TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Thursday 29 March 2012

Waa maxay schizophrenia

Schizophrenia waa jirro iyo cudur aad u
daran oo qofka ku keenta dheeli tirnaan
la’aan sida qofka uu u fakaro, sida qofka
dareen kiisa ama falal kiisa in ay ula
muuq daan si ka duwan sida caadiga ah.
Cudur kaan ayaa Qofka ku keenaya in uu kala kulmo dhibaato kala saaridda
dhabta iyo khiyaaliga.
Calaamada cudurkaan waxaa ka mid ah.
1: qofka oo maqla ama arka waxaan jirin.
2: qofka oo si joogta ah ugu maleeya in la
fiirsanayo ama la daba socdo, dabeecada hiisa horena dhamaan is bedelaan
isagoona qofka muujiya dabeecado aan
caadi ahayn.
Schizophrenia ma aha qof dhawr qof
isugu jira (multiple personality) sida dad
badan u haystaan sida aad ku aragto sawirka kore Sidoo kale ma aha
sida dad badan u haystaan oo ah inuu
qofka cudurkan qaba yahay qof gacan
qaad badan (violent) sida telefishinada
iyo aflaanta lagu muujiyo, runtii aad buu
ugu yar yahay arrinkaasi dadka jiradan qaba balse qofka qaba cudurkaan ayaa
maleeya iska dhaadhiciya ama isku arka
in uu isugu jiro dhowr qof. Cilmi-baara
yaasha cudurkan, waxay leeyihiin sida
cudurka kansarku uu u leeyahay qaybo
kala duwan ayaa jirada Schizophrenia u leedahay qaybo kala duwan, mana aha
hal jiro oo qura. Badanaa jiradani waxay
bilaabataa xilliyada uu qofku qaan
gaarayo, cilmi baaris ayaa tilmaantay in
ay dhaxaltooyo noqon karto qaadida
cudurkaan. Tusaale ahaan ilmaha waalid kiisa mid ka mid ah uu qabo jiradan,
waxay u badan tahay inuu 10%
cudurkaan qaado marka loo barbar dhigo
ilmo aysan labadiisa waalid midna qabin
jiradaan 1% oo kaliya la filayo inuu qaadi
karo cudurkaan. cilmi baaris cusub ayaa muujisay inay
jirada tahay dheelitir la’aan dhinaca qaab
dhismeedka maskaxda iyo unugyada
(biochemical) dhaq dhaqaaqa kiimikada.
Cilmi baara yaasha ayaa isku raacsan bii
’ada ama degaan ku inuu saamayn ku leeyahay qaadida cudurkaan.
Waxyaabaha cudurkaan lagu garanayo
waxaa ka mid ah:
1: delusion oo ah khiyaali aan sal lahayn
oo qofku rumeeyo.
2: hallucination oo ah maqlid ama arag wax aanan jirin, ama dareemid wax
aanan jirin sida gubasho, hab fakir aan
fiicneyn.
3: Waxaa iyana ka mid astaamaha
lagu garto qofka oo dadka ka dhexbaxa,
dadka qaarna ku sanifa, bilaa sabab fal ku kicid iyo xamaasad aan sabab cad
lahayn.
4. Waxaa kale oo lagu gartaa in astaama
hani ka muuqdaan qofka qaba cudurkaan
ugu yaraan laba asbuuc, iyadoona dadka
qaarkii ee cudurkaan ku dhaca na calaamadaha ka soo muuq daan muddo
lix bilood gudahooda.
Wax yaabaha ay wadaagaan dad badan
oo qaba cudurkaan waxaa ka mid ah:
1: Dhalanteed (wax la rumeysan yahay oo
dhabtii aan jirin) 2: Isku-sawirid (hallucinations) (dareenka
waxa dhacaya oo aan dhabtii jirin)
3: Fikrad aan habeysneyn oo ku saleysan
dhalanteed iyo isku-sawirid wax aan jirin.
4: Dhaqan aan caadi ahayn oo ka imanaya
sedexda xaaladood ee aan kor ku soo xusnay.
schizophrenia waxay badanaa ku
bilaaban taa si deg deg ah oo daran.
schizophrenia da daran, waxa ay noqon
kartaa cudur mudo dheer jira.
Tiro ku dhaw 90% dadka uu ku dhacay cudurkaan markii ugu horeysay ayaa ka
bogsoon doona marka laga daaweeyo
Laba qodob oo muhiim ah:
1: dad badan ayaa schizophrenia ku
khalda ruuxa “laba shakhsiyadood” leh
(split personality) ama “shakhsiyaad badani” ku jiraan. Hase yeeshee
schizophrenia waxaa loola jeedaa marka
ay jiraan faraq u dhexeeya fikirka iyo
dareenka, ee kuma saabsana shakhsi
yadda qofka.
2: Dadka qaba schizophrenia waa dhif in ay halis iyo qatar ku noqdaan dad ka kale
dadka cudurka qaba intooda badani waa
dad jilicsan oo iyagu isku kooban oo ay u
badan tahay in ay naftooda wax
yeeleeyaan halka ay dadka kale wax
yeelo u geysan lahaayeen. Dad badan ayaa sidoo kale u maleeya
schizophrenia in uu ka dhasho nooc
kamida nooc yada sixirka kaa soo qofka
ku keena astaamo iyo calaamado la mida
calaamadaha lagu arko qofka qaba
cudurkaan balse cudurkaan waa cudur jira mana keeno sixir iyo wax lamida waa
cudur ku dhaca maskaxda inshaa allaah
na waxaa noo soo socda asbaabaha
keena cudurkaan iyo macluumaad badan
oo ku saabsan inshaa allaah.
WAA SOCOTAA.

Wednesday 28 March 2012

Waa maxay helicobacter pylori

Helicobacter pylori: waa bacteria da
sababta caabuqa iyo infection ka ku dhaca caloosha iyo
boogaha gaas ka caloosha guda heeda ku sameys ma.
bacteria yadaan waa mida ugu badan ee
dad yowga caalam ka ku keenta boogaha gaasas ka ee caloosha iyo waliba mindhicirada. Bacteria da iyo infection ka H. pylori badanaa waxaa laga qaadaa cuntooyin ka iyo biyaha
wasakhey san bacteria dan ayaa ah mid qof ilaa ka qof u gudubta. bacteria dan ayaa waxa ay ku badan tahay meelaha nadaafadooda ay liidato. Wadamda nadaafadooda liidato, 90%
dadka ku nool dalal kaasi cudurkaan waxa uu ku leeyahay saameyn aad u badan . Mid kamida 6 dii qof ee qaba cudurkaan ama caabuqa ay keento bacteria daan ayaa waxaa ku dhaca boog mindhicir ka qeyb tiisa hore iyo boog gaas oo ay ku sameyso caloosha. Sidoo kale bacteria dan ayaa waxaa lala xiriirinayaa kansarka ku dhaca caloosha.
Si kastaba ha ahaatee haddii aad leedahay cudurka gaas ka ama ay jiraan boogo gaas oo ku sameysmay caloosha iyo mindhicirada lagaana helay caabuqa iyo infection ka bacteria da H.pylori la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Friday 23 March 2012

Nooc kamida nooc yada ugu caansan eernada

Hiatal Hernia waa nooc ka mid ah eer nooyin ka ku dhaca jirka qeyba hiisa kala duwan. Eernada ma aha cudur balse waa dabac sanaan ku timaada murqaha iyo seedaha jirka kuwaa soo darbi ahaan u shaqeeya una diida ka celiya waxa jirka ku jira
in ay banaanka u soo baxaaan, soo
muuqdaan ama soo kuus taan. Eernadu waxa ay ku dhacdaa meelo
badan oo jirka ka tirsan waxaana ka mid ah:
1: caloosha,
2: qooraha ama xiniin yaha,
3: Xudunta iyo meelo
kaleba. Eernada ku dhacda (diaphragm) ka diyaaf ragmaha
(diaphragm ku waa muruqa kala teeda kala hayya caloosha iyo xabadka dhexdooda xubnaha ku jira wuxuuna ka ilaali yaa is dhex gal ka xubnaha ku kala dhex jira caloosha iyo xabad ka) waxaana eernada ku dhacda diaphragm ka loo yaqaanaa Hiatal Hernia. Eernada noocani waxay timaadaa markii qeyb ka mid ah caloosha ay u soo gudubto
dhinaca xabad ka iyadoo soo dhex
marta meel daloosha oo ku taala
diyaaf ragmaha, daloolkan oo loo yaqaano daloolka hunguriga taas oo macna heedu tahay daloolka ay ka gudubto tubada cunto mareenka (esophagus). Daloolkan waa dalool ay mari karto tubada hunguriga kaliya lakin markii uu dabco waxa ay keeni kartaa in calooshu ay soo cadaadiso, daloolkana markaa uu weynaado kadibna caloosha dalool kaasi ka soo gudubto. Eernada diyaaf ragmaha waa xaalad caam
ah oo ilaa 60% qofka ku dhici karta markii qofka da'diisa 60 sano kor u dhaafto, waxayna u qeybsantaa laba nooc:
Nooc I: nooc markii caloosha uu ka yaraado cadaadiska ku soo laaba ta booskeeda, waana nooca ugu badan
(95%) waxaana loo yaqaanaa(Sliding Type).
Nooc II: nooc caloosha ay ka
koreyso diyaaf ragmaha kuna soo laabanin booskeeda (Fixed Type). sababaha keena Eernadan.
1- Cayilka
2- Qufaca joogtada ah
3- Is cadaadin markii caloosha ku fadhido calool fadhiga (constipation)
4- Qaadis wax aad u culus
5- Dhaxal
6- Sigaar cabidda
7- Muruqa diyaaf ragmaha oo jiran. Maxaa ka mid ah calaamadaha eernada:
1- Feero xanuun ama cadaadis xagga feeraha ah.
2- Laabjeex.
3- Wax liqidda oo ku dhibta.
4- Qufac iyo saxasho ama sixasho.
5- Meesha oo soo kuusanta
6- Higgo
daaweynta eernada.
Dhaqaatiirta ka howl gasha website kan ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah na kaa bogsiineysa eernada meel kasta oo ay jirka kaga taalo. Dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo laba bilood la qaadanayo bi idnillaah na si rasmi ah u soo afjari doonta eernada iyo dhibaatooyin keeda.
Balse caalamka ayaa u isticmaala daaweynta eernada qalliin oo kaliya haddaba inshaa allaah dhaqaatiirta website kan ayaa fursad kuu siisay daaweyn iyo xal ka duwan qalliin in aad isaga daaweyso eernada inshaa allaah. Daawooyin ka eernada ee dhaqaatiirtu kuu diyaarisay waxa ay kuula fal gali doontaa sidan soo socota inshaa allaah.
1: waxa ay xoojineysaa muruqii ama
seedkii dabcay.
2: waxa ay yarey neysaa duleelkii weynaaday si jirka qeyba hiisa
ay san iskugu gudbin.
3: waxey baabi ineysaa bi idnillaah dhamaan astaama hii iyo dhibaatooyin kii eernadu ku heysay qofka.
Daaweynta kadib waxaa muhiim ah in aad sameyso arrimahan soo socda si aysan u soo laaban eernada mar kale inshaa allaah:
1- waa inaad yareysaa miisaan kaaga, kana fogow in aad yeelato
culeys saaid ah ama aad qaado culeys saaid ah.
2- Iska ilaali gebi rogashada, si sax ah oo wanaagsan u fariiso.
3- samee Jimicsi joogto ah.
4- laba barkin is kor saaro marka aad seexaneyso.
5- Ka fogow cuntooyin ka leh (Kaffeyga, shukulaatada iyo cuntooyin ka dufanka leh)
6- waa inaad joojisaa sigaar cabidda, khamriga iyo isticmaal ka mukhaada raad ka.
7- Cunto badan ha cunin adigoo seexan raba.
Haddaba haddii aad leedahay eerno meel kasta oo ay jirka kaga taalo laguuna sheegay in xal aan qalliin aheyn uusan jirin dhibaatooyin iyo xanuuno badana aad kala kulantay la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Thursday 22 March 2012

Waa maxay dhicinta ilmaha uurka ku jira

Macnaha ereyga dhicin ama dhiciska waa
uurka oo si aan lama filaan ah u
dhamaada iyadoo ilmuhu lumayo ka hor
todobaadka 24-aad ee uurka, badanaa
Qiyaastii afartii uur mid baa dhicis ku
dambeeya, dhicin ta intooda badani waxa ay dhacaan inta lagu jiro 12-ka todobad
ee uurka ugu horeeya.
Xaaladaha qaarkood waxa dhacda inaan
haweenaydu aanay marnaba ka warqabin
in ay uur leedahay, waxaana laga yaabaa
in ay yeelato caado raagtay, marmarka qaarkood na caado aad u daran ama
aanay caado gafin ba. Dumar badan
waxaa calaamadaha u horeeya ee
dhicinta u ah dhiig ama dheecaan hoos
ka yimaada, kaa soo mar marka qaar
kood uu u wehliyo xanuun caloosha waa xudunta hoosteeda ee ama dhabarka ah
oo u eg xanuunka caadada. Dhiigga hoos
ka yimaada marka uurku bilawga yahay
waxaa la dhahaa halis dhicin, qasabna
ma aha inuu isu bedelo dhicin dhab ah.
Dumar badan oo isku arka dhiig xaggooda hoose ka yimaada ayaa uur
koodu noqon doonaa mid caadi ah. Waxa
laga yaabaa in dumar badani ay arkaan
calaamado sida lallabo ama naaso
xanuun oo muddo kadib iska taga, haddii
uu dhiig jiro iyo haddii kaleba. Kuwo kale waxa laga yaabaa in aanay isku arag
dhiig ama calaamad kale midna ayagoon
dareen ka qabin in wax khaldan yihiin,
iyo in kale laakiin waxay ogaadaan
muddo kadib in uurkoodi dhamaaday
kaddib marka la sameeyo sawir caadi ah oo loogu tala galay ultrasound. taana
waxaa lagu magacaa baa dhicin la gafay
ama daahday. Haddii xanuunka calooshu
yahay mid aad u daran, kulul ama hal
dhinac ah, waxa laga yaabaa in taasi
calaamad u tahay uur ku sameysmay meel ilmo galeenka ka baxsan (ectopic
pregnancy). Taasi waa xaalad halis galin
karta nolosha haweenta waana in isla
markiiba deg deg xarunta caafimaad ka
loo tagaa. Sababaha.Haweenka intooda
badani ma helaan sababta keentay dhicintooda, sababta ayaana ah waxaa
dhif ah in la baadho iyada oo haweentu
uu ku dhaco dhicin ah saddex ama in ka
badan. sababaha muhiimka ah ee sababa
in haweenta dhiciso waxaa ka mida: 1:
sabab la xiriirta Hidde : qiyaastii kala bar dhamaan dhicinta uurka hore sababta ay
u dhacaan waxaa waaye suuro galka
caadi la’aan koroomosoom Yada ah
(chromosomal abnormalities). 2: Sabab la
xiriirta hormoonada haweenka:
haweenka leh isbed bedalada hormoonada (hormonal irregularities)
waxey ka mid tahay asbaabaha ugu
badan ee sababa dhiciska waxaana laga
yaabaa in ay ku sii adkaato uur
yeelashada, marka ay uur yeeshaana
waxa ay u badan tahay in ay dhiciyaan. 3: sabab la xiriirta hab difaaceed ka
haweenta (immunological):
cudurada khafiifka ah sida hargabka ma
laha dhib, laakiin qandho ama xumad aad
u sareysa iyo cuduro gaar ah qaarkood,
sida jadeecada jarmalka (Rubella), waxay keeni karaan dhicin.
4: Sabab la xiriirta jirka haweenta
(anatomical): haddii afka ilmo-galeen ku
dafiic yahay, waxaa laga yaabaa inuu
bilaabo furitaan oo uu furmo marka ilmo
galeen ku sii cuslaado xilliga dambe ee uurka waxaana laga yaabaa in taasi goor
dambe keento dhicin.
Ilmo galeen aan qaab kiisu caadi ahayn
waxa uu keeni karaa in aanu jirin meel
ku filan koritaanka ilmaha.
Burooyinka waaweyni waxay keeni karaan dhicin xilliga dambe ee uurka. 5:
sabab la xiriirta Borootiin la' aan: waxaa
loo maleynayaa in la’aanta borootiinta
(Macrophage inhibitory cytokine 1) ay
door ka ciyaarto dhicinta. Cilad-sheegid
Sawirka sanqadha adeegsada (ultrasound) ayaa ah habka ugu
kalsoonida badan ee lagu garan karo
dhicinta, laakiin baaritaan ka uurka
(dhiig ama kaadi) iyo baaritaan jireed
ayaa ah habab kale oo lagu garto waxa
dhacay. Waxa laga yaabaa in baari taan ka guriga lagu sameeyo uu muujiyo uur
dhawr cisho ka dib marka dhicintu
dhacdo kaddib.
6: sabab la xiriirta cuduro ayaa iyadana
kamida asbaabaha keena dhiciska ama
dhicinta uurka. Cuduradaasi waxaa kamida.
1: cudurka infection ka.
Infection nada kala ah
Listera monocytogenes.
Toxoplasma gondii.
Parvovirus B19. herpes simplex.
Lymphocytic choriomeningitis virus
Dhamaan cudurada iyo infection nada
aan kor ku soo sheegnay waxey sababi
karaan dhiciska dumarka ku yimaada.
Sidoo kale waxaa kamida cudurada sababa dhicinta.
Thyroid disease.
Polycystic ovary syndrome iyo xaalad kale
oo lagu magacaabo.
Leuteal phase defect.
Sidoo kale cudurada sababa dhiciska waxaa ka mida.
1: cudurka baabasiirka.
2: cudurka sonkorowga.
3: cudurka dhiig karka.
4: cudurada ka dhasha stress ka wal wal
ka walaaca iyo isku buuq naanta. 5: isticmaal ka mukhaadaraad ka sida
khamriga sigaar ka qaad ka iyo
mukhaada raad yada kaleba.
Cudurada sababa dhiciska waxaa ka mida
oo haweenka ku dhaca.
Cudurada la yiraahdo collagen vascular diseases waxaana kamida.
1: systemic lupus erythematosus.
2: antiphospholipid antibody syndrome.
Sidoo kale sababaha dhicinta uurka
waxaa kamida dhaxal haweenta ay ka
dhaxasho waalidiin teeda sidoo kale asbaabaha ugu badan ee dhicinta uurka
haweenka dhiciyaan waxaa sababta
bahasha loo yaqaano umul sabiyaanta oo
ah iyada naag jin ah oo haweenka u
gasha gudaha riximka isla markaana soo
laada ilmaha uurka ku jira. Si kastaba ha ahaatee haween badan oo
ku dhaqan caalamka ayaa umuurtan
dhicinta ilmaha ku sababtay gablan iyo
iney waayaan dhamaan ubadkii
calooshooda ku beermay qaar kale ayaa
iyagana sidoo kale ku waayey ubad badan kalana kulmay dhibaatooyin xanuuno iyo
dhiig bax qaar kale ayaa iyaguna ku
waayay ubadkii caloosha ay ku sideen iyo
naftoodii ba kadib dhibaatooyin xanuun
iyo dhiig bax.
Dumarka somalida ayaa iyaguna kamida dumarka ay heysato dhibaatadan
dhiciska. 15 ilaa 20 % dumarka uurka
yeesha waa ay dhiciyaan sababo la
xiriirta umuuraha aan kor ku soo
sheegnay.
Sidoo kale dumarka uurka yeesha isla markaana uurkooda dhameystira oo aan
dhicin uurka si caadi ah na u dhala balse
ilamaha dhala iyagoo meyd ah dhintay
ayaa iyaguna waxaa lagu tiriyaa in ay
kamid tahay mowduucan dhicinta
ah.
Haddaba haddii aad leedahay dhibaato la xiriirta dhicinta ilmaha uurka
ku jira iyo guud ahaan dhibaatooyin ka la
xiriira xagga taran ka sida dhalmo
la,aanta iyo guud ahaan ba haddii ay
jiraan xanuuno iyo cuduro dhib iyo
caqabadana aad kala kulantay una weysay daryeel iyo daaweyn ba
La soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan dhaqaatiirta ayaa kuu
diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa
allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u
hesho daawooyin rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah
mahad sanidiin.

Monday 19 March 2012

Haddii aad leedahay dhamaan calaamada haan iyo cillada haan ama qeybo kamida ogow waxa ku hayaa waa hal cudur

Ma waxaa tahay qof xanuun san ma
waxaa jira xanuun ama xanuuno badan
oo noloshaada caafimaad kaada iyo
jirkaaga ba saameeyay dhibaatooyin
badana aad kala kulantay ma dhici
kartaa in aad leedahay calaamada haan iyo cillada haan soo socda?
1: daal fara badan
2: madax xanuun
3: caajis joogta ah
4: kor bur bur ama kor jajab joogta ah 5: murqo xanuun lafo xanuun margiyaha
oo ku xanuuna
6: xanuun iyo muruq garbaha hoos tooda
kaaga taagan
7: gaas joogto ah
8: calool fadhi calool istaag joogta ah 9:kor xanuun joogta ah. 10: wareer
11. dhabar xanuun
12: xanuun xudunta hoosteeda miskaha
iyo wareega ubucda iyo dhabarka oo
dhan badanaa dumarka
13: xaglo xanuun xaglaha oo ku soo kaga 14: tabar yari iyo hoos u dhac guud ahaan
jirkaaga ah
15: goo go id iyo daadasho timaha oo
zaaid ah
16: dibiro aad aragto mararka qaarkood
ama joogto ah 17: hurdo xumo hurdo la aan
18: dhiig yari anemia
19: kor olol korka oo aad ka dareento
kuleyl gubasho joogto ah
20: caga olol cagaha oo aad ka dareento
gubasho ama kuleyl 21: ma waxaad leedahay kubuubyo
lugaha gacmaha ama meelo kaleba
DADKA QAARKII WAXEY LAHAAN
KARAAN ASTAAMAHAN SOO SOCDA.
22: ilko xanuun cirid xanuun ilkaha oo
madoobaada isla markaana bur bura cirid ka oo dhiiga iyo hawo qurmuun oo
afka ka soo baxda daaco badan.
DUMARKA WAXA AY LAHAAN KARAAN
ASTAAMAHAAN SOO SOCDA.
23: xanuun xagga caadada ah socod ka
caadada oo yaraada ama socod ka caadada oo ziyaado noqda caado wareer
oo ah caadada oo marna timaada marna
la waayo oo aan la helin waqtigii ay
imaan jirtay ama gebi ahaan ba caadada
oo la waayo muddo badan iyadoona
haweentu gaarin da,da quusta. 24: aaryo caloosha ku wareegata iyo
casiraad joogta ah.
25: dibiro marka caadada soo dhaw
dahay marka caadada joogto iyo kadib
marka ay dhamaato
26: uur beenaad haweenta oo isku aragta marar ka qaarkood calaamadaha
iyo
astaamaha uurka lagu garto oo dhan oo
ay kamid tahay dhaqaaq gudaha
calooshooda ah iyo caloosha oo soo
weynaata sida marka haweenta uur leedahay muddo kadib na uurkii iska
baaba,o oo noqda mid dhalan teed ah.
27: dareen ah xilliga caadada in naasaha
haweenta noqdaan kuwo caano qaad ah
oo ay karaan isla mar kaana xanuunaan.
28: bog xanuun joogta ah bogga oo ku xanuuna ama sida dadkeena somalida u
taqaano beer xanuun inta badan la
dareemo.
29: cunto xumo joogta ah qaaada shada
cuntada oo aad kuu dhibta cuntada oo
aadan qaadan karin ama marka aad cuntada cunto oo aad dareento xanuun.
30: wadno garaac badan wadnaha oo
aad
kuu garaaca ama gariir wadnaha ah
31:. Naxdin badan ama naxdin joogta ah
inta badan ama mararka qaar kood oo aad naxdo.
32: cun cun iyo mad madow aga gaarka
indhaha sida xiribaha.
33: timaha oo gurma gurmida iyo goo go,
idda timaha oo zaaid noqota gaar ahaan
xilliga shanleysiga dumarka ayeyna ku badan tahay.
34: xubno kamida jirkaaga oo aad
qiyaaseyso in hilibka ka dhamaaday sida
lugaha hoose sida anqow yada ama
lafaha gacmaha.
35: maskax xanuun joogto ah 36: dulqaad yari iyo xanaaq badan oo
aadan lahaan jirin 37: cun cun dabada
meesha saxarada ka
timaado ah
38: saxarada oo aad ku aragto dhiig yar
oo dhinac ka heysta. 39: dhidid la aan dhidid ka oo kugu yar
40: qar qaryo aad dareento xiliyada
galabkii iyo aroortii.
40: oodimo kugu taagan inta badan
41: wahsi badan
42: hilmaan badan 43: jirka dhan oo noqda mid danqada oo
bislaada 44: aragtida indhaha oo naaqus
ku
timaada ama indhaha oo yeesha hilib
badan iyo indhaha oo caad fuula.
RAGGA WAXAA DHEERI KU AH 45: hamiga iyo dareen ka ragganimada
oo hoos u dhaca. 46: xubin ka taran ka
ragga oo yaraada
iyo mid kamida xiniin yaha oo yaraata.
47: biya bax deg deg ah xilliga galmada.
48: shahwada ninka oo is bedel ku dhaca sida in ay noqoto biyo biyo iyo in tirada
noola yaasha shahwada ku jiraan
yaradaan iyo hakad ku yimaada
dhalmada ninka iyo guud ahaan dhalmo
la aan.
DUMARKA WAXAA DHEERAAD KU AH 49: dheecaan cad oo leh ur aan wanaag
saneyn oo ka yimaada farjiga. Ur aan
wanaag saneyn oo ka timaada
Farjiga xiliga galmada.
Hamiga iyo dareen ka jinsiga haweenta
oo hoos u dhaca iyo xanuun ay dareento xilliga galmada.
50: Burooyin haweenta kaga dhaca
makaanka iyo khal khal ku dhaca
hormoonada haweenta sidoo kale
haweenta oo ay ku dhacaan
dhibaatooyin la xiriira ukxanta dumarka sida ukxan
sidaha fiixda leh unug yada
endometriosis iyo howl gabka ukxanta
dumarka cuduradaan ku dhaca ukxanta
dumarka ayaa keena dhibaatooyin kala
duduwan oo ay kamid tahay dhibaato caafimaad darro ah iyo mid dhalmo la
aaneed.
WAXAA SUURA GAL AH KADIB MARKA
AAD ISKU ARAGTAY QEYBO KA MIDA
XANUUNADAN IYO CALAAMADAHAN
KADIB IN AY KUGU DHACEEN QAAR KAMIDA CUDURADAAN SOO SOCDA.
51: DHIIG KARKA
52: DHAG XAANTA KILYAHA 53: CUDURKA
SANBOORKA
54: CUDURADA SUUSKA AFKA IYO YIRID
KA 55: sidoo kale dadka qaba cudurkaan
waxey isku arkayaan cudurka infection
ka
ee kilyaha iyo kaadi mareen ka oo
badanaa joogto ah sida kaadida oo ku
gubta kaadida oo aad xanuun ka dareento kaadida oo aadan celin karin
sida haddii suulliga lagaaga hormaro
ama
meel suuliga ka dheer aad joogto.
Sidoo kale dadka qaba cudur kaan waxaa
ay arki karaan barar lugaha hoose ah siiba dumarka.
Dadka qaar kiisa ayaa lahaan kara qufac
xabad xanuun iyo guud ahaan raaxo
la,aan joogta ah.
qasab maha in dhamaan dadka qaba
cudur kaani dhamaan tood isku arkaan ama ay wada lahaa daan cilladaha iyo
calaamadaha cudurkaan oo dhan qaar
dadka kamida ayaa lahaan kara
dhamaan
cilladaha iyo calaamadaha cudur kaan
qaar kale ayaa lahaan kara qeybo kamida calaamadaha iyo cilladaha uu
keeno
cudur kaan.
Haddaba haddii aad isku aragto ama
aaad leedahay dhamaan ama qaar
kamida calaamada haan iyo cillada haan la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan dhaqaatiirta ayaa kuu
diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa
allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad
hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn
caawimaad inshaa allaah ogowna cudur kaan ma aha cudur fudud wax yeela
diisuna sahlan tahay balse waa cudur
kala
dhan taala nolosha iyo mustaqbal ka
caafimaad ka qofka reer ka iyo
awlaadaba waayo cudur kaani waa cudur la isu gudbiyo waana cudur la kala dhaxlo
haddii aad adiga kaliya qabto saameyn
tiisa waxey gaari kartaa qoys kaada oo
dhan sida xaaska iyo caruurta cudur
kaani
waa qatar wax yeeladiisa iyo saameyn tiisa balse waa cudur si fudud loo
daaweyn karo inshaa allaah la soo xiriir
dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi
ah inshaa allaah mahad sanidiin.

Aaryada ka soo baxda xubinka taranka haweenka

Aaryada ka soo baxda xubinta taranka
ee haweenka waa xaalad jirta laguna
magacaabo "Flatus Vaginalis ama
Vaginal Flatulence", waxayna ka
dhalataa aaryo ku aruurta xubin ka taran ka taasoo cadaadis xoog leh ku soo baxdo wax yar ka dib waliba marka uu qofku sameeyo wax cadaadis abuuraya sida in qofku fariisto, ama fooraarsado ama isagoo waxba
sameynin mararka qaar Hawada markii
ay soo baxayso waxay lahaan kartaa
gariir ama guux inta ba . Waxay badanaa
hawada gashaa xubin ka taran ka ee
haweenta xiliyada haweentu sameyso galmo ,ama jimicsi ama haweenta oo
aan
waxna samayn haddii aad leedahay
cudurka murqo dabac sanaanta ee xubin
ka taranka haween ka ku dhaca mararka
qaar kood haween ka ayaa isku arki kara aaryo ama neef ka timaada xubin ka
taran ka haweenka
dhalmada ka dib) Hawada waxay u soo
baxaysaa sida neefta ka timaada
meesha saxarada oo kale laakiin
malahan wax ur ah, in kas too badanaa wax dhibaato
caafimaad aysan laheyn arrin taani
laakiin waa wax xishood iyo
dhaxdin ku abuura haweenta marka ay
isku aragto. Hadii hawada soo baxayso
ay leedahay ur sida neefta ka timaada meesha
saxarada waa in si deg deg ah loo
daaweeyaa cilladaana waxaa badanaa
sababta (Fistula) ama dalool isku furan
oo u dhaxeeyo dabada iyo xubin ka taran
ka haweenta ee farjiga. Xaaladaan kuma xirna da'da iyo in haweentu tahay gabar
iyo in aysan aheyn gabar intaba waana
isku arki karaan gabdhaha iyo dumarka
kaleba.
Sidoo kale waxaa jiraan cuduro kale oo
keeni kara xaaladaan oo kale isla markaana haweentu isku arki karto
cilladaan si joogta ah cuduradaasi waxaa
kamida cudurada sababa dabaca
murqaha xubin ka taran ka haweenka ee
farjiga iyo sidoo kale cudurka
baabasiirka oo isagu caan ku ah arrintaan.
Sidoo kale waxaa jirta iyadana xaalad
kale oo haweenka ku dhacda qaab
ahaana u dhow cilladaan balse kala
duwan tan dambe haweenta ayaa isku
aragta hawo ama uumi ka soo baxaya farjiga ama dabada iyo farjiga ba oo
wada socda umuur tan iyo tan haatan
aan
ka soo hadal nay waa kala duwan yihiin
cilladaan uumiga ka soo baxaayo farjiga
ama farjiga iyo dabada badanaa waxaa la
socota waran ama qori oo kale in dabada
ama farjiga kaa duraayo oo kale sidoo
kale tani waa cillada dambe ee waxaa la
socdaan xanuuno iyo cillado kale oo
badan oo jirka dhamaan laga dareemayo.
Haddaba haddii aad leedahay cillada
haan iyo dhamaan cillado kale iyo
xanuuno kaleba jirro iyo xanuunana kula
dariseen ama ay jirto dhibaato
caafimaad darro meel kasta oo aad joogto la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website
kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo
rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Wednesday 14 March 2012

Fiix ama buro kamida burooyin ka cunaha ka soo baxa

Waa maxay thyroglossal cyst?
Thyroglossal cyst waa fiix ama buro kamida burooyin ka ka soo baxa cunaha fiixdan ama buradan waxa ay ka soo baxdaa cunaha halka loo yaqaano (thyroglossal duct)
buradan throglossal cyst ma aha burooyin ka ama qanjirada caadiga ah ee cunaha ka soo baxa haddana iskooda ku baaba, a buradan sababta keenta in ay cunaha ku sameysanto waa dhibaato ka jirta qanjirka lagu magaacbo thyroid gland oo ku yaala dhuunta qeybteeda hoose iyo xaalad kale oo iyadana ku dhacda isla qanjir kaasi thyroid ka oo lagu magacaabo
(ectopic thyroid tissue)
dhaqaatiirta chemicals ka wax ku daaweysa waxey u adeeg sadaan
Buradaani qalliin balse dhaqaatiirta ka howl gasha website kan ayaa kuu diyaarisay daawo muddo gaaban kaaga bogsiineysa buradaan iyo dhamaan xanuunada kaaga dhacay qanjirka tyroid ka ee sabab u noqota in ay sameysanto buradaani bi idnillaah.
Inta badan fiixdani malaha xanuun waana jilic san tahay marka gacanta lagu taabto haddiise wax yeelo gaarto buradaani sida in wax kaaga dhaco ama cunaha oo infection ama caabuq ku dhaco markaa waxaa dhici karta in ay xanuun keento.
Calaamadaha fiixdan lagu garto.
1: dhibaato ay ku keento qofka xagga neef sashada.
2: dhibaato ay ku keento qofka xagga wax liqida.
3:dibiro caloosha ah
4: dadka qaarkiisa ayaa lahaan kara cunaha oo xanuuna.
Fiixdan ayaa mararka qaarkood sameysa dhaq dhaqaaq iyadoona la dhaq dhaqaaqda la sameysa carabka dhaqaaqid waxaana ay u yara dhaqaaq daa dhanka sare ee dhuunta.
Si kastaba ha ahaatee haddii aad leedahay buradan oo kale iyo guud ahaan burooyin ka cunaha ka soo baxa iyo dhamaan jirkaba la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah oo bur burineysa buradaan dibna u soo laabaneyn bi idnillaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Friday 9 March 2012

Cudurka beer xanuunka ee hepatitis-B

Hepatitis B waa cudur xun kana dhasha
fayrus ka infection ka darani gaarsiiya
beerka. Macnaha infection darani waa
infection cusub. Infection ka Hepatitis B
ga daran marar ka qaarkood waxaa uu
keenaa infection raaga infection ka raaga ee beerka waxaa loo yaqaanaa
hepatitis B (sidoo kalena loogu
yeedho marxaladda sidaha). In ka badan
90% ilmaha yar yar ka ah iyo in ka badan
50% carruurta waaweyni , iyo 5% dadka
waayeelka ee qaba hepatitis B ga daran waxa uu ku noqdaa mid raaga ama
infection muddo dheer socda. Kiisaska
qaarkood, hepatitis B ga daran
waxaa uu keeni karaa cudurrada beerka
oo ay ku jiraan cudurada kala ah
1: cirrhosis 2: kansarka (burada) beerka gasha.
Tallaalka hepatitis B waxaa heli kara da’
walba si looga hortago infection ka
hepatitis B.
CALAAMAADKA
Caadiyan calaamadaha cudurkaan waxaa la gartaa 6 usbuuc ilaa 6 bilood kaddib
marka uu fayrus ka soo gaaro qofka
(qiyaastii 2 bilood ka hor soo if bixidda
calaamadaha)
Calaamadaha Dadka waaweyn, waxaa ka
mid ah. 1: lalabo
2: caloosha oo kacsan upset stomach
3: cunno xumo
4:matag
5:daal
6: calool xanuun. 7: Kaadi huruud ah ama maariin ah
8: saxaro midab keedu cad yahay
9: shuban
10: cagaar show (indhaha ama jidhka oo
huruud ama cagaar noqda ayaa laga
yaabaa in lagu arko. Dadka qaba infection ka hepatitis B
waxa ay wada lahaan karaan
calaamadaha dhammaan tood ama qaar
ka mid ah ama wax calaamado ah ma
lahaan karaan.
Ku dhawaad dhallaanka oo idil iyo carruurta waaweyn iyo 50% wayeelka
qaba infection ka daran (cusub) maba
lahan wax calaamado ah haba yaraate.
Muddada uu cudurka soconayo waa ay
kala duwan tahay, dadka badankiis waa
ay ka bog soodaan muddo 3 usbuuc gudahood.
HEPATITIS B GU MA FAAFAA?
Fayrus ka waxaa uu ku nool yahay beerka
waxaana uu ku jiraa dhiigga iyo
dheecaannada jidhka qaarkood.
Faafidda waxaa ay dhacdaa marka la taabto dhiigga ama dheecaannada
jidhka uu fayruska ku jiro, sida
wadaagidda irbadaha la isku duro,
falalka isutaga ragga iyo dumarka xilliga
dhalashada canugga, alaab la
wadaagidda qof qaba hepatitis B, iyo wadaagidda qalabka nadaafadda (sida
cidiyo jarka, sakiinta, cadayga). Tiro
ahaan fayrus ka waxa uu ku badan yahay
dhiigga iyo dheecaannada nabarrada ka
soo baxa, balse waxaa uu sidoo kale ku
jiraa isagoo yar shahwada ragga dheecaanada dumarka ee farjiga,
iyo caadada dumarka. Inkastoo tiro yar
oo fayrus ka laga heli karo calyada,
candhuufta balse uma badna in calyadu
ay faafiso hepatitis B, waa haddii uusan
qofka infection ka qaba marka af wax ku goosashada uu dhaawac ka soo gaaro.
Hepatitis B kuma faafo dhunkashada iyo
hindhisada.
GARASHADA CUDURKAAN
Hepatitis B waxaa lagu gartaa
baaritaan dhiig oo qofka laga qaado. WAA MAXAY WAX YAABAHA AY TAHAY
IN LAGA FOGAADO?
1: Kafogow khamriga.
2: sigaar cabidda
3:dhamaan mukhaada raadka oo dhan
DAAWEYNTA. ha wel welin haddii uu ku haleelay cudur
kaan dhibaato caafimaad daro oo weyna
kugu keenay isla markaana aad tahay
qof xanuun san dhaqaatiirta website kan
ayaa kuu diyaarisay daawo rasmi ah oo
kaa bogsiineysa cudurkaan bi idnillaah La soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan si aad u hesho daaweyn
rasmi ah inshaa allaah dhaqaatiirta ayaa
kuu daaweyn fudud isla markaana
qaadaneysa waqti kooban inshaa allaah
la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan si aad u hesho daawo rasmi
ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa
allaah mahad sanidiin.

Monday 5 March 2012

Waa maxay hirsutism

hirsutism waa xaalad uu keeno cudur ku dhaca haweenka loona yaqaano ukxan sidaha fiixda leh ama polycystic ovary syndrome loona soo gaabiyo (pcos)
Hirsutism oo ah xaalad uu dumarka qaarkood ku keeno cudurkaan ukxan sidaha fiixda leh ayaa dumarka qaar ee xaaladaani la soo daristo ayaa waxaa ku dhacda in timaha jirkooda ku yaala ziyaadaan isla markaana timo kale oo dheeraad ah si khaldan uga soo baxaan meelaha ay kamid ka yihiin wajiga xabadka naasaha garka garbaha iyo lugaha.
Sababta keenta cudurkaani ayaa ah khal khal iyo howl gab ku yimaada hormoonada haweenta khaasatan marka uu hoos u dhaco (luteinising hormone)
Marka uu ku dhaco haweenta khal khal iyo howlgab xagga hormoonada ah ayaa waxaa ku dhaca cudurkaan ukxan sidaha fiixda leh haddii aan waqti hore laga daaweynin na waxaa ku imaan karaan xaaladahaan soo socda.
1: buurni siyaada ah
2: dhalmo la aan joogta ah
3: finan iyo nabro wajiga ka soo baxa
4: timaha jirka haweenta oo si xad dhaaf ah u soo baxaan iyo waliba timo khaldan oo ka soo baxa meelo aan wanaagsaneyn sida wajiga garka xabadka naasaha iyo garbaha lugaha iyo meelo kale oo badan sidoo kale waxaa dhacda dumarka xaaladaani la soo daristo in timo dheeri ah kaga soo baxaan meelaha aan soo tilmaanay dhan kalena sida ragga bidaar na gasho.
Haddaba haddii aad leedahay dhibaatooyin guud ahaan la xiriira
Xubnaha taran ka guud ahaan iyo gaar ahaan cudurada la xiriira hormoonada iyo guud ahaan cillado iyo caafimaad daro kula soo darsay la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.

Dhaawaca ugu daran ee soo gaara jilbaha

Meniscus tear waa dillaac ku dhaca
carjawda jilibka, waana dhaawaca ugu
badan ee jilibka soo gaara.
Carjawda Meniscus waxay ka caawisaa
jilibka in si miisaaman u shaqeeyo,
culeeskana ka yareeyo jilibka. Dillaaca carjawda waxay jilibka u diidaa
in si sax ah uu u shaqeeyo. Badanaa
dillaaca wuxuu dhashaa markii
jilibka si lama filaan uu u wiliqsamo ama
culees xad dhaaf ah aad qaado.
mar kasta oo qofka weynaado wuxuu halis ugu jiraa in carjawda jilibka ay
dillaacdo. Haddii dillaaca uu yahay mid
yar waxaad daremeysaa xanuun iyo barar
kaa soo iska
baaba'o laba usbuuc illaa 3 usbuuc.
Haddii uu dillaaca dhex dhexaad yahay xanuunka wuxuu daran yahay zaaid
noqdaa maalinta labaad ama sedexaad
wuxuuna xanuunka yaraadaa 1 ilaa 2
usbuuc kadib laakiin wuu soo laa laabtaa
haddii dillaaca aan la saxin qofkana wuxu
dareemaa xanuun aad moodo in wax jilibka kaa muday,
dhaq dhaqaaqana wuxuu noqdaa mid
xadidan xanuun ka jilibka aawgii.
Hadduu dilaaca daran yahay meesha
kama dhaqaaqi karo qofka jilibkana
wuxuu noqdaa mid takaateysan xanuun badanna wuu keenaa.
Dillaaca miniskaska waxaa lagu arki
karaa baaritaanka loo yaqaano (MRI)
xalka arrintaani waxay ku xiran tahay
sida uu u dilaacay ama u jeexmay
miniskaska jilibka iyo da'da aad jirto. Haddii dillaaca uu yahay mid yar oo uu
qofku ka bogsoon karo waxaa lagu la
taliyaa inuu nasto, lugtana la duubo iyo
inuu sameeyo jimicsi fudud.
Haddii xaalku noqdo mid xun daaweynta
waqtigeedana laga dib dhacay dillaaca na uu noqdo mid xumaaday oo aan helin
daaweyn deg deg ah waxaa lagu
sameeyaa jilib ka qalliin lagu saxo
dillaaca.
Mustaqbalka jilibkaaga wuxuu ku
xiran yahay dhaawaca gaara jilibka iyo daaweyn rasmi ah oo aad hesho waayo
jilibka wuxuu ka mid yahay xubnaha
xanuuna dooda soo noq noqdaan iyo
xubnaha si sahlan wax ku noqda ama ku
dhaawac ma.
Haddaba haddii aad isku aragtay jilib xanuun jilibka oo ku barara xanuun ka iyo
barar ka jilibka na yihiin kuwo markasta
soo noq noqda ama uu jiro nooc kasta oo
jilba xanuun ah ama jilbaha kaa gaareen
dhaawac fudud iyo mid culus ama waqti
hore ku gaartay jug iyo wixii lamid ah la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan dhaqaatiirta ayaa kuu
diyaarisay daaweyn rasmi ah dhamaan
xanuunada iyo wax yeelooyin ka gaara iyo
cudurada ku dhaca jilbaha dhamaan
inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo
tusaaleyn caawimaad inshaa allaah
mahad sanidiin

Friday 2 March 2012

Waa maxay soo dhaadhicidda makaanka dumarka

Waa maxay soo dhaa dhicidda makaanka
dumarka? Soo dhaa dhicidda makaanka
ama waxa loo yaqaanno (Uterine
Prolapse) waa xaalad
makaanka uu ka soo durqo booskiisii
lagu yaqaanay una soo dhaadhaco hoos isagoo ka soo muuqan karo xubinta
dhalmada ee haweenka farjiga
Waa xaalad makaanka dumarka dibadda
u soo baxo. Haddii makaanka uu soo
muuqdo uuna soo gaarin farjiga
haweenta waxaa loo yaqaanaa soo bixid aan dhameystirneen
laakiin waxaa dhici karta in uu soo wada
baxo uuna noqdo mid dhameestiran.
Maxaan dareemi karaa ama dareemi
doonaa?
Badanaa xaaladaha sahlan ee makaan soo dhaca haweenka wax calaamado
iskuma arkaan inkastoo qaarka kalane ay
dareemi karaan calaamadahaan hoos ku
xusan:
1: cadaadis iyo culeys miskaha ah
2: Xanuun dhabarka iyo caloosha qeybteeda hoose waa ubucda iyo xudunta
hoosteeda .
3: Xanuun waqtiga galmada
4: Caabuq iyo hurgun ama infection kaadi
heysta iyo guud ahaan kaadi mareen ka
ah oo soo noq noqda 5: dheecaan iyo qoyaano ka imaanaya
farjiga haweenta
6: Saxaro adeyg
7: Xanuun xagga kaadida marka
haweenta kaadinayso
8: Kaadida oo kaa baxsata ama deg deg siinyo xagga kaadida ah
Maxaa keeno soo dhicidda makaanka?
Makaanka waxaa ku hayo booskiisa
murqo iyo seedo xoog badan oo ilaah ugu
talo galay, wuxuuna soo bixi karaa kaliya
marka ay ku timaado dabac sanaan murqaha iyo seedaha makaanka ku hayya
booskiisa taa soo keeni karto in ay sii
xajin waayaan makaanka uuna
hoos u soo laa laad samo:
1: Duqoobista waxay keentaa murqo
dabac sanaan jirka oo dhan taa soo ay ku jirto murqaha xajiya makaanka
2: Dhaawac gaaro haweenta xilliga
dhalmada (waliba haweenka dhasha
badan ama kuwa dhalay ilmo waaweyn
macnaha ilmaha ka weyn 3 kilo xilliga la
dhalayo) 3: Wax yaabo kaalmeyn kara in murqaha
dabcaan makaanka ama riximka na hoos
dibadda farjiga u soo dhaa dhaco sida
1: Cayilka
2: Qufaca
3: Jiirashada. Yuu ku dhacaa soo dhicidda makaanka?
cilladahaani Waxa ay ku badan yihiin
haweenka dhasha badan ama haweenta
dhalmo deys ka ah arrimahan oo ka
dhalasha markii
ugxan sidaha uu hawl gabo isagoo joojiyo soo deynta hormoonka Istirojiin
(estrogen) oo xoojiyo murqaha
makaanka.
Ma badan tahay cilladaan?
Aad uma badno laakiin waxuu qofka
jaanis ka in cilladaan ku dhacdo siyaadaa markasta oo ay da'diisa
kororto. Sidee lagu ogaadaa soo dhicidda
makaanka?
Waxaad ku garan gartaa 3 qaabood oo
kala ah
1: in aad isku aragto dhamaan calaamadaha aan kor ku soo xusnay
2: in aad aragto makaanka oo dibadda u
soo baxa ama soo gala farjida
3: in dhakhtarka sameeyaa baarid
miskeed isagoo dareemi karo inta uu soo
baxsan yahay makaanka. Sidee loo daaweeyaa soo dhicidda
makaanka?
Daaweynta waxaa loo kala qaadaa
1: daaweyn aan aheyn qalliin
2: daaweyn qalliin la adeegsanayo iyadoo
ay ku xirantahay heerka uu gaarsiisan yahay soo dhaadhicidda makaanka.
Daaweynta aan qalliinka aheyn
1: daaweyn rasmi ah iyadoona daawo loo
qaadanayo muddo 2 bilood oo xiriirta ah
inshaa allaah
2: Jimicsi: waxaa jiro jimicsi loogu tala galay adkeynta murqaha miskaha oo lagu
magacaabo (Kegel Excercise) kani
wuxuu noqon karaa daawo kaliya markii
ay xaaladdu tahay mid sahlan sida soo
dhicid aan dhameys tirneen (Sida loo
sameeyo jimicsi gaan waxaan uga hadli doonnaa qoraal kale inshaa allaah)
3: Qalab ka sameysan cinjir oo lagu
taageero makaanka surkiisa si
uusan u soo dhicin, waa qalab joogto loo
gashanayo, si joogto ahna loo nadiifinayo
waana in la iska siibaa ka hor mar kasta oo la sameynayo galmo.
4: Haweenka dhalmo deyska ah waxaa la
siiyaa hormoon maadaama uu ka maqan
yahay hormoonkii aan kor ku soo xusnay.
Daaweynta qalliinka ah
1: Saarista makaanka waxaa la sameeyaa markii makaanka oo idil ka soo baxo
booskiisa. (uur iyo dhalid ma jiri doonto
haddii la bixiyo makaanka)
2: Minka oo lagu celiyo booskiisa iyadoo
la adkeynayo seedahiisa laguna qabanayo
qalab loogu tala galay. waa maxay dhibaatada ay keeni karto
soo dhaadhicida makaanka?
Haddii aan la daaweyn waxay dhibaato
iyo carqaladeyn ku keeni kartaa
1: kaadinta
2: saxaro dhigidda 3: galmada.
4: dhalmada
Ma laga hortagi karaa soo dhaadhicidda
makaanka?
Waxaa jirto dhawr tillaabo oo haddii aad
sameyso iska yareyn kartid khatarta cudurkaan:
1: Culeyskaaga oo aad xakameyso
2: Samey jimicsi joogto ah 'Kegel
Excercise'
3: Cun cunno isku dheeli tiran.
4: Jooji sigaar cabidda 5:Haddii aad dhalmo deys tahay oo aad
waqtiga dhalmada ka baxday waa inaad
daawooyin hormoona daada kor u soo
qaada isticmaashaa daawoyin kaasna
waxaad soo weydiisaan xaruntan
taqasusiga ah inshaa allaah. 6: Ha qaadin culeys xad dhaaf ah leh
7: Haddii aad leedahay qufac joogto ah
iska daaweey waxey sabab u noqon
kartaa asbaabaha cilladaan keeni karta.
Si kasta ha ahaatee xaaladaan iyo
cilladaan haweenka kala soo darista makaanka ayaa ah cillad iyo xaalad
keenta ama sababta dhibaatooyin badan
sida xanuun dhalmo la aan iyo kuwo
kaloo badan haddaba haddii aad
leedahay dhibaatooyin la xiriira
makaanka ama riximka ama guud ahaan cudurada la xiriira xubnaha taranka ama
uu jiro cudur iyo xanuun kula darisay ama
cillad aadan hore u lahaan jirin la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website
kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo
rasmi ah talo iyo tusaale caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.