa, laakiin kansarka laftiisa la isma qaadsiiyo. Ma
qaadaysid kansar haddii aad ag joogto
qof qaba cudurka. Noocyo kansarka ka mid ah, sida kan Naaska ama mindhicirka, ayaa layska dhaxli karaa oo reer kaaga aad ka dhaxli kartaa. Khatar weyn na waxaad u tahay inuu ku gu dhaco nooc yadaa mid ka mid ah hadii dad ama qof reera hiina ah uu ku dhacay mar hore.
Calaamadaha digniinta u ah ee lagu
garto kansarka waxaa ka mid ah:
1: Culeys badan oo aad lumisid adigoo aan wax jimicsi ah sameyn.
2: Qufac aanan dhamaan qaaxana aan
aheyn (TB)
3: Matag dhiig wata,
4: qufac dhiig leh ama
5: saxaro wadata dhiig oo kaa timaada 6: Dhiiga aan caado aheyn oo ka yimaada farjiga dumarka
7: Isbeddalo aan caadi aheyn oo baro baro ah ama ka muuq da maqaarka
8: Dhaawac soo gaara maqaarka oo aan
bogsan.
9: Dareemid daal fara badan iyo tabar darro aan sabab laheyn.
10: Burooyin kaa soo baxa ama kugu soo
kordha
11: Xanuun aan la garaneyn meel uu ka yimid Haddii aad isku aragto calaamada haan micna heedu ma ahan in aad kansar qabto.Waxaa keeni kara cudurro kale. Hadii aad qabto hal ama in ka badan caalaamada haan la soo xiriir dhaqaatiirta website kan inshaa allaah siaad u ogaato sababaha keenay. Daryeelka caafimaadka ee ka- hortagga iyo daweynta kansarka - saameynta
wax yaabaha hagaajiya caafimaadka. Daryeelidda caafimaadku waa wax aad muhiim u ah, waxaana lagaa doonayaa
oo laga maarmaan ah inaad cunto cunno dheeli tiran, jimicsi, aad na fiiro u yeelato jirkaada haddii aad dooneyso inaad caafimaad qabto. Waxaa kaloo aad muhiim u ah inaad dhakhaatiirta aragto markaad isku aragto calaamadaha digniinta u ah kansarka ama wixii kale ee la xiriira dhinacyada kale ee caafimaadka. Dhakhaatiirta waxey kuu diri karaan baaris ku saabsan dhinaca kansarka adigoon iskuba arag
calaamadaha uu leeyahay kansarku.
Waxa dhici karta in dhakhaatiirta ayna
kaa helin kansar, laakiin cudurka marka
hore loo helo waxay taasi kordhinaysaa
suurto galnimada in cudurka la daweeyo Waxaa jiraan noocyo kala du duwan oo kansar ah. Kansarka qaarkiis way fududahay in la daweeyo marka la bar bar dhigo cudurada kale.
Hadii kansarka goor hore la arko, dhaqaatiirtu waxa ay isticmaali karaan
daaweynta cusub ee dhibka yar una
fudud bukaanka. Hadii la arko kansarka goor hore, dhakhaatiirtu waxa ay fursad
fiican u helaan inay si guul leh cudurka u
daaweeyaan. Qabida kansarka micnaheeda ma aha in aad u
dhimaneysid kansar. Dadka qaba kansarka badanaa waa laga daweyn karaa umana dhimanaayaan kansarka. Hadii aad qabto kansar, ha rajo dhigin. Waxaa muhiim ah in aad daawo doonato maxaa yeelay kansarada badankood waa la daweyn karaa.
Sidoo kale kansarka waxaa sababa inuu qofka ku dhaco in aan la iska daaweyn cudurada oo waxaa jirta cudurro badan oo kansar isu badela marka ay raagaan oo aan la iska daaweyn badanaa marka aan cudur aan la iska daaweyn waxaa dhacda in cudurkii isku bedelo kansar iyo cudurro kale ba tusaale cagaar shawga B waa (hepatitis B) waa cudur beerka ku dhacee haddii aan si dhaqso ah la isaga daaweyn wuxuu sabab u noqon karaa inuu kugu dhaco cudurka kansarka. Sidoo kale infection ka galmada lagu kala qaado ee ( HPV ) ga loo yaqaano badanaana ku dhaca xubnaha taranka wuxuu keenaa sababaa kansarka ku dhaca riximka dumarka. Haddaba hadii aad qabto cudurka kansarka ama uu ku hayo wal wal la xiriira cudurka kansarka ama uu hayo qof kamida ehelkaada ama asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kaa caawin doonta inshaa allaah daaweynta cudurkaan inshaa allaah mahad sanidiin.

Friday 2 December 2011

Cudurka koleeraha

Waxeynu wax ka taabaneynaa cudurka somalida u taqaano daacuunka. Hadaba in wax laga sheego cudurkan waxa uu yahay siyaabaha looga hortagi karo
loona xakameyn karo faa’fidiisa ayaa ah mid lama huraan ah si uu mujtamacu uga qaato aragti guud. Inta aanan u guda gelin waxa uu yahay
cudurka kuleeraha ayaan waxaan
door bidnay inaan kala saarno farqiga u dhexeeya cudurka koleeraha iyo cudurka daacuunka oo ay dad badani isku qaldaan. Soomaalida ayaa in badan ku magacawda koleeraha daacuun
calooleed. Balse marka loo noqdo
cilmiga sayniska koleeraha iy daacunka
ayaa ah laba cudur oo kala duwan oo ay sababaan laba nooc oo bakteeriyada ka mid ahi. Cudurka daacuunka ( plague)
waxaa keenta bakteeriyada loo yaqaan
(Yersinia pestis). Cudurkan ayaa ah mid
dilaa ah kana khatarsan koleeraha in
badan calaamadaha uu cudurka daacuunka leeyahay ayaa waxaa kamid ah.
1: nabara waaweyn oo maqaarka kasoo
yaaca
2: iyo qanjirada difaaca oo barara (bubonic plague).
3: Dhiiga oo sumoobba (Septicenic plague)
4: inta badanna sababa dhimasha
deg deg ah.
5: Sambabada oo dhiiga
(pneumonic plague) .
Hadii aan u soo noqono cudurka koleeraha ama daacuun calooleed ba dheh waa sida
ay soomaalidu u taqaanee ayaa
waxaa keenta bakteeriyada looyaqaan Vibrio cholerae . inta badan cudurkan
waxa uu ka dhashaa cabitaan lacabey
biyo wasakheysan ama cunid
lacuney cunto aan si wanaagsan loo bisleyn amaba wasakheysan. Jeermiska ama bakteeriyada cudurkan keenta
ayaa ah mid u nugloon aasiidhka iyo gaasaska ay caloosha aadamuhu soodayso hadiise xaddiga bakteeriyadan ah ee biyaha ama cuntada uu qofku cuney ama cabey lasocotay ay ahayd mid badan waxaa dhacda inay qaybka mid ah bakteeriya dani ka talaabto
aasidhyada ay calooshu soo daayso una talaabto dhinaca xiidmaha oo isagu inta
badan leh aasidh aan badnayn waxna u gaysan karin kororka iyo taranka bakteeriyadan. Sikasta ba xaaladu ha ahaatee mar hadii bakteeriyada Vibrio cholerae ku guuley sato inay si fiican ugu taranto xiidmaha aadanaha wexey
bilowdaa inay soo dayso sunta loo yaqaan sunta koleeraha. Suntan oo sababta iney unugyada jirka gaar ahaan kuwa xiidmuhu ay soo daayaan
dheecaano iyo macdanno aasaasi u ah nolosha unugyada jirka, suntani wexey kaloo jirka ka hor istaag taa nafaqooyin kii, biyihii, iyo macdanadii uu jirku ka nuugi jiray ama ka qaadan jiray xiidmaha. Sidaas darteed
ayaa waxaa dhacda inay macdano
iyo biya badani ay jirka uga lumaan
shuban ahaan iyo matag ahaan. Mar hadii uu bukuhu gaaro heerkan oo kale
uusanna helin daaweyntii ku habooneyd
waxaa dhacda inuu bukuhu u dhinto nafaqo iyo macdan la’aan (fuqbax)
Calaamadaha uu leeyahay cudurka
koleerahu Calaamadaha bukaha
cudurkani ku dhaco
lagu arko ayaa waxaa kamid ah
1: Shuban biyo ah oo badan, aan lahayn
wax midab ah watana dhibca dhibca
axalo ah (Flecks of mucus) inta badana u eg bariis lakariyay biyihiisa
2: Matag (Vomating)
3: Kaadi la’aan (Unuria)
4: Dhiiga oo hoos u dhaca ( hypotension) Siyaabaha looga hortigi karo cudurka koleeraha
1: In la cabo biyo Nadiif ah In uu qofku cabo biyo Nadiif ah oo aan laheyn
wax jeermis ah waa mid ka mid
ah qaabab ka ugu muhiim san ee
cudurkan looga hortigo karo, biyo nadiif ah oo jeermis laheyn waxaa lagu heli
karaa iyada oo la raaco qodobadan
a) Biyaha oo lagu daro maadada koloriinta maadadani waxay biyaha ka
dishaa jeermiska, waxaana lama
huraan ah in biyaha lagu daro xaddi go an oo dhex dhexaad waayo hadii xaddi badan oo maadadan ah biyaha lagu daro waxaa dhici karta in ay
caafimaadka qofka wax u dhinto, hadaba xadiga ugu haboon ayaa ah 2mg (miligram)litirkiiba.
biyaha baraagaha ( berkadaha).
b) Biyaha oo la kar kariyo
C) Nadaafada iyo faya dhowrka deegaan ka oo la ilaaliyo.
D) Isticmaal ka cunto Nadiif ah oo si fiican loo bisleyay cuntada ayaa
ah waxyaabaha ugu badan ee ka
qeyb qaata faafida cudurkan, marka in uu qofku cuno cunto kulul amaba uu dib u kululeeyo hadii ay qabowdahay
ayaa ah arin lama huraan ah si looga
hortago faafida cudurkan, weelasha iyo
qalabka wax lagu karsado oo si
wanaagsan loo dhaqo..
f) Gacmaha oo lagu
dhaqdo saabuun markasta oo aad suuliga gasho ama ay gacma haagu taabtaan wax saxaro ah.
DAAWEYNTA IYOXANAANEYTA BUKAHA CUDURKA KOLEERAHA.
dhibanaha uu cudurkani kuu dhacaa waxa uu u baahan yahay in la la
gaaro daaweyn deg-deg ah, daaweynta
ugu haboona waa
1: Fuuq celin fuuq celin waa bukaha oo si deg deg loo siiyo cabitaano cusbo iyo
sonkor isugu jira (oral rehydration
salts (ORS)) ama lagu xiro faleebooyin
cusbo iyo sonkor isku jir ah si loogu soo celiyo macadanadii iyo cusbooyinkii kaga lumay shubanka iyo mataga.
2: Quudinta bukaha sadex ilaa afar saacadood fuuq celinta ka dib waa I n bukaha la siiyaa cuntooyinka fud- fudud ,
hadii uu bukuhu yahay ilma yar oo
naaska nuugayey waa in naaska la siiyaa .
3: Qaadashada antibaayootiga (antibiotic treatment)
qaadashada antibaayootigu waxay
hoos u dhigtaa xadiga iyo muddada uu shubanku socon lahaa , inta
badana waxaa haboon in bukaha la siiyo
antibiyootiga seddex ilaa afar
saacadood fuuq celinta ka dib oo ah marka uu matagu istaago, antibiyootiga ugu haboon ee ay haboon tahay in la
siiyaa bukaha cudurka koleeraha
qabaa hadii uu yahay qof weyn waa
DOXYCYCLINE waxaana ku filan hal kuuro oo keliya,
hadiise uu yahay ilmo yar waxaa haboon
in la siiyo TRIMETHOPRIM- SULFAMETHOXAZOLE daawadan oo
inta badan u diyaarsan kiniini ahaan
ama dareere ahaan oo loo gu tala galay
caruurta. Si kastaba xaalku ha
ahaadee cudurka koleeraha faafidiisa waxaa ugu haboon oo lagu xamakameyn karaa waa wacyi gelin mujtamaca lagu wacyi geliyo in ay
dhawraan Nadaafada iyo faya dhorka
deegaanka, caruurtana laguna tababaro in aysan cunin cunto
feydan oo suuq yada taala,
sida cuntooyin ka lagu iibiyo
iskoolada iridahooda hadii aysan aheyn mid nadiif ah oo daboolan, arinta labaad ee xusida mudan meela badan oo soomaaliya ka mid ah aan ku aragnay waa ceelasha biyaha laga cabo ama berkadaha biya lagu shubto oo laga ag qodo ama laga ag dhiso
boosa neerooyinka (bulaacadaha) ayaa ah mid iyana qatarteeda leh waayo
siimowga (diffusion) bulaacadaha
iyo biyaha la cabaa waxa ay keeni
karaan in jeermis badani ku dhasho biyihii la cabi lahaa (contamination) kaas oo sababa
cuduro badan oo khatar ah.
Sidaasi awgeed dhibaatooyinka cudurka koleeraha ayaa ah mid aad ugu badan dalkeena soomaaliya sidaa awgeed waxaan ugu tala galney dadkeena somalia jooga iney si guud iyo si gaaraba uga faa iideystaan maadaama haatan lagu jiro xilliyadii roobabka dalka ka da i jireen oo ah xilliyada ugu badan ee cudurkaani ka dillaaco dalkeena.
Sidoo kale asxaabta iyaguna jooga dalka dibadiisa ayaguna waxey u tahay faa iido iney wax ka ogaadaan cudurkaan dilaaga ah. Haddaba haddii aad leedahay xanuuno ama ay kula darsaan xaalado caafimaad xumo ama ay heysato dhibaato caafimaad qof ka mida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kaa caawin doonta inshaa allaah dhamaan xaaladaha caafimaad xumo ee ku la soo darista na la soo xiriirsi aan kuu caawinno inshaa allaah mahad sanidiin.