TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

sonkorowga

Cudurka Sonkorowga (diabetes)
Cudurka sonkorowga ayay dad
badan oo
dunida guudkeeda ku nooli ka
sheeganayaan, waayadan
danbena tirada soomaalida sonkorta qabta ayaa
sii
kordheysa sanadba sanadka ka
danbeya. Fikrada ay dad badani
ka heystaan waxa
uu yahay cudurka sonkorowga ayaad
moodaa in ay wax badani ka
qaldan
yihiin,hadaba qoraalkeygan
ayaan
doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa
uu yahay cudurka sonkorowgu,
waxa keena, inta qeybood oo uu
qeybsamo,Calaamdaha uu caanka
ku
yahay iyo waxyaabo kale oo badan,
waxaana isku dayi doonaa in aan
usoo
bandhigo si fudud oo qof walbi u
fahmi
karo. Cudurka sonkorowga ayaa ka dhasha
khalal ku yimaada qaabka uu
jirku u
burburiyo ama u sameysto
nafaqooyinka
uu u baahan yahay ( Metabolic disorder)
taas oo ugu danbeyntii sababta in
xadiga
sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u
kaco (hyperglycemia) ama hoos u
dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama
hoos u
dhacaas oo ku xiran hadba nooca
khalalka ah ee jirka ku
dhaca,waxaana
uga hadli doonaa si faahfaahsan. Sonkorta ayaa ah isha ugu
wanaagsan ee
uu jirka aadanuhu tamarta ka
sameysto,
waxaa jira noocyo fara badan oo
sonkor ah balse mida ugu badan oo uu
jirku
isticmaalaa waa mida loo yaqaan
kuluukoos (glucose), xubnaha
isticmaala sonkorta ugu badan
ayaa waxa ka mid ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3)
Habdhiska
lafaha (skeleton system) iyo
xubna kale
oo muhiin ah, xadiga caadiga ah
ee sonkor ah oo dhiiga qofka
caafimaadka
qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110
milligram oo sonkor ah 100-kii
mililitir oo
dhiig ahba (80-110mg/dl). Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi
sonkor ah oo badan, hadaba
suaasha
meesha taal ayaa ah xagee ayay
aaday
sonkortii badneyd ee aan isticmaanay?
maxaase maamula in aysan
sonkorta
qofka aan cudurka sonkorowga
qabani xadigeedii caadiga ahaa
aysan ka badan ?. waxaynu wada ognahay
in falgal
kasta iyo shaqo kasta oo jirka
aadanaha
ka dhaca uu RABI ugu talagalay
qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka,
keydinta,
iyo sameysiga sonkorta ee jirka
waxaa maamula laba hormoon oo
laga soo
daayo unugyada ganaca (pancreas cells)
kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo
laga soo
daayo unugyada ganaca ee loo
yaqaan
Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo
isna laga soo daayo Unugyada loo
yaqaan Alpha cells ee Ganaca.
Shaqooyinka ay qabtaan labadan
hormoon ayaa ah kuwa liddi isku
ah waayo hormoonka insulin waxa
uu hoos u
dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga
la
socota marka ay dhaafto
xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is
weydiinta mudan ayaa ah sidee
buu hormoonkani
hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee
dhiiga?
Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu
(blood glucose level) dhaafto
xadigii
caadiga ahaa ayaa waxaa la
carriyaa
unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells in ay soo daayaan
hormoonka insulin
kaas oo durbadiiba qabta ama
fududeya
shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay
unugyo badan (cells), nudayaal (tissues),
xubna
badan (organs) oo jirka ka mid
ahi
sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)-
In sonkor badan (glucose) si deg- deg ah
loogu bedelo tamar geydsan
(glycogen),
taas oo uu jirku dib u isticmaalo
xiliyada
gaajada amaba xiliyada ay sonkorta
dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos
loo
dhigo burburinta
Kaarboonhaydarayada
(cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska, Baastada
iyo
IWM) si aan sonkor badan oo kale
jirka
loogu soo darin. Intaas oo shaqo
ah marka uu hormoonka insuliinku
qabto
ayaa waxaa dhacda in sonkortii
dhiiga la socotay ay ku soo
noqoto xadigeedii
caadiga ahaa, unugyada ganacuna
hakiyaan soodeyntii hormoonka
Insuliinka. Hadaba khalal ku
yimaada soo deynta
hormoonka insuliinka amaba
carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa
ayaa
waxay sababtaa sonkorta dhiiga
oo kor u
kacda (hyperglycemia) ama hoos
u dhacda (Hypoglycemia) taas oo
inta badan aasaas u ah waxa loo
yaqaan
cudurka sonkorowga (Diabetes
mellitus). Mar hadii ay shaqada
insuliinku sidaa tahay waa maxay shaqada
hormoonka
kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu
qofku
gaajeysan yahay amaba uusan
qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa
waxaa
hoos u dhaca sonkorta dhiiga,
marka si sonkorta loogu soo
celiyo xadigeedii
caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa
unugyada ganaca ee loo yaqaan
Alpha
cells kuwaas oo bilaaba in ay soo
daayaan
hormoonka kuulukagon, islamarkiiba
hormoonkani waxa uu qabtaa
howlahan. 1)- sonkortii
keydsaneyd (glycogen) ee
jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo
yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo
keenta in
sonkortii dhiiga la socotay kor u
kacdo
ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga
ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa in Duxda
(lipids) iyo borotiinkii (proteins)
loo bedelo sonkor
(glucose) taasina waxa ay
dhacdaa xiliga
macaluusha ama gaajada siyaadada ah
waqtigaas oo sonkortii
keydsaneyd ee
jirka loo isticmaalay tamar ahaan,
u
bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay
kor u qaadaa
sonkortii dhiiga ee hoos u
dhacday. Mar
hadii ay sonkortii dhiigu (blood
Glucose level) ay ku soo noqoto xadigeedii
caadiga ahaa unugyada Alpha
cells ee
ganacu waxay ay hakiyaan soo
deyntii hormoonka kuulukogon
(glucugon). Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo
xakameyosonkorta jirka qofka
caafimaad
qaba, aan u soo noqono maxaa
keena in
sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa
ay inta badan ka sareyso
xadigeedii
caadiga ahaa ee loo baahnaa in
uu dhiiga la socdo. Maxaa sababa
cudurka sonkorowga (diabetes mellitus). Sidii aan hore
u soo sheegnay sonkorta
jirka ayaa waxaa xakameya oo
ku ilaaliya
inaysan dhaafin ama hoos uga
dhicin xadigeedii caadiga ahaa
hormoonada
kala ah Insuliin iyo kulukogon
(glucogon),
hadaba khalal ku yimaada
sameynta, soodeynta, iyo hanaanka shaqada ee
hormoonadan ayaa aasaasi u ah
cudurka
sonkorowga, khalaalkaasi waxa
uu ahaan
karaa. 1. howl gab ku yimaada unugyada ganaca
ee loo yaqaan beta cells kuwaas
oo soo
daaya hormoonka insuliinka,
howl
gabkaas oo sababa in aan wax insulin ah
aan la soo deyn ka dibna sonkortii
jirka
ay kor u kacdo maadama uusan
jirin hormoonkii xakameyn lahaa,
sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa
loo yaqaan
Nooca kowaad ee cudurka
sonkorowga
( Type I diabetes)
2.
unugyada jirka ee u qeybsan
in ay qaabilaan (receptor cells) hormoonka insuliinka oo
howshoodii
qaabilitaanku hoos u dhacdo,
sababana
carqaladeyn ku timaado howshii
hormoonka insuliinka , taas oo keenta xadigii sonkorta dhiiga oo
kor u kacda ,
sonkorowga noocan oo kale ah
ayaa
waxaa loo yaqaan Nooca labaad
ee cudurka sonkorowga (Type II
diabetes),
sonkorowga noocan oo kale ah
ayaa inta
badan ka sahlan midkii aan hore u
soo sheegnay inta badana ku dhaca dadka
da’doodu ka weyn tahay Afartan
jir iyo
dadka aadka u buurbuuran
(Obesity)
ogow in cudurka sonkorowgu uu
ka mid yahay cudarada la is
dhaxal siiyo
oo lagu qaado hidaha. Calaamadaha uu caanka ku yahay
cudurka sonkorowgu.
Calaamadaha in badan lagu arko
bukaha
sonkorowga qaba ayaa waxaa ka
mid ah. · Kaadi macaan (glucosuria) ·
Kaadi badan
oo xadhaaf, qofka oo labadii
saacba mar
kaadsha (Polyuria) · Haraad fara
badan (Polydipsia) · Gaajo fara badan
(ployphagia) · Miisaanka qofka oo
hoos u
dhaca ( weight loss) · Hamiga
galmada ee
raga oo hoos u dhaca (impotence) · Daal
(fatigue) · Qaleyl ama cuncun jirka
ah
( dry or itchy skin) · Aragtida oo
shucaac
ama ciiro gasho (blurry vision) · Afka oo qalala (dry mounth).
Marka walaal waxaan u heynaa noocyada sokorowga daaweeyn la hubo waxtar keeda inshaa allaah.