TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Wednesday 22 February 2012

Waa maxay vitamins yada jirkeenu u baahan yahay

Jawaab ta su aashan waa ay iska
fududahay, oo waxaa waaye
Dhamaantood ayaan u baahannahay.
maxaa yeelay mid kasta oo kamid ah
qeybaha kala gadisan ee aay Vitamins-ka
leeyihiin wuxuu wax tar weyn u leeyahay qeybaha jirka, marka eey
jirkeena ka maqan yihiin vitamis-ka
waxaan dareemaynaa xaalado aan aheyn
xaaladihii caafimaad qabka ahaa ee aan
ku sugnaan jirney ee caadiga aheyd sida
1:anagoo dareena caajis fara badan 2: fir fircooni la’aan
3: jirka oo ku noqda sidii wax ku ja jaban
oo kale.
Xaaladaa cudurka ah ee aan kor ku soo
xusnay kana dhalatay Vitamin la’aanta
ayaa waxaa loo yaqaanaa “Deficiency Diseases”
VITAMINS YADU MAXEEY YIHIIN?
INTEENA KA HELI KARNAA?
Xaqiiq dii vitamins yadu waa sheeyo ama
wax yaabo jirka aad ugu baahan yahay,
uuna shaqeyn Karin la’aantooda si jirka uu u qabto Shaqooyin iyo wax yaabo kala
duwan oo asaasi ah. Meelaha aynu ka heli
karnana waa
cuntada aynu cunno. Hadaba cuntooyin
Aan ka dhex heli karno vitamins-kaa
muhiimka ah, ayaa waxaa loo kala qeey biyaa afar qeybood oo kala aha sidan soo
socota:
1)KOOXDA Qudaarta (The Fruit and
Vegetable group)
qeybtan ayaa waxaa soo hoos
galaya dhamaan wixii qudaar ah ama faakihaad ah ee bini aadamka cuno
wax tarkana u leh sida
A: Karootada
B: Ansalaatada
C: Bagalka
D: Barbarooniga E: Liimo banbeelmada
F: liimo Dhanaanta
G: Yaanyada
H: Tufaaxa
I: Cinabka
J: Mooska K: Cambaha
2) KOOXDA Miraha(The Cereal
group):kooxdan ayaa iyana waxaa ka mid
ah miraha Aynu beerano sida:
A: Galleeyda
taa soo Aynu ka sameeysano soorta ,iyo wixii lamidka ah
B: Masagada oo iyadana aan kuba
baanino qofka markuu jabo,ama lagu
umul bixiyo dumarka Soomaaliyeed
marka ay dhalaan, anfaca ay ledahay
darted. 3) KOOXDA Hilibka(The Meat
group):kooxdan ayaa waxaa hoos
imaanaya hilibka xalaasha ah ee ALLAAH
u baneeyey umadiisa, sida
A: hilibka doorada
B: kalluunka C: Hilibka Geela
D: Hilibka lo’da,
E: iyo Hilbaha ariga iyo Idahaba, iyo
dhamaan guud ahaan intii hilib leh ee
Bad iyo barigaba joogta ee ALLAAH
xaalaal ka dhigey. Waxaana meeshan soo galaya Digirta oo
la raac siiyey qeybta hilibka.
Dhinaca kale hilibka aan xalaasha aheyn
ma soo gali karo sida kan Doofaarka oo
kale ama hilibka baqtiga maxaa yeelay
ALLAAH waxa uu xaaraan ka dhigay waa wax dhib noo ah wax faa’iida ahna aysan
inoogu jirin.Dhaqaatiirta reer Galbeedka
dib ayeey ka ogaadeen in uu cuduro fara
badan keeno cunitaanka Hilibka
Doofaarka.
4)KOOXDA Caanaha(The Milk group):Kooxdan ayaa iyaduna waxaa
hoos imaanaya caanaha xoolaha sida:
A: caanaha Geela
B: caanaha Lo’da
C: caanaha Ariga iyo Idaha
marka ay fareesh ka yihiin iyo marka ay gasa cadeey san yihiin ba . Marka qofka
jirkiisa kama maarmayo in uu helo cunto
isku dheeli tiran si uu u helo taasna
waxaa lagama maar maan ah in uu qeyb
ka cuno koox kasta oo kamid ah kooxaha
aan kor ku soo xusnay. Sidoo kale Qubarada cilmiga Nafaqada ee loo
yaqaano
(Nutritionists) ayaa ayaguna hoosta ka
xariiqaya arintan. Cudurada ugu
qatarsan ee kadhasha qofka oo aan helin
cunto isu dheeli tiran ,ayaa waxaa ka mid ah Nafaqo darada ama (Malnutrition).
NOOCYADA VITAMINS YADA IYO MID
KASTA WAXA UU INOO QABTO.
Vitamin A: aan ku bilaaba ee wuxuu
muhiim u yahay wax yaabo Farabadan
sida: koriimada qofka , araga qofka, in qofku yeesho maqaar caafimaad qaba,
waxaa kale uu aad ugu fiican yahay
daboolo fara badan oo jirka gudihiisa ku
yaala. Meelaha aynu ka helno Vitamin-
kan'muhiim ka ah waxaa ka mid
ah:Caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo,Ukunta, Qudaarta iyo
faakihaadka.
Vitamin B: Vitamin-kan waxa uu inagu
caawiyaa in tamar ama “Energy” laga
helo cuntada si loogu koro, waxaa kale uu
inagu caawiyaa in maqaarka iyo Nerves keena ay noqdaan kuwo caafimaad
qaba . Waxa aynu ka heli karnaa :Miraha
sida: Galleyda, Masagada sidoo kale
Caanaha, Qudaarta, Digirta, Lafta miraha
ku dhex jirta ama Beerka miraha ,iyo
Hilibka Lo’da. Vitamin C: Vitamin kanna waxaa uu ina
siiyaa difaac aan kaga hortagno
qaboowga, waxaa kale uu asaasi u yahay
in qofku helo Ilko caafimaad qaba, Cirrid
caafimaad qaba, waxaa kale ee uu u roon
yahay yahay Xididada dhiiga. Waxaana ka heli karnaa :Qudaarta
fareeshka ah iyo faaki hada.
Vitamin D: vitamin kanna waxaa uu inaga
difaacaa cudurka loo yaqaano lafa
duqoowga ama “Rickets” kaa soo ah in
qofka lafahiisa noqdaan kuwo aan wax tabar ah laheyn, oo qal qalooc
sama.badanaana ilmaha aan marka ay
yar yihiin aan helin aan loo soo ban dhigin
qoraxda waliba in ku fillan lugaha
iyo gacmaha ayaa qal qaloocda waxaa na
uu yeeshaa wax yaabaha Soomaalida ay u taqaan Kala jeedada, hon god
yada.waloow ayna jiraan kuwo dhaxal ku
yimaada . Isha ugu muhiimsan ee laga
helo vitamin kan ayaa ah
Qoraxda.Vitamin D-ga waxaa ka loo lagu
diyaariyaa warshadaha daawooyin ka Kiimikada ah waxaana badanaa lagu
daraa caanaha aan cabno ee
gasacadeeysan.
Vitamin E: vitamin-kan ayaa isagana
waxa uu u fiican yahay Maqaarka waxaa
kale ee uu inagu caawiyaa Unug yada ama “Cells” jirkeena in eey koraan, iyo
bogsooshada dhaawac yada gaara
jirkeena.”Healing”
Vitamin K:
Vitamin kan oo ah mid ka aan ku soo
gaba gabeey nayo darsigeena ayaa isna waxa uu inaga caawiyaa in eey sameey
santo xinjiroowga dhiiga ama “ Blood
Clotting” taa soo ah mid aad muhiim u ah
maaxaa yeelay hadii jirku
dhaawacmo oo aysan samey smeeynin
waxa la yiraahdo xinjiroowga waxeey keenaysaa in qofka u dhiig baxo
dhaawac yar oo aad u fudud kadib
u dhinto.
GABA GABADII Si marka qofka uu u helo
Vitamins yada aan kor ku soo xusnay
waxaa aad u wanaagsan in qofku qaato ama cuno cunto isu dheeli tiran maalin
kasta , taa soo helitaan keedu ay ku
imaan karto in qofku wax ka cuno mid
kastoo ka mid ah afartii qeybood ee
cuntada kuwaa soo kor aynu ku soo
sheegnay. Sidoo kale waxaa jiraan sidaan kor ku
soo xusnay cuduro badan oo ka dhasha
vitamins la aanta Haddaba haddii ay
jiraan dhibaatooyin iyo xanuuno kula soo
darsay ha noqdaan xanuunadaasi kuwo
adag ama kuwo culus ama xanuunadaasi ay hayaan qaar kamida ehelkaada iyo
asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisay dhamaan daawo
daryeel caafimaad talo iyo tusaaleyn
caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Sunday 19 February 2012

Waa maxay cudurka fibromyalgia

Fibromyalgia waa cudurka sababa lafa xanuunka ugu caansan marka laga reebo riixa loo yaqaano (Osteoarthritis)
Badanaa xanuunkaan waxaa lagu
qaldaa xanuunnada kala ah riixa,
roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale. Fibromyalgia waa xanuun raaga wuxuuna keenaa.
1: xanuun joogta ah
2: tig tig naan
3: danqasho murqaha, seedaha iyo kala-goysyada.
Fibromyalgia waxay ka koobantahay laba eray oo kala ah:
1: Fiber: oo ah Liif
2: Myalgia: oo ah Murqo xanuun.
Waxaa kaloo cudurkaan la socon karaan
xaaladahaan soo socda.
1: daganaansho la'aan
2: daal
3: tabar darri
4: wel wel
5: walaac
6: iyo socodka caloosha oo isbadasha (saxaro adeeg ama shuban)
Waxa sababa ama keeno cudurkaan ilaa iyo hadda lama garanayo.
Fibromyalgia waxuu kaga duwan yahay
cudurrada kale ee lafaha iyo murqaha ku
dhaca ma keeno wax dhaawac ama
burbur lafo ama bur bur ku dhaca muruqaha maxaa yeelay ma
wato cudurkaan wax calaamad caabuq
ama belbel hurgun ka baxsan xanuunkaas. Tusaale ahaan: cudurka roomaatiisamka wuxuu keenaa lafo qallooc sida gacmaha iyo faraha oo kale. Cudurka fibromyalgia wuxuu u badan
yahay haweenka in ka badan 80%
wuxuu ku dhacaa dumarka u dhaxeysa
da'dooda 35 ilaa 55 sano.
cudurka kuma badno caruurta yar yar iyo
dadka da'da ah. Calaamadaha lagu garto cudurka Fibromyalgia waxaa ugu horeeya
xanuun oo ah mid ay kicin karaan wax yaabahan soo socda.
1: qeylada
2: isbadallada cimillada iyo
3: laab lakaca.
Xanuunku wuxuu ku faafaa jirka oo dhan
waxaana xanuunka badan kiisa laga dareemaa xubnaha qaarkood sida.
1: qoorta
2: barida,
3: garbaha
4: gacmaha,
5:dhabarka
6: iyo xabadka.
calaamada kale ee aad isku arkeyso waxaa kamida.
1: daal
2: tabar darri taa soo lagu arko 90% dadka qaba cudurkaan.
3: madax xanuun
4: calool-xanuun
5: kaadi heysta oo xanuunta ayaa la socon karta.
Sidee takhaatiirta ku gartaan cudurkaan?
Cudurkaan malaha baari taano dhiig
ama mid raaja ba taa soo lagu fahmi karo cudurkaan laakiin baaritaanna daas waxay meesha ka saarayaan cudurrada kale oo lagu qaldi karo cudurkaan, sidaas ayaana lagu sheegi karaa. Waxaa cudurkaan lagu gartaa kaliya cabashada bukaaanka iyo baaritaan muuqaalka ah oo dhaqtarku sameeyo (physical examination) daaweynta cudur kaan waxay ku xirantahay qofka waxa uu ka cabanayo maadaama cabashada bukaanka ay kala duwanaan karto iyo cabashooyin kaas laftir kooda oo aan xiriir lahaan karin. waxaa se muhiim ah in qofka sameeyo wax yaabahan soo socda inta uu ka helaayo xal caafimaad oo waara inshaa allaah.
1: in wel welka uu yareeyo
2: in uu jimicsi sameeyo iyo
3: in uu si rasmi ah isaga daaweeyo cudurkaan waxaana xusid mudan in agbi ahaan ba aysan jirin daawo chemicals ah oo si rasmi ah u daaweynaysa cudur kaan balse daawo rasmi ah oo cudur kaan bogsiineysa bi idni llaah waxaa laga helayaa daawooyin ka dhirta ah ee dabiiciga ah. Waa muhiim in bukaanka laga wacyi
galiyo cudurkaan si uu u fahmo waxa uu
ka cabanayo inay yihiin calaamado kala
duwan laakiin hal cudur isku ah. Daraasadii ugu dambeysay ee lagu ogaanayo sababta keenta cudurkaan waxa ay sheegtay in maskaxda meel ku taalla loona yaqaanno (Insula) in ay ka dambeyso xanuun kaan fibromyalgia.
Haddaba haddii aad ka cabaneyso ama uu ku hayo xanuun lafaha murqaha seedaha kal goys yada aad na isku aragto wax kamida caalamadaha cudurkaan ama uu jiro guud ahaan xanuun iyo cudur kula darsay noloshaadiina wax badan ka bedelay ama xanuunadaasi ay hayaan qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad intaba waxaa diyaar kuula ah dhaqaatiirta website kan inshaa allaah mahad sanidiin.

Saturday 18 February 2012

Cudurka neefta

Neeftu waan cudur saameeya neef
mareenka hawada (Airways) oo ah
dhuumanka sanbabada geeya hawada
kana soo qaada. neef mareenka hawada
ayaa barara ama ba mararka qarkood
waxaa xira xab (Mucus) oo markaa hawadii ayaa qofka ku noqotaa cariiri
taasoo sababta dareen neef yaraan oo ay
markaas kugu adkaato in aad si caadi ah
u neefsato.
Sideen ku ogaan karaa in aan neef qabo?
Haddii aad neef qabto waxaad isku arkaysaa:
1: Qufac, gaar ahaan habeenkii iyo
markaad jimicsi sameyso kadib (After
exercise)
2: Xabadka oo aad ka dareento
cabursanaan (Chest Tightness) 3: Neef tuur ama neefta oo kugu yaraata
xitaa adiga oo aan sameynin wax jimicsi
ah (Shortness of breath).
4: Marka aad neefsanayso ama aad
neefta tuurayso (breath in and out) waxa
aad lahaa neysaa dhawaaq xiiq ah (Wheezing).
Maxaa keena Neefta?
Waa adag tahay in si hubaal ah loo
yiraahdo waxaa saa sababa ama keena,
cudurka neefta laakiin inta la ogsoon
yahay wax yaabaha keena waxaa ka mida:
1: Haddii waalidiin taa ay qabeen neefta,
aleerjiyada ama cuncun ka, adigana waxa
ay u badan tahay in cudurkan neeftu kugu
dhaco.
2: Nolosha ama sida aad u nooshahay tusaale ahaan guriga ama hoyga aad
degan tahay, raashinka aad cunto iyo
deegaanka aad ku nooshahay
(Environment) sida uu nadiif u yahay
waxaa soo dhan saameyn weyn bay ku
leeyihiin in uu kugu dhaco cudurkan neefta.
3: Carruurta waalidkood sigaarka ama
shiishada / beebka caba halis bay u yihiin
in ay neefta ku dhacdo Waxaa ka loo
baaritaan lagu caddeeyay in hooyada
sigaarka cabta inta ay uurka leedahay in cunugeeda qatar ugu jiro in uu qaado
cudurka neefta noloshiisha dambe.
4: Hawada wasaqeysan (Environmental
pollution) sidoo kale ayadana qeyb bay ka
qaada taa keenidda cudurkan neefta.
Maxaad sameynaysaa haddii ay kugu dhacdo neefta weerarka ah (Ashma
attack) ama neef kugu soo boodo.
1: Qaado daawa daada dhuuqidda ah
(Inhaler) sida saxda ah ee laguugu soo
qoray
2: Fadhiiso oo ha jiifan (do not lie down) iskana bixi ama iska dabci dharka kugu
dhegan (Tight clothing). Haddii aadan isla
markiiba wax roonaana iska dareemin
ilaa shan daqiiqo, halkii daqiiqaba hal
mar isticmaal daawadaada ilaa inta aad
ka soo fiicnaaneyso. Haddii shantaas daqiiqo aad ku fiicnaan weyso waa inaad
si deg deg ah u raadi saa xal daaweyn ah
oo rasmi ah siina wad daawadaada
daqiiqadiiba inta aad ka helayso
daaweyn rasmi ah.
Maxaad sameynaysaa haddii aad joogto meel miyi ama tuulo ah oo aad aragto qof
neeftii ay ku soo booday (asthma
attack) oo aanan haysan wax
daawada dhuuqidda ah (Inhalers) ?.
Xalka ugu haboon waa adigoo hela wax
uu ku neefsado qofka sida (paper bag) warqad godan oo sida kuwa wax lagu
qaato oo kale ah ama wixii la mid ah.
Isku day in aad qalbiga u dajisid inta uu
ka helaayo daaweyn rasmi ah amaba aad
ka geeyneysid meel uu ka heli karo
gargaar degdeg ah. Cudurka neefta sidoo kale waxaa jiraan
asbaabo kale oo haddii qofka ay soo food
saaraan ku dhici karto neefta waxaana
ka mida.
1: nuqsaan iyo hoos u dhac ku yimaada
qaar kamida fitamiinada jirka (vitamins) gaar ahaan vitamin nada A iyo C
baaritaano la sameeyay ayaa lagu
xaqiijiyay in asbaabaha keena cudurka
neefta ay hormuud ka yihiin hoos u dhaca
vitamin nadan muhiim ka ah.
2: sidoo kale asbaabaha sababi kara cudurka neefta waxaa kamida in qofka
ku sumoobo sida in uu ku sumoobo
raashin ama qaar kamida daawooyin ka
qaar oo uu qofka kala kulmo xasaasiyad
aad u daran.
3: wax yaabaha sidoo kale sababa cudurka neefta waxaa kamida in qofka
taabtaan ama jirkiisa galaan
shayaadiinta ama jinka taa soo marar ka
qaar sababi karta in qofka ay ku
sameeyaan xaalado ay kamid tahay
hawada oo qofka si fiican u qaadan waayo sidoo kale wax yaabaha sababa
waxaa kamida cudurada qaar kood oo
qofka ku raaga ama uusan iska
daaweynin cudurada sababi kara neefta
waxaa kamida cudurka baabasiirka
cudurada sababa in difaaca jirka ee qofka hoos u dhac ku yimaado ayaa
iyaguna noqon kara waddo qofka u
sahasha in ay ku dhacdo cudurka neefta.
Haddaba haddii aad leedahay neef
noocay doonto ha ahaatee dhibaatooyin
badan aad kala kulan tay la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo
rasmi ah kaana bogsiisa cudurka neefta
bi idni llaah si aad u hesho talo iyo tusaaleyn caawimaad buuxda inshaa
allaah mahad sanidiin.

Tuesday 14 February 2012

Dhaawac yada qaar ee ku dhaca maskaxda

Lafaha qal foof ka madaxa waa kuwo adag si ay u ilaaliyaan maskaxda. Marka madaxa laguu gu dhufto ama xoog madaxa laguu gu dhufto maskaxda dhaawac ayaa gaara.
marka ay maskaxda ku dhaqaaqdo xawaare ka duwan kan qal foof ka Maskaxda ama qayb maskaxda ka mid ah jug ayaa gaari karta, way kala
jiidmi kartaa ama kala dillaaci kartaa si
uu dhiig uga yimaado.
Qofka waxaa laga yaabaa iney soo gaaraan hal nooc ama noocyo badan oo
dhaawac maskax ah. Ka soo kabashada dhaawaca maskaxdu wuxuu qaadan karaa waqti dheer. Waxyeellada Dareemayaasha Marka ay maskaxdu gadaal iyo horey ugu dhacdo qal foof ka, dareemayaasha maskaxda ayaa kala jiidma ama kala dillaaca. waxaana laga yaabaa in tilmaan lagaa siiyo dhaawac fudud, mid dhexe ama mid daran oo maskaxda soo gaaray.
Calaamadaha waxyeellada dareemayaasha waxaa ka mid ah.
1: miyir beelid, loo yaqaanno kooma,
2: dhaq dhaqaaqid aan caadi ahayn oo gacmaha iyo lugaha ah.
3: cadaadiska dhiigga oo sare u kaca.
4: qandho.
5: Ogsijiin La’aan ama ogsijiin la’aan dhammaan maskaxda ah ama qaybo
ka mid ah maskaxda waxaana loo
yaqaannaa anoksiya (anoxia).
6: Dhaawac ku yimaada socodka dhiigga maskaxda kaasoo yareeya ogsijiintu wuxuu waxyeello u keeni karaa maskaxda. Tan waxaa ka mid ah
A: wadne qabad,
B: hawlgab maskax (faalig),
C: isku dhexyaacid ama dhaawac ka yimaada dhiig la’aan.
Waxaa kale oo dhici karaan dhibaatooyin kale sida xusuus beelid, dabeecadda qofka oo isbedesha, dhibaato hadalka ah,
Marka la qabo anoksiya (anoxia) daran, kooma waqti dheer ama dhimasho maskax ayaa laga yaabaa iney qofka ku dhacdo. JUGTA.
Jugta ama dhaawac jug waxay dhici
karaan marka madaxa wax lagu dhufto
isla markaana maskaxdu ay gadaal ama
horey ugu dhacdo qalfoofka. Dhiig
maskaxda gudaha kaga shubma ama dillaac qal foof ayaa laga yaabaa inuu dhaco. Jugtu waxay keeni kartaa
1: barar,
2: kooma,
3: suuxdin,
4: waxyeello maskax ama cadaadis
sarreeya oo ka dhex dhaca qalfoofka.
HEMATOMA
Hematoma waa mug ama kuus dhiig ah.
Waxaa jira 3 nooc oo hematomas yo ah
iyagoo ku saleysan mugga dhiigga.
1: Dhiigga ku uruura lakab ka sare (Epidural hematoma) waa lakab ka sare ee maskaxda ee u dhexeeya maskaxda iyo qal foof ka.
2: Dhiigga ku uruura lakab ka dhexe
(Subdural hematoma) waa lakab ka dhexe ee maskaxda.
3: Dhiigga ku uruura qaybta gudaha
( Intracerebral hematoma) waa qeybta
gudaha ee maskaxda.
Hematomas yadu waxay keeni karaan
barar maskax, cadaadis sarreeya oo ka
dhex dhaca qalfoofka, ama kooma. dhaqaatiirta ayaa badanaa xaalada haan oo kale waxa ay adeeg sadaan Qalliin si meesha looga saaro hematomada. Tan waxay ku xiran tahay meesha ay hematomadu ku taallo iyo iney sii ballaaranayso ama dhibaatooyin
keeneyso iyo in kale. Hematomada waxaa laga yaabaa ineysan keenin saameyn sii jirta muddo badan , laakiin dhaawac yada kale ee maskaxda ayaa laga yaabaa iney isku mar dhacaan hematomada. Dhiig Gudaha ugu shubma maskaxdu waa dhiiga maskaxda gudaha uga furma. Dhiig baxu wuxuu ku imaan karaa 3 meelood oo maskaxda ka mida 1: Maskaxda duleedkeeda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda duleedkeeda (subarachnoid hemorrhage).
2: dhiiga baxa Nudaha maskaxda ama marinnada maskaxda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda gudeheeda (intraventricular hemorrhage).
3: dhiig baxa Gudaha maskaxda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda
gudeheeda (intracerebral hemorrhage).
Dhaawac yada gaara maskaxda waa badan yihiin mana aha kuwo halkaan lagu soo koobi karo sidoo kale dhaawac yada maskaxda ma keenaan oo kaliya xaaladaha ka yimid dhaawac yada toos ka ah sida jugta soo gaarta maskaxda marka madaxa si xoogani wax ugu dhacaan sidoo kalena waxaa jirta cudurro badan oo iyaguna keeni kara dhaawac iyo bukoosho soo gaarta maskaxda qeybaheeda kala duwan.
Cuduradaasi waxaa kamida tusaale
1: guud ahaan infection saameeya maskaxda
2: burooyin ka soo dhasha maskaxda.
3: cudurada sonkorta iyo dhiig karka
4: tb da ku dhacda maskaxda
5: cudurka baabasiirka
iyo cuduro badan oo si gaara maskaxda ugu dhaca iyo kuwo kale oo iyaguna jirka banii aadam ka oo dhan kuwada dhaca. Cuduradani ma aha iney si toos u geysanayaan dhaawac maskaxeed balse si dadban oo laga yaabo iney tahay tartiib tartiib ayey maskaxda u dhaawici karaan iyagoona ku fidinaya maskaxda caabuq iyo hurgun ama kala xirayo qeybo muhiim isu ah oo wada shaqeyni ka dhaxeyso sida burooyin ka ku dhaca maskaxda arrimahaan iyo kuwo kale oo badan waxay sababi karaan dhaawac iyo bukasho maskaxeed oo joogto noqon kara haddii aan si rasmi ah loo daaweynin.
Si kasta ba ha ahaatee haddii aad leedahay dhaawac yo maskaxeed jug ama dhibaato cudur kuu geystay ama uu jiro xanuun iyo cudur guud ahaan noloshaada saameeyay la soo xiriiir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
Dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah
La soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah si aad u hesho talo iyo tusaaleyn si aad u hesho caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Wednesday 8 February 2012

Waa maxay qallooca minka dumarka

haweenka Minkooda ama rixim kooda 80% ama 85% wuxuu u jan jeeraa xaga hore dhanka caloosha waxaana loo yaqaanaa (Antiverted) Minka ama riximk Qalooca waxaa laga wadaa marka uu Minka ama riximka u jan jeero xaga dhabarka waxaana loo yaqaanaa
(Retroverted)
waxaana Minka noocaan ah qaba 15%
ama 20% oo haweenka ah. Sababaha keena Minka Qalooca , Badanaa waa ku dhalasho Waxaa dhici karta mararka qaarkood in ay keento dhalmada badan , gaar ahaan hadii ay jirto fool dheer taas oo keeni karto in ay dabcaan xargaha celiyo Minka. Kansarada Minka ku dhaca qaarkood waa keeni karaan Minka ama rixim ka oo Qaloocma. Jirooyinka qaarkood ayaa keeni karaan Minka ama rixim ka dumarka oo qaloocma. jirrooyin kaasi waxaa ka mida. 1: Endometriosis) taasoo keeni karto xargaha Minka ama rixim ka dumarka iney adkaadaan markii darbiyada Minka ama riximka iyo xiidmaha oo kale ay isku dhagaan.
2: cudurka baabasiirka ayaa isaguna ah cudur sababa inuu qalloocmo minka ama riximka dumarka
3: qaliinada iyo operation nada lagu sameeyo gudaha minka ama riximka dumar ka ayaa iyaduna sabab kale oo keeni karto in minka dumarka qaloocmo.
4: jimicsiga xad dhaaf ka ee dumar ka qaarkood sameeyaan ayaa iyaduna noqon karta sabab ah in minka qaloocmo.
Dhibatooyinka ka imaan karo Hadii aysan jirin dhib la taaban karo
sida kuwa kor kuxusan qasab ma aha in la daaweeyo dumarka qaar ayaa lahaan kara cilladaan oo kale iyadoon wax dhibaata ah kala kulmin.
Laakiin hadii ay jirto dhib la taaban karo
sida ilmaha oo hooyada kasoo dhacaan
ama uur yeelashada oo soo daahdo ama dhibaatooyin la xiriira xagga caadada sida xanuun xad dhaaf ah ee caado ama dhiiga caadada oo noqda mid xad dhaaf ah markaa wuxuu u baahan yahay daaweyn rasmi ah.
DIGNIIN.
qallooca minka ee inta badan dumarka soomaalida iyo dumarka farsamada wax ku daaweeya ay sheegaan ma aha qalllooca minka ee saxda ah qallooca minka haddii uu ku yimid qaab cudur ama qaab farsamo xumo inta badan waxaa la socdaan dhibaatooyin caafimaad sida kuwa aan kor ku soo xusnay haddii se qallooca minka ka yimid qaab ah ku dhalasho tani inta badan ma keento dhibaatooyin waaweyn waxaase naga xusuusin ah qallooca minka ama riximka kaliya waxaa ogaan kara dhaqtar baaritaan qoto dheer sameeyay mana aha xaalad cid walba si sahlan ku ogaan karto sidoo kale waxaan naga xusuusin ah in ay jiraan cuduro badan oo ku dhaca dumarka isla markaana keeni kara dhibaatooyinka ka dhasha minka oo qalloocma sidoo kalena iska waafaqi kara calaamadaha iyo astaamaha.
Si kasta ba ha ahaatee haddii aad leedahay xanuuno la xiriira xagga xubnaha taran ka sida dhalmada oo daahdo ama dhalmada oo la waayo ama hakad ku yimaado dhalma daada iyo guud ahaan caqabadaha la xiriira xagga taranka rag iyo dumar ba ama uu ku hayo xanuun iyo cudur guud ahaan noloshaada kala dhantaalay si fudud la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah caawimaad talo iyo tusaaleyn inshaa allaah mahad sanidiin.

Wednesday 1 February 2012

Qaar kamida xanuunada indhaha ku dhaca

waxaan halkaan ku qeexaynaa qaar
kamida xanuunada iyo cudurada ku dhaca
indhaha inshaa allaah. Gulukooma waa
cudur indhaha ku dhaca
oo keeni kara indho-la’aan ama lumis
arag. Marka uu kugu dhaco gulukooma, dheecaan ayaa buuxsama isha, taa soo
cadaadis saarta xagga dambe ee isha.
Cadaadis kaasi waxa uu dhaawac u
geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve)
waxana uu sababaa lumis aragga ah.
Badanaa marka hore waxaa wax yeelo soo gaartaa aragga dhinacyada, taa soo
ay ku xigto aragga xagga hore. Noocyada
Gulukooma Laba nooc ee ugu weyn
gulukooma waa:
1: Gulukooma xagal furan (open-angle
glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka
gaarayso heer fog. Si tartiib ah
ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa
dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib.
Taasi waxay saameysaa labada
indhood ba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid
hal il kaliya.
2: Gulukooma xagal xiran (angle-closure
glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo
si dhakhso ah sare ugu kaca iyo
calaamado si dhakhso ah u yimaada. Lumid aragga oo joogto ah ayaa ku dhici
karta qofka maalin gudaheed.
sidaa daraadeed waxaa muhiim ah inaad
hesho dawweyn deg deg ah . Xaaladaha
Halista ah.
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii uu jiro.
1: qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba
gulukooma.
2: cudurka sonkor ama sonkorow ama
kaadi macaan haddii uu kugu dhacay,
3: cudurka dhiig-karka haddii uu kugu dhaco ama cadaadis ka dhiigaagu uu
noqdo mid sareeya,
4: haddii aad qabto cudurada wadnaha 5:
ama shaqo yari ku timaada qanjirka
qoorta (hypothyroidism)
6: Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, 7: haddii laguugu sameeyay qalitaanada
indhaha qaarkood
8: haddii aad qabto barar indho oo mudo
dheer jiray
Haddii aad Qaadanaysay (steroids) muddo
dheer 9: haddii da’daada ka weyn tahay 60
sano.
Calaamadaha Gulukoomada waxa laga
yaabaa in ay san yeelan wax calaamado
ah ilaa ay ka imaanayso lumidda aragga
Calaamadaha kale ee cudurkaan aad ku arki kartid waxa ka mid ah:
1: Aragtida oo isku darsanta
2: iftiin ku wareegsan wax iftiimaya
(Halos)
3: Lumidda aragga dhinacyada
(peripheral vision) ka 4: Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision)
5: Indhaha oo casaada qofka
6: Xanuun indhaha ah oo daran
7: Lallabo iyo matag
LUMISTA ARAGA (VISION LOSS)
Calaamadaha ugu tirada badan ee lagu yaqaano lumista aragga waa aragga oo si
joogto ah u yaraada, iyadoo waxyaaba ha
fog ka la garasha doodu dhib sii
noqoto. Hase yeeshee, waxa jiri karaan
calaamado kala duwan oo ay leedahay
lumidda araggu oo aan ahayn yaraanta aragga. Tusaale ahaan:
1: Guluukoomada (glaucoma)
wax yeela deedu hooseyso waxay keeni
kartaa xanuun aan badnayn, arag
ceeryaamo ku jirto iyo wareegyo ama
goobo leh midabka qaanso roobaadka oo lagu arko dhinac yada wixii iftiin leh. 2:
Bur bur goobeed (macular degeneration)
ayaa keeni kara arag khaldan;
xariijimaha toosan waxa la moodaa inay
qaloocaan isla markaana ashyaada waxa
la moodaa inay ka weyn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin.
3:Caadka indhaha fuula (cataracts) waxa
uu keeni karaa aragti isku darsan,
midabada oo aad moodid in ay khafiifeen
iyo iftiinka xoogga leh oo bir birqa.
4: Ciladda isha qalalani waxay keentaa gubasho, iyo dareen xajiin ah oo indhaha
laga dareemo.
5: Sonkorta xuubka dambe ee ishu
(diabetic retinopathy) waxay keentaa
aragga oo laba noqda iyo arag meel ku-
duwidda oo dhib noqota. Calaamadaha lumista araggu waxay si
weyn ugu xiran yahay sababta keentay.
In aragtida lunto.
Xaaladaha qaarkood waxay si degdeg ah
u keeni karaan lumid arag, halka qaar
kalena ay si tartiib ah u keeni karaan burbur ku dhaca aragga.
DHIBAATOOYINKA ARAGGA ( EYE
PROBLEMS)
Ishu waxay ka sameysan tahay saddex
qaybood.
1: Qaybta cad iyo lensiska oo iftiinka ku duwa xagga hore ee isha,
2: Xuubka dambe (retina), oo ah xuub
iftiinka dareema oo ku yaalla xagga
dambe ee isha,
3: dareemeyaasha aragga (optic nerves),
oo ah tiro badan oo ah xarko isgaarsiin oo taga maskaxda.
Dad badan ayaa leh dhibaatooyin aragga
ah oo u baahan inay gashadaan
muraayadaha indhaha ama lensiska
indhaha (contact lenses). Saddex
dhibaato oo'ah aragga ahna kuwa ugu tirada badani waa:
1: Fogaan arag Magaca loo yaqaanana
fogaan aragga waa ‘hypermetropia’.
Dadka leh fogaan aragga waxa dhib ku
ah aragga waxyaabaha u dhaw. Sababta
taa keenaysaa waxa weeye kubbadda isha oo aad u gaaban, taasoo keenaysa in
falaaraha iftiinka ee ku wareegsan
ashyaada ay gaaran xagga dambe ee
xuubka dambe (retina) ka hor intaan
qaybta cad (cornea) iyo lensisku qaloocin
falaaraha iftiinka. Fogaan araggu waxa uu badanaa sii xumaadaa marka aad sii
gabowdid, waxa kale oo uu saameyn
karaa habka aad u aragtid ashyaada
fogfog. Dadka leh fogaan arag waxay
badanaa u baahan yihiin inay xirtaan
muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska
indhaha si ay wax u akhriyaan, u qoraan
una qabtaan hawlo faahfaahsan.
Dhawaan arag Magaca loo yaqaanana
dhawaan aragga waa ‘myopia’. Dadka
qaba dhawaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha ka fogfog sababta oo
ah kubbadda isha ayaa aad u dheer. Tani
waxaa looga jeedaa in qiyaasta ay isku
jiraan qeybta kore ee isha iyo xubka
danbe (retina) ayaa kala dheer. Markii
aan shey fiirino, iftiinka wuxuu soo maraa isha wuxuuna gaaraa xubka
danbe. Haddii qeybta hore e isha aad uga
fog yahay xubka danbe iftiinka wuxuu
istaagaa qeybta hore e xubka danbe intii
uu xubka danbe gabigiisaba iftiimi lahaa,
taas oo dhibaateeynaaya in waxyaabaha fog fog si fiican loo arko. Dadka qaba
dhawaan aragga waxay
badanaa u baahan yihiin inay xirtaan
muraayado sixid arag sida muraayadaha
indhaha ama lensiska indhaha si ay
baabuur u wadaan una qabtaan hawlaha shaqo ku leh eegista waxyaabaha fogfog.
Dhawaan aragga waxa marmarka
qaarkood lagu daweeyaa qalitaan laysar.
Cawarnaanta Cawarnaantu (astigmatism)
waa marka
isha qaybta cadi aanay si siman u sameysnayn, taasoo keenaysa in iftiinku
ku kulmo qaybaha qaarkood ee shay,
laakiin aanuu dhamaan shayga ku
kulmin. Dadka aan wax dhib ah aragga ka
qabin qaybta cad ee ishoodu waxay
leedahay qaab ah kubbadda koleyga, halka dadka qaba cawarnaan uu qaabka
isha qabteeda cadi ay leedahay qaab ah
kubbadda rugbida dhibaato arag qabaan.
Dadka qaba cawarnaanta waxay caadi
ahaan u baahan yihiin inay xirtaan
muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay u saxaan araggooda. Arag
wax ka qabid waxa loo isticmaalaa in
lagu tilmaamo dadka indho la’ ama bar
ahaan wax arka, ee loo lama jeedo dadka
qaba fogaan arag ama dhawaan arag.
Qofka aragga waxa ka qaba araggii ayaa wax ka lumay ama araggiisii ayaa
doorsoomay. Iyadoo ay ku xiran tahay
sida lumidda araggu u daran tahay, waxa
xaaladaha loo yaqaana ‘arag bar ah’ ama
indho la’aan. Arag bar ah Qof leh ama
arag si daran u hooseeya waxa uu leeyahay arag si daran u hooseeya laakiin
ma indho la’. Waxaa tan uu Ururka
Caafimaadka Adduun ku ku
qeexay (World Health Organisation) qofka
aan si cad u arki karin inta farood ee la
tusay ee u jira fogaan ah 6 mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha
indhaha ama lensis). Indho la’aan Qofka
indho li’i waxa uu qabaa lumid arag oo
aad u daran mana awoodi karo inuu si
cad u arko inta farood ee laga tusay
fogaan ah saddex mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha
ama lensis). Hase yeeshee, waxa laga
yaabaa inuu wali leeyahay xoogaa ah
arag.
Hadaba waxaa jiraan xanuuno iyo cudurro
badan oo ku dhaca indhaha khaas ahaan iyo kuwo kale oo kuwada dhaca indhaha
iyo guud ahaan jirka.
Cudurada iyo xanuunada qaarkood ee
indhaha ku dhaca waxaa sababa wax
yaabo badan oo ay kamid yihiin isha
sixirka jinka cudurada qaarkood sida sonkorowga dhiig karka cudurka
baabasiirka hoos u dhac ku yimaada qaar
kamida vitamins yada jirka cudurada
sababa hoos u dhaca nidaamka difaaca
jirka iyo asbaabo kale oo fara badan oo
ay kamid tahay isticmaalka mukhaada raadka sida qaadka aalkolada sigaarka.
Si kasta ha ahaatee haddii aad leedahay
dhibaatooyin la xiriira xanuunada
indhaha aragtida iyo guud ahaan
caafimaad kaaga xarunta taqasusiga ah
iyo dhaqaatiir teeda ayaa kuu diyaarisay daawooyin rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website
kan si aad u hesho daawo rasmi si aad u
ogaato wax yaabo badan oo caafimaad
ka ku saabsan si aad u hesho talo iyo
tusaaleyn la soo xiriir dhaqaatiirta inshaa allaah waad mahad santihiin.